Xaalado bani’aadanimo oo kataagan deegaanka Koogaar+Sawirro

Date:

Shabeelada Dhexe(SONNA) Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin gaar ah oo aan kaga hadleyno  saameynta  Colaadda iyo abaarta ay ku yeelatay  dadka degan deegaanka Koogaar, gaar ahaan dadka  barakacayaasha ah ee ka soo barakacay  deeegaanka  Koogaar  oo ka tirsan Degmada Cadale  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  oo Dagaal beeleed ku dhex maray laba beelood oo walaala ah, taasi oo heshiis horudhac ah laga gaaray, waxaana  ka  muuqday  dadka iyo   duunyada  dhibaatooyin  ka dhashay dhinacyada  abaarta iyo  colaadda, iyadoo  dhulka uu yahay  mid aad  u kulul  oo aan wax roob ah  ka  di’in  seddexdii sano ee la soo dhaafay.

Balse waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi iyadoo boqolaal qoys ay ka faa’idaysteen deeq gar gaar ah oo isugu jirta nuucyada kaladuwan ee quutul daruuriga taasi oo loogu talagalay in lagu kaabo nolosha dadkaasi

Dadka ku nool deegaannada hoos taga  Degmada Cadale ayaa waxa ay la daala dhacayaan abaarta saameysay noloshooda” maadaama ay ku xoolo beeleen waxaana  dadka degan deegaanka  Koogaar ka muuqato daruufo adag oo xagga nolosha ah.

Dadka ku nool deegaannada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Cadale ayaa  waxa ay  noloshooda ku tiirsantahay Xoolaha, Beeraha  iyo kalluunka.

Qaar ka mid ah dadkii ka  faa,iideystay deeqdaasi raashiinka ayaa ka  mahad celiyay  deeqda la soo gaarsiiyay  waxeyna  ugu baaqeen dowladda dhexe soomaaliya iyo maamulka  hir shabeele  in ay soo eegaan xaalada ddakaasi ay ku noolyihiin

Nabadoon Maxamed Xuseen  Howl laawe  iyo Nuur Ciyow Geesey oo ka  mid ah odayaasha deegaanka  ayaa ka hadlay  xaalada nololeed ee dadka barakacayaasha  ah.

Gudoomiye ku xigeenka  arrimaha Siyaasadda iyo Amniga  ee degmada  Cadalle ee  Gobolka  shabeelaha dhexe  Xuseen Muxyadiin Cabdulle  ayaa ka warbixiyay baahiya ay qabaan dadka barakacayaasha  iyo waxyaabaha ay soo gaarsiiyeen  cod

dadkan lu nool deegaano hoos taga degmada cadalle  ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay  abaarta  iyo colaada  ka taagan Gobolka  waxaadna ka  dareemeysaa  deegaanadaasi biyo la ,aan iyo  Caafimaad daro haysata dadka deegaanka

Waxaa halkaas dhawaan Safar shaqo ku tagay  Wariye Muuse Cismaan Abtow oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Warbixintaana ka diyaariyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale