Home Blog Page 1445

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa 2aad oo la kulmay danjireyaal

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu horeyn la kulmay sii hayaha safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay xafiiska siyaasadda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyneed ee Safaaradda iyo golaha shacabka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulan la qaatay safirika Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu golaha Shacabka ku taaageerayo, waxaana waxayaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista qabyo qoraalka dasturuka dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinaca Baarlaamanada sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dhiseyso Dugsi u gaar ah dadka naafada ah

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in Xukuumadda sanadkaan ay wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku dhisto Dugsi weyn oo wax lagu bari doono dadka Naafada ah ee lixaadkooda aanu dhameystirneyn, lacag la’aanna wax  lagu bari  doono.

Wasiir C/raxmaan, ayaa sheegay in sidoo kale ay qorsheynayaan in Shan Bolol oo macalimiin ay howlgaliyaan, Kuwaasi oo Dowladda Soomaaliya Mushaar ay siin doonto, ayna ka howlgali doonaan Magaaladda Muqdisho iyo Dhammaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay ujjeedka Dowladda uu yahay in lasoo nooleeyo Addeegyadii Waxbarasho ee Soomaaliya, si loo helo waxbarasho tayeysan oo isku dheeli tiran.

“Sanadkaan qorshaha waxaa noogu jira in aan dhisno Dugsi weyn oo loogu talo galay in ay wax ku bartaan dadka Naafadda ah gaar ahaan kuwa arraga la’, waxaa kale oo qorshaha noogu jira in Shan boqol oo macalin oo dowladda u shaqeeya la sameeyo, Mushaarkooda iyo gaadiidkooda Dowladda Miisaaniyadeeda ayaa lagu dari doonaa, Gobolka Banaadir iyo dhammaan gobolada dalka ayey ka howl gali doonaan macalimiintaasi ” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan

 

Kulan lagu daah furayay Mashruuca Ubabacdhigida Aafooyinka oo Baydhabo lagu qabtay

0

Baydhabo (SONNA) Kulankan oo Lagu daah  furayey Mashruuca Ubabacdhigida Aafooyinka Waxaa shir Guddoominayey Kusimaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Heer Fadaraal iyo maamul Gobaleed, Xubno kasocday Maamulka Gobolka iyo wakiilo ka tirsan midawga Yurub.

Mashruucan oo ay Maalgalinayaan Ururka Midawga Yurub ayaa waxaa Fulintiisa iska kaashanaya Hay addaha Concern iyo NRC . waxaana sidhaw Umaamuli doona Wasaarada Qorsheynta Dawlada Soomaaliya iyo Mida Koonfur Galbeed.

Dadka Abaaruhu ay aafeeyeen ayaa sigaar ah u caawin doona Mashruuca, iyadoona Lasiindoono Adeegiyo Caafimaad iyo Waxabarasho Bilaash ah, waxaa sidoo kale mashruuca uu abuuridoonaa Fursado Shaqo oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka dib uga soo laabtay Xariyaha Qoxootiga iyo Kuwa ku soo barakacey Magaalooyinka waaweyn ee Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Degmooyinka Masharuuca uu ka bilaabmi doono Waxaa Kamid ah Baydhabo, Marka iyo Baraawe sida Warbaahinta ay u sheegeen Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dawlada Soomaaliya Jamaal Faarax aadan iyo midka Koonfur Galbeed Naasir Curuush.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir uga qeybgalaya Washington

0

Washington(SONNA) Wasiirka Maaliyadda DFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka IMF iyo Bangiga Aduunka oo ka furmay Magaalada Washington D.C. ee xarunta Dalka Mareykanka

Wasiirka W.Maaliyadda DFS Dr C/Raxmaan Ducaale ayaa lagu wadaa in shirkaasi oo u dhaxeeya  madaxda IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka uu ka sheego arrimo ku saabsan Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee dhawaan la soo daabacayo.

Inta uu jooga magaalada Washington wafdiga Wasiirka Maaliyadda waxaa ay kulamo la yeelan doonaan madax kaladuwan oo ka kala socota hay’adaha Caalamiga ah oo taageera Soomaaliya,isagoo kala hadli doonna dowrka ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii loo soo daabici laha lacago Shillin Soomaali ah.

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Hey’adda IMF iyo Bangiga Aduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS Dr: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Hey’adda Lacahta Adduunka IMF/Bangiga Aduunka oo ka furmay Magaalada Washington D.C. ee Wadanka Maraykanka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS Dr C/Raxmaan Ducaale ayaa kala hadli doona Madaxda IMF-ta iyo kuwa Bangiga Aduunka arrimo ku saabsan Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee dhawaan la soo daabacayo.

