Home Blog Page 1446

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray Dalka Cumaan+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi ayaa gaaray dalka Cumaan, iyadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Koofi ayaa kormeer ku tagay xarunta ay ku shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoona si gaara ugu kuur galay howlaha ka socda xafiiska bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.

Agaasimaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Soomaliya u fadhiya Cumaan Wardheere, waxaana ay ka wada hadleen howlaha Hay’adda ka heyso safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hormarin lahaa Baasaboorka Soomaaliya, si loo gaaro in Muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku tagi karo halkii uu doonayo.

Natiijada doorashada Liberia oo la shaacinayo

0

Liberia(SONNA) Waxaa si rasmi ah uga bilowday dalka Liberia tirinta codadkii la dhiibtay ee doorashada madaxtinimo ee wadankaasi,Iyadoo ay noqonayso xil isku wareejintii ugu horaysay ee dimoqraadi ah ee dalkaasi ka dhacda mudo todobaatan sano ka badan.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha doorashooyinka,balse guddiga waxaa uu qiray in ay jiraan qaladaad dhacay intii ay doorashadu socotay.

Haweeneyda ka sii degaysa xilka madaxtinimo Allen Johnson ayaa ku baaqday in si nabad ah ay dadka u codeeyaan la iskana ilaaliyo wax dhibatooyin ah oo dhaca inta ay howlaha doorashooyinu ay socdaa.

Waxaa xilkaasi ku tartamaysa ilaa  Labaatan musharax Waxaana ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah,kaasi oo lagu tilmaamo inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta kale.

Waxaa la sugayaa in lagu dhawaaqo natiijada dhawaan,balse waxaa la hadal hayaa in ay adkaan karto in si dhaqsi ah loo shaaciyo sababo la xiriira waddooyinka caasimadda oo aad ciriiri u ah.

Sanadkii 2003dii ayay ahayd markii Miss Sirleaf ay qabatay hoggaanka madaxtinimo,xili dalkaasi uu ka jiray dagaal sokeeye intii uu talada hayay hoggaamiyihii hore Charles tailor oo haatan ku jira xabsi kuyaala dalka Britain,kadib markii maxakamadda dembiyada dagaal ee adduunka ay xukuntay.

5 qof oo Shabaab ah oo ku dhintay gaari kula qarxay Hiiraan

0

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Shabaab  uu la qarxay gari ay saar naayeen kaasi oo marayay meel u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa 5 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen maleeshiyada Shabaab uu kula qarxay deegaanka lagu magacaabo Luuq-Jeelow oo hostaga magaalada Baladweyne.

Goob Joogayaal ayaa SONNA u sheegay in gaariga nuuciisu uu ahaa Noho islamarkaana laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,taasi oo sababtay in ay ku dhintaan 5 kamid ah dhagar qabayashii gaarigaasi u rarnaa.

Deeganka Luuq Jeelow wuxuu u jiraa Baladweyne ilaa 12 KM Khayaastii,waxaana gaarigaasi la sheegay in uu ka yimid dhanka Deegaanka Buqqable oo ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada Shabaab.

Howl-galo ka dhan ah Al shabaab oo ka socda Gobolka Shabeelaha hoose

0

Bashiir maxamed Yuusuf oo ah Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan dhaqdhaqaayo ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Bashiir maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay tani in ay qeyb ka tahay gulufka dagaal ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaab looga saarayo deegaanada faro ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada shabeelaha hoose.

Waxaa uu sheegay Bashiir maxamed Yuusuf Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe  in ay Gobolka ka jirto abaar saamayn ku yeelatay bulshada deegaanada shabeelaha hoose in kastoo ay jiraan deeqo la gaarsiiyay dadka ku nool Gobolka shabeelaha hoose hase ahaatee aysan ku filnayn marka loo eego baahida ay qabaan bulshadu.

Natiijada doorashada Liberia oo la shaacinayo

0

Waxaa si rasmi ah uga bilowday dalka Liberia tirinta codadkii la dhiibtay ee doorashada madaxtinimