Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ku saabsan arrimaha Garsoorka oo Murataaniya ka dhacay

Date:

Shirkan  oo ay isugu yimaadaan Maxkamdaha Sare ee Wadamada ku jira  jamacda carabta oo sanadkii mar laqabto ayaa waxaa sanadkaan lagu qabtay Dalka muritaaniya Caasimadiisa Nwaakshood.

Soomaaliya waxaa  uga qayb galay shirkaasi mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Garsoorka Dalka waxaana kamid ahaa Garsoore Sheek Aabukar Cusmaan Daahir oo ah Garsoore Ka tirsan Makamadda Sare, Guddomiyaha Maxkamdda Racfaanka Gobalka Banaadir Ustaad Saalix Sheek Ibraahim Dhiblaawe.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi looga hadlayay ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Garsoorka ee Dalalka Ku bohoobay Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kujirto.

Shirka waxaa uu socday muddo labo maalin ah 23-24/10/2017 kaasi oo laga soo saarey gebeba gebadiisa qodobo mihiim ah oo quseeeya xiriirka iskaashiga iyo wadshaqeynta hay’adahaasi Garsoorka.

Wefdigii Soomaaliya uga qeybgalay ayaa sheegay in waxyaabihii shirkaasi ka soo baxay ay ahmiyad weyn u leeyihiin Dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...