Home Blog Page 1446

Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyay duqeyntii lagu bartilmaameedsaday Horjoogaha Daacish ee Soomaaliya

0

MUQDISHO- (SONNA)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday horjoogihii Daacish ee Soomaaliya oo ku sugan Buuralayda Galgala ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku ku qaadeen buuralayda Gobolka Bari taasi oo isaga lagu bartilmaameedsanayay.

Xogo ay heleen hay’adaha ammaanka Puntland ayuu ku sheegay Madaxweynaha Puntland  in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin,iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Gobolka Bari.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa  soo dhaweeyay beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada.

Xigasho VOA.

Soomaalida Mareykanka”Waan ka qeybgalaynaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

0

Wixii ka dambeeyey qarixii  14kii bishii October ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, iyo weerarkii 28kii bishaasi lagu qaaday hotel Nasa hablkood2,waxaa sii kordhayay dareenka xumbaarsan carada laga muujinayo ficilada guracan oo maleeshiyada SHabaab ay ku xasuuqyaan dadka shacabnka ah oo aan waxba galabsan.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed ee kunol gudaha iyo dibadda dalak ayaa si isku mid ah u sheegay in loo baahanyahay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhagaraha cadowga uu u maleegaya shacbka Soomaaliyeed.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool  magalaada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa muujiyay dareenkoodi ku aadan sida ay uga xunyihiin dhibaatooyinkaasi.

Waxaana kulan loogu ducaynayay dadkii ku waxyeeloobay qarixii soobe iyo weerarki Nasabaldood oo dadki ku dhintay ay kujireen  wasirkii Arrimaha gudaha K/galbeed Madoobe Nuunow Maxmed, Ex-xildhibaan C/naasir Gaarane iyo dhaman mas’uuliyiintiiiyo shacbkii ku dhintay falakasi  lagu qabtay magaaladani Minneapolis,waxaana loo duceeyey dadkii ku waxyeeloobay dhacdoooyinkaasi o is xig xigay.

Dhawaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxaa ay isku raaceen in lo midoobo gulufka ka dhanka ha alshabab,iyadoo haatan ay bilowdeen howlgalo dalka looga xoreynayo koxda Alshabaab.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee CXD“5 ayaan dilnay 7 kalena waan qabanay”

0

Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere ayaa wakaalada SONNA u sheegay in Howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose lagu dilay 5-ka mid ah Argagaxisada Al shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 7-ka mid ah.

“Howgalka wuxuu ka socdaa Labada shabeelle ilaa iyo hadda waxaan gacanta ku dhignay 7 Maleeshiyada Al shabaab ah 5-na waa laga dilay maadaama xilli roobab ah lagu jiro Taliska ciidanka xoogga dalka howlgalkan wuxuu ugu tala galay in ay ka qeyb qaataan Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo lugta kuwaasoo daba socda Maleeshiyada oo meel kasta kaga daba tagaya, goordhow ayaan soo afjareynaa howlgaladan insha allah”ayuu yiri Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere

Taliyaha ayaa dhinaca kale guul weyn ku tilmaamay sida shacabka uga qeyb qaadanayaan Howlgalada, iyagoo fahmay dhagarta Maleeshiyada Al shabaab, isagoo sheegay in taasi ay fursad weyn siisay ciidamada xoogga dalka maadaama shacabka ay door weyn ka qaadanayaan Howlagalada iyagoo sheegaya meelaha ay u cararaan Al shabaab.

“Ciidamada waxaa habeen iyo maalin garab taagan dadka shacabka ah ee ku nool deeganada howgalka uu ka socda, waxay nala wadaagaan meelaha cadowga joogaan iyo qorshayaashooda waana guul weyn, waxayna daliil u tahay sida loo nacay kooxdan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb weyn ka qaadanayaan maamulada Labada Shabeele

“Howgalka waxaa qeyb ka ah maamulada labada Shabeelle, oo iyagana Garabkeena taagan waxayna naga caawinayaan Tusidda meelaha lamari karo iyo jidadka maadaama Gobolka ay xog ogaal u yihiin sida ugu dhaqsiyaha Badan ayaana loo soo afjarayaa kooxdan dhiig cabta ah”

Howlgaladan ayaa ah kuwo sahamo ah oo hordhac u ah dagaalka guud ahaan gobolada dalka laga bilaabi doono, kaasi oo lagu ciribtirayo Argagaxisada Al shabaab, waxaana diyaar garow xoogan ku jira Ciidamada xoogga dalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka AMISOM.

Xigasho:SONNA

Madaxweyne Gaas oo faah faahiyay duqeyntii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday horjoogihii Daacish ee Soomaaliya oo ku sugan Buuralayda Galgala ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku u qaadeen buuralayda Gobolka Bari tasi oo isaga lagu bartilmaameedsanayay.

Xogo ay heleen hay’adaha ammaanka Puntland ayaa ku sheegay Madaxweynaha Puntland  in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin,iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Gobolka Bari.

C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa  soo dhaweeynayay beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada.

Xigasho VOA

Deeq lacageed oo bulshada Xudur ka timid oo lagu wareejiyay guddiga Gurmad Qaran-Sawirro

0

Xudur(SONNA)-Dhalinyarada iyo ganacsatada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ayaa markii ay dhacday musiibadii 14 October ee dadka badan ku geeriyoodeen waxaa ay u istaageen sidii qeyb ugu qaadan lahaayeen dadkii ku waxyeeloobay musiibadaas.
Olole dhaqaale, aruurin ah oo ay hormuud u ahaayeen dhalinyarada magaaladaas ayaa laga bilaabay xaafadaha iyo qeybaha kale ee magaalada Xudur, ayagoo sidoo kale adeegsaday Idaacad FM ah oo magaalada Xudur ka shaqeysa.

Dhalinyarada ayaa aruuriyay lacag badan, waxaana maanta lagu wareejiyay guddiga gurmad qaran lacag dhan $ 3771 taas oo uu wakiil ka ahaa Cali C/raxmaan Aadan oo ka tirsan warbaahinta dowladda.

Xasan Maxbuub Mursal, oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolka Bakool isla markaana kamid ahaa wakiilada lacagta wareejiyay ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Xudur iyo guud ahaan gobolka ay dhibaato weyn kala kulmeen Al-shabaab taa oo ay jirtana isku dayeen in ay caawiyaan walalahooda dhibaateysan.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee guddiga gurmad qaran, C/laahi Maxamed Shirwac  ayaa lacagtaas ka gudoomay wakiilada, waxaana uu sheeegay in ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay ee dhibaniyaasha ah.

 

 

Maxaad ka taqaanaa Degmada Warshiiq warbixin

0

Muqdisho(SONNA) Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo qayaas ahaantii 65 KM ujirta magaalada Muqdisho,waa degmo qadiimi ah oo soo jirtay boqolaal sano ka hor,waxay kamid ahayd degmooyinkii laga xoreeeyey Shabaab muddo sanado ah ka hor,tan iyoxiligaasi degmada waxaa jiray baahiyo dhanka adeegyada bulshada ah.

Dhaqaalaha degmada ayaa ku tiirsan dhaqashada xoolaha iyo ka ganacsiga Kalluunka,waxaa sidoo kale soo wehliyo wax soo saarka beeraha balse aan sidaasi u buurnayn.

Degmada Warshiiq iyo tuulooyinka hoostaga ayaa haatan sameynaya horumaro kaladuwan,hase ahaatee waxaa weli muuqata in ay jiraan baahiyo loo qabo adeegyada bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada,waxaana jira goobo waxbarasho aan sidaasi u ballaarnayn.

Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii loo horumarin lahaa bulshada gaar ahaan dhanka waxbarashada,dhawaan waxaa tuulada Qeyloweyne oo hoostagta degmada Warshiiq laga hirgeliyay iskuul Hoose Dhexe kaasi oo loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan bulshada deegaankaasi,waxaana hirgelisay Hay’adda Gifty of The Givers oo laga leeyahay dalka Koonfur Africa taasi oo ka shaqeysa daryeelka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe Axmed Xuseen Axmed(SHiidka) ayaa uga mahadceliyay hay’adaasi dadaalkeedi ku aadan isgarabtaaba bulshada,isagoo xusay in ay jiraan baahiyo loo adeegyada muhiimka ah oo ay bulshadu u baahanyihiin.

 

 

 

Taliska Xoogga qeybta 12ka April oo sheegay inay guullo ka gaareen howlgal ka dhacay deegaano gobolka Sh/hoose katirsan

0

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa hoggaaminayey howlgal ciidamada difaaca ay ku xorreeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaasi oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Deegaanada howlgan lagu xorreeyey, waxa kamid ah God, Dofaar, Jambaluul iyo Basra oo kawada tirsan gobolka sh/hoose, waxaana intii uu socday howlgalka  ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid dagaal oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciimadda ay guullo weyn ka gaareen howlkaasi, ayna ku dileen maleeshiyaad nabad diidka ka tirsan, isagoo intaas raaciyey in nolosha ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi Naflacaariga ah.

howlgaladani, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

  

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta la kulmay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, kulaankaas oo daba socda kulamo xariir ah oo maalmahaan Guddiga uu la lahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee dib u qaabeyn loogu sameyn karo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo siddii loo kordhin lahaa howlgalada dalka looga xoreynayo kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Guddiga Maaliyadda, ayaa Sidoo kale la kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  iyagoona ka wadahadlay Xisaab xirka Miisaaniyada 2016-ka ee Qaranka.

Ugu Danbayntii Guddiga Gaadiidka, ayaa iyana yeeshay kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah, waxaana looga hadlay Dajinta Qorshe howleedka Guddiga iyo la kulanka ilaa Afar Wasaaradood oo uu Guddiga ku leeyahay kor-joogtayn-tooda.

 

 

 

 

Akhriso: Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar); Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf); Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:

1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada
2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka
3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah
4. Geedi socodka Doorashada 2020
5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo

Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

1. Siyaasadda

a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.

c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

2. Amniga

a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.

ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.

iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture).

ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.

iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.

iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

3. Arrimaha Federaalka

a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.

b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.

c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.

d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.

e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

4. Arrimaha Doorashooyinka 2020

a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.

b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.

c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.

d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

5. Deb-u-eegista Dastuurka

a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.

b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.

c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada

a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.

b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.

c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

DHAMMAAD

Taliska Xoogga qeybta 12ka April oo sheegay inay guullo ka gaareen howlgal ka dhacay deegaano gobolka Sh/hoose katirsan “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA), Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa hoggaaminayey howlgal ciidamada difaaca ay ku xorreeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaasi oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Deegaanada howlgan lagu xorreeyey, waxa kamid ah God, Dofaar, Jambaluul iyo Basra oo kawada tirsan gobolka sh/hoose, waxaana intii uu socday howlgalka  ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid dagaal oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciimadda ay guullo weyn ka gaareen howlkaasi, ayna ku dileen maleeshiyaad nabad diidka ka tirsan, isagoo intaas raaciyey in nolosha ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi Naflacaariga ah.

howlgaladani, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.