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta konmeer ku tagay dhowr xarumood oo ay wax ku bartaan Gabdhaha Agoonta ah iyo kuwa danyarta ah.

Goobaha uu wasiirku tagay waxaa ka mid ah xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheer, Schoolka Agoonta ee Banaadir oo ay ku jiraan ku dhawaad 1,000 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Schoolka Yaasiin Cismaan iyo xarunta ay wax ku bartaan Ardayda Indhoolayaasha ah ee Al Bashiir.

Wasiir C/raxmaanDaahir Cismaan ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo arko qaabka ay wax u bartaan gabdhaha da’yarta ah maadaama ay maanta ku beegantahay 11 October oo loo asteeyey maalinta gabdhaha yar-yar.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in loo bahanyahay in la garabgalo dadka danyarta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kalena uu qorsha sanadka soo socda uu wasaaradda waxbarashadda yahay in la dhiso School weyn oo ay wax ku bartaan Ardayda aan araga laheyn.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Qorshaha wasaaradda ayaa waxaa ku jira in Miisaaniyadda Dowladda lagu daro 500 oo Macalin kuwaasoo xitaa loo dirayo Goboladda Dalka haddii loo baahdo”.

Magaaaladda Muqdisho waxaa ku yaala xarumo badan oo ay wax ka bartaan ardayda danyarta ah iyo sidoo kale kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaana intooda badan yihiin kuwo lacag la’aan ah.

Taariikhda Calankeena iyo halgankii loo soo maray

0

12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shanta geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Dalkeenna waxaa soo maray Sadex Calan kuwaas oo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay dalkeenna ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay sida uu Talyaanigu u maamulayay dalkeenna, kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay,  qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada.

Haddaba isla sanadkaasi 1954 waxaa loo baahday in la helo Calan uu yeesho dalkeenna mar haddi la helay nidaamki xornimo gaarsiinta, waxaa la soo bandhigay naqshado farabadan hase yeeshee isla sanadkaasi 12 Obtober 1954-tii maantoo kale Allaha u naxariistee  Maxad Cawaale Liibaan oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Leegada ayaa jeebkiisa ka soo bixyay Calanka hadda jira ee buluugga ah.

Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay,  waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig farabadan ku daatay, qiimaha, ixtiraamka, karaamada iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankeenna suubban darteed markii la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaantaCalanka.

Ma aha wax la soo koobi karo halganka adag ee waddaniyiinta Soomaaliyeed usoo galeen Calankeenna,  waxaana xusud mudan in halgankii ugu dambeeyay ee lagu difaacayo Calanka uu yahay kan imminka socda ee dalka lagaga saarayo kooxda Shabaab iyo Alqaacidda kuwaas oo iyagu diiday jiritaanka calankeenna iyo Soomaalinimadeennaba waxeyna dharaar cad meelo fagaare ah ku gubeen Calankeenna aynu Jecelnahay.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi ka dhiidhiyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, iyadoo malleeshiyaadkii shabaab ee doonayay in ay calan madow ku bedelaan calnkeenna sharafta leh laga saaray inta badan gobollada dalka, iyadoo haatan uu Calankeennu ka dulbabanayo dhamaan meelihii ugu dambeeyay ee shabaab laga xoreeyay iyo gobollada dalkeenna marka laga reebo meelaha kooban oo ay wali dalka ugu harsanyihiin Shabaab iyo Alqaacidda.

Ma aha wax qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo jacelylka iyo karaamada uu Calankeennu ku leeyahay quluubta waddaniyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay ku noolyihiin.

W.Q. Mowliid Maxamed Sabriye

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray Dalka Cumaan

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi ayaa gaaray dalka Cumaan, iyadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Koofi ayaa kormeer ku tagay xarunta ay ku shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoona si gaara ugu kuur galay howlaha ka socda xafiiska bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.

Agaasimaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Soomaliya u fadhiya Cumaan Wardheere, waxaana ay ka wada hadleen howlaha Hay’adda ka heyso safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hormarin lahaa Baasaboorka Soomaaliya, si loo gaaro in Muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku tagi karo halkii uu doonayo.

Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka oo Maanta ka dhacaysa Xudur

0

Bakool (SONNA) Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo Magaaladaasi, iyadoo Bulshada deegaanka ay codkooda dhiibanayaan.

Doorashada ayaa waxaa ka qeybgalaya Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha xukumadda Federaalka Soomaaliya,Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in Saaka ay socoto qaban qabada dooroshada Maamulka Degmada Xudur si weynna loo adkeeyay Amaanka Magaalada Xudur maadaama ay kasoo qeyb galayaan Ma’suuliyiin sar sare.

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wada dhismaha iyo xoojinta Maamulada degmooyinka Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha hoose oo dhamaan ka tirsan deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.