Home Blog Page 1445

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Kulankan oo ay Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesheen Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

(Faallo) Wadatashigu Waa Udub-dhexaadka Nabadda Iyo Horumarka Dalka.

0

In la yeesho kulamo wadatashi ah ama kuwo xal raadin ah waa sida keliya ee loo wajihi karo khilaaf kasta oo hareeya habsami u socodka howlaha dowladdnimo,waxaana arintaasi la gaari karaa marka la helo hogmiyaal iyo bulsho mideysan oo diyaar u ah waxqabad dhab ah oo ku aadan horumarka dalka.

waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo u soo bidhaamaya dadka Soomaaliyeed,bacdamaa lagu guuleystay in ay isu soo dhowaadeen maamulada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,isla markaana la xoojiyay is fahamka iyo wada shaqaynta la filan karo in ay la yimaadaan dhinacyadaasi

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gunaanaday kulan xasaasi ah oo looga hadlaayey,nabadgelyada dalka, Ciribtirka Argagixisada,Horumarinta hannaanka Federaalaynta,dib-u-eegista Dastuurka ,Geedi socodka Doorashada 2020,wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Goboleedyada iyo qodobo kale.

Kulankaasi oo muddo todobaad ah socday waxaa ka qeybgalay Madaxda dowladda Federaalka ah,kan dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale,iyadoo gunaanadkii ay ka soo baxeen qodobbo dhowr ah oo xal u noqon kara arimaha dalka,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda,amniga,federaalka,doorashooyinka,dib u eegista dastuurka iyo mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadan.

Khudbadihii ay gabagabadii kulankaasi wadatashiga ah ka jeediyeen madaxda dalka heer federal iyo heerdowlad goboleed ,waxaa ka muuqda in meel qura looga soo wada jeestay sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliya,isla markaana loo gaari lahaa horumar taam ah oo dhinacyo badan.

In meel la iska dhigo khilaafka gaarka ah ,loona gudbo midnimo dhab ah oo lagu wada shaqeeyo ,waxa uu ahaa qodobka kaliya ee ay daneynayeen bulshada Soomaaliyeed oo u ooman nabad iyo kala dambeyn laga hirgaliyo guud ahaan dalka.

Kulamada Wadatashiga ah ee xilligaan,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo rajada  dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud, gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Kulankaan wadatashiga ah ayaa ku yimid biseyl ay la yimaadeen hogaamiyaasha dalka, kadib kolkii la is-tusay in laga gudbo caqabadaha iyo turaanturooyinka wiiqi kara  geedi socodka arimaha dalka.

Go’aamadii ka soo baxay shirka wada tashiga oo lahaa ahmiyad gaar ah,waxaa lagu dhameystiray dodo iyo khilaaf kooban oo muddo horyiillay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,iyadoo wadatashiggoodu uu ka muuqday  soo afjaridda wax kasta oo ragadin kara arimaha dalka iyo habsami u socodsiinta  howlaha ku saabsan xaga hiigsiga cusub .

Inta badan shirarka wadatashiga ah, waa kuwo u dhacay  si wanaagsan  oo qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeeyay in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada saameeya masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka isfahamka  dhabta ah ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in uu yahay tallaabo horumar ah oo loo qaaday xalka Soomaaliya.hasayeeshee waxaa la isweydiiyay ama shaki laga muujiyay halka uu ku dambeeyay kaalintii iyo maqaamkii caasimadda dalka ay ku laheyd shirarka wadatashigga ah.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Ururka ESESCO oo cambeereeyey gantaalkii maleeshiyada xuutiyiintu ku rideen dalka Sacuudiga

0

Muqdisho (SONNA) Ururka islaamka u qaabilsan Culuumta waxbarashada iyo dhaqanka ee magaciisa la yiraahdo ESESCO ayaa cambaareeyay gantaal nooca loo yaqaan balaastiga kaas oo Maleeshiyada xuutiyiinta ka dagaalanta wadanka Yeman shalay ay ku duqayn Rabeen magalaada Riyaad gantaalkaasoo ciidamada difaaca cirka Sacuudi Arabiya ku Guulaysteen inay burburiyaan intaanu soo gaarin dhulka, Sida uu sheegay xoghaya guud ee uruka ESESCO DR Cabdicasiis Binu Cosmaan.

Hadii Maleeshiyada Xuutiyiintu ka dambeeyeen gantaalka lala doonayay magaalada Riyaad waa dambi culus waana halis kusoo socotey amaanka iyo nabad galyada dadka Muwaadintiinta waana xad gudub foolxun oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah

Sidoo kale ururka ESESCO ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka qaado talaabo Degdeg ah, isla markaana aan loo ogolaan inay gacanta kusii hayaan talada dalka Yeman Xukunkana dib loogu celiyo dawladii sharciga ahayd ee caalamku Aqoonsanyahay si amaankii iyo kala dambayntii ugu soo noqoto wadanka Yeman.

Munaasabad loogu dabaal dagayay Midowgii Ciidamada Talyaaniga iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SONNA) Xafladan ayaa waxaa lagu maamuusayey Sanadguuradii kasoo wareegatay markii la mideeyay Ciidamada Talyaaniga iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegneyd Afarta Bishan Novembar.

S/sare Carlo Emiliani u qaybsanaha arimaha Ciidamada Talyaaniga u joogo Soomaaliya ayaa sheegay in maalin weyn ay u tahay Dowlada Talyaaniga iyo shacabkeeda.

Safiirka Dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Carlo Campanile ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in munaasabadaan ay ku qabtaan Soomaaliya, maadaama ay ka mid tahay sida uu yiri dalalka xiriirka soo jireenka la leh Talyaaniga.

Wadsiir ku xigeenka  wasaaradda Gaashaandhiga C/llaahi Colaad Rooble ayaa ugu hambalyeey Dawladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda maalintan, wuxuuna Talyaaniga ku amaanay sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo sheegay in kaalin weyn ka qaadanayaan dib u dhiska dalka.

Ciidamada Talyaaniga ayaa waxaa ay u kala qaybsanaayeen waqooyi iyo Koofur taasoo talyaaniga ka dhigtay laba qaybood waxaana weli la dareemayaa kala qaybsanaantaasi.

Wadatashigu Waa Udub-dhexaadka Nabadda Iyo Horumarka Dalka. (Faallo)

0

In la yeesho kulamo wadatashi ah ama kuwo xal raadin ah waa sida keliya ee loo wajihi karo khilaaf kasta oo hareeya habsami u socodka howlaha dowladdnimo,waxaana arintaasi la gaari karaa marka la helo hogmiyaal iyo bulsho mideysan oo diyaar u ah waxqabad dhab ah oo ku aadan horumarka dalka.

waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo u soo bidhaamaya dadka Soomaaliyeed,bacdamaa lagu guuleystay in ay isu soo dhowaadeen maamulada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,isla markaana la xoojiyay is fahamka iyo wada shaqaynta la filan karo in ay la yimaadaan dhinacyadaasi

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gunaanaday kulan xasaasi ah oo looga hadlaayey,nabadgelyada dalka, Ciribtirka Argagixisada,Horumarinta hannaanka Federaalaynta,dib-u-eegista Dastuurka ,Geedi socodka Doorashada 2020,wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Goboleedyada iyo qodobo kale.

Kulankaasi oo muddo todobaad ah socday waxaa ka qeybgalay Madaxda dowladda Federaalka ah,kan dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale,iyadoo gunaanadkii ay ka soo baxeen qodobbo dhowr ah oo xal u noqon kara arimaha dalka,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda,amniga,federaalka,doorashooyinka,dib u eegista dastuurka iyo mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadan.

Khudbadihii ay gabagabadii kulankaasi wadatashiga ah ka jeediyeen madaxda dalka heer federal iyo heerdowlad goboleed ,waxaa ka muuqda in meel qura looga soo wada jeestay sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliya,isla markaana loo gaari lahaa horumar taam ah oo dhinacyo badan.

In meel la iska dhigo khilaafka gaarka ah ,loona gudbo midnimo dhab ah oo lagu wada shaqeeyo ,waxa uu ahaa qodobka kaliya ee ay daneynayeen bulshada Soomaaliyeed oo u ooman nabad iyo kala dambeyn laga hirgaliyo guud ahaan dalka.

Kulamada Wadatashiga ah ee xilligaan,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo rajada  dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud, gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Kulankaan wadatashiga ah ayaa ku yimid biseyl ay la yimaadeen hogaamiyaasha dalka, kadib kolkii la is-tusay in laga gudbo caqabadaha iyo turaanturooyinka wiiqi kara  geedi socodka arimaha dalka.

Go’aamadii ka soo baxay shirka wada tashiga oo lahaa ahmiyad gaar ah,waxaa lagu dhameystiray dodo iyo khilaaf kooban oo muddo horyiillay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,iyadoo wadatashiggoodu uu ka muuqday  soo afjaridda wax kasta oo ragadin kara arimaha dalka iyo habsami u socodsiinta  howlaha ku saabsan xaga hiigsiga cusub .

Inta badan shirarka wadatashiga ah, waa kuwo u dhacay  si wanaagsan  oo qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeeyay in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada saameeya masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka isfahamka  dhabta ah ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in uu yahay tallaabo horumar ah oo loo qaaday xalka Soomaaliya.hasayeeshee waxaa la isweydiiyay ama shaki laga muujiyay halka uu ku dambeeyay kaalintii iyo maqaamkii caasimadda dalka ay ku laheyd shirarka wadatashigga ah.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Amiir Sacuudi ah oo ku geeriyooday shil Diyaradeed

0

Muqdisho (SONNA) Amiir Mansuur bin Maqran oo ahaa ku xigeenka Amiirka mandiqada Casiir ayaa ku geeriyooday shil Diyaarad oo nooca hilokobtarka ah, waxayna ku burburtay Konfurta Sacuudiga oo dhacda Xuduuda sacuudigu la leeyahay dalka Yeman.

Wakaaladda wararaka rasmiga ah ee Sacuudiga(WAS) ayaa soo warisay in Amiirka dhintay uu xiligaasi ku jiray kormeer  mashaariic horumarineed ee ka socotay  Xeebaha bari ee magaalada Abha,waxaana la sheegay in xiriirkii diyaarada shilka gashay ee amiirku la socoday uu go’ay  xilli ay maraysay  meel u dhaw halka lagu magacaabo Rida.

Masu’liyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in Diyarada uu la socoday Amiirka geeriyooday lagu dhuftay Gantaal  laga soo tuurray dhanka dalka Yeman, kadib waxaa la maqlayay qarax aad u xoog badan oo ka dhashay diyaaradda meel u dhaw garoonka Diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad.

Sida laga warqabo Dowladda Sacuudiga ayaa waxay hogaaminaysaa xulifada dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ah ee Yeman.

Soomaalida Mareykanka”Waan ka qeybgalaynaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

0

Minnesota(SONNA) Wixii ka dambeeyey qarixii  14kii bishii October ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, iyo weerarkii 28kii bishaasi lagu qaaday hotel Nasa hablkood2,waxaa sii kordhayay dareenka xumbaarsan carada laga muujinayo ficilada guracan oo maleeshiyada SHabaab ay ku xasuuqyaan dadka shacabnka ah oo aan waxba galabsan.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed ee kunol gudaha iyo dibadda dalak ayaa si isku mid ah u sheegay in loo baahanyahay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhagaraha cadowga uu u maleegaya shacbka Soomaaliyeed.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool  magalaada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa muujiyay dareenkoodi ku aadan sida ay uga xunyihiin dhibaatooyinkaasi.

Waxaana kulan loogu ducaynayay dadkii ku waxyeeloobay qarixii soobe iyo weerarki Nasabaldood oo dadki ku dhintay ay kujireen  wasirkii Arrimaha gudaha K/galbeed Madoobe Nuunow Maxmed, Ex-xildhibaan C/naasir Gaarane iyo dhaman mas’uuliyiintiiiyo shacbkii ku dhintay falakasi  lagu qabtay magaaladani Minneapolis,waxaana loo duceeyey dadkii ku waxyeeloobay dhacdoooyinkaasi o is xig xigay.

Dhawaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxaa ay isku raaceen in lo midoobo gulufka ka dhanka ha alshabab,iyadoo haatan ay bilowdeen howlgalo dalka looga xoreynayo koxda Alshabaab.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee CXD“5 ayaan dilnay 7 kalena waan qabanay”+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere ayaa wakaalada SONNA u sheegay in Howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose lagu dilay 5-ka mid ah Argagaxisada Al shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 7-ka mid ah.

“Howgalka wuxuu ka socdaa Labada shabeelle ilaa iyo hadda waxaan gacanta ku dhignay 7 Maleeshiyada Al shabaab ah 5-na waa laga dilay maadaama xilli roobab ah lagu jiro Taliska ciidanka xoogga dalka howlgalkan wuxuu ugu tala galay in ay ka qeyb qaataan Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo lugta kuwaasoo daba socda Maleeshiyada oo meel kasta kaga daba tagaya, goordhow ayaan soo afjareynaa howlgaladan insha allah”ayuu yiri Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere

Taliyaha ayaa dhinaca kale guul weyn ku tilmaamay sida shacabka uga qeyb qaadanayaan Howlgalada, iyagoo fahmay dhagarta Maleeshiyada Al shabaab, isagoo sheegay in taasi ay fursad weyn siisay ciidamada xoogga dalka maadaama shacabka ay door weyn ka qaadanayaan Howlagalada iyagoo sheegaya meelaha ay u cararaan Al shabaab.

“Ciidamada waxaa habeen iyo maalin garab taagan dadka shacabka ah ee ku nool deeganada howgalka uu ka socda, waxay nala wadaagaan meelaha cadowga joogaan iyo qorshayaashooda waana guul weyn, waxayna daliil u tahay sida loo nacay kooxdan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb weyn ka qaadanayaan maamulada Labada Shabeele

“Howgalka waxaa qeyb ka ah maamulada labada Shabeelle, oo iyagana Garabkeena taagan waxayna naga caawinayaan Tusidda meelaha lamari karo iyo jidadka maadaama Gobolka ay xog ogaal u yihiin sida ugu dhaqsiyaha Badan ayaana loo soo afjarayaa kooxdan dhiig cabta ah”

Howlgaladan ayaa ah kuwo sahamo ah oo hordhac u ah dagaalka guud ahaan gobolada dalka laga bilaabi doono, kaasi oo lagu ciribtirayo Argagaxisada Al shabaab, waxaana diyaar garow xoogan ku jira Ciidamada xoogga dalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka AMISOM.

Galmudug oo xukuntay muwaadiniin u dhashey Yeman

0

Gaalkacyo(SONNA) Maxakamada kutaala magaalada Gaalkacyo ee Galmudug  ayaa Xukun Ku Riday Kalluumeysato udhashay Wadan Yeman,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay si sharci daro ah uga kalluumeysanayay.

Sedax Badmaaxiyaasha ah ayaa u dhashay wadanka yeman lana shaqeeynayay Dooni lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 isla markaana si sharci dara ah uga kalluumeeysanayay xeebaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa maxkamada Gobalka Mudug ee Galmudug ay ku xukuntay xukuno isugu jira xabsi iyo Ganaax lacageed.

Badmaaxiyaashani  oo  2dii bishii October ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug ayaa waxaa xukunkooda  ku dhawaaqay kaaliyaha Maxakamada Sare ee Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe kadib markii maxkamada la horkeenay ayna qirteen danbiga loo heystay sida uu xusay waxaana kaaliyuhu uu sheegay markii maxkamadu ay heshay cadeeyn marqaati iyo qiraalba in maxakamadu ay ku xukuntay sadaxdaan badmaax kiiba 2sano oo xabsiya iyo 2kun oo doolar waxaa sidoo kale maxakamadu ay ku xukuntay Doonidii ay la shaqeeynayeen sadaxdaan badmaax oo lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 konton kun oo doolar (50.0000$).

Intaas kadib waxaa iyaguna la hadlay warbaahinta Wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka Maxamed Cabdi Maxamed iyo Wasiirka wasaarada Gadiidka Badda iyo Dakadaha Galmudug Maxame Aadan Qalabxoor waxayna uga mahad celiyeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug howlgalkaan iyo howlgalada kale ee lagaga hortagayo
xaalufinta Kheyraadka badaha Soomaaliyeed.
Waxay ugu baaqeen madaxda Galmudug Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad gobaleedyadu in ay iska kaashadaan la dagaalanka Burcad kalluumeysiga xaalufinta ka wada badda wadankeena isla markaana loo baahan yahay in sida argagixisada la dagaalankeeda laysaga kaashanayo loogu midoobo ka hortagista kalluumeeysiga kheyraadka Badda soomaaliya

Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Donald Trump oo ka hadlay weerarkii lagu dilay 26 qof

0

Mareykanka(SONNA) Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donal Jey Trump oo ku sugan wadanka Japan ayaa waxaa uu si kulul u cambaareyeey weerarkii dad badan lagu dilay ee ka dhacay dalka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay fal shaydaan weerarkaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 20 qof kaasi oo ka dhacay Gobolka Taxes ee Mareykanka.

Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo lix qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan halka uu dhaawac ka soo gaarey shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen weerarka.

Magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga began magaalada San Antonio.

Saraakiisha ciidamada Booliska gobolka Texas ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerarka ka dhacay.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa lagu daweynaya isbitaalada kuyaala Gobolkaasi,sida uu sheegay guddoomiyaha  gobolka Texas Mr Greg Abbot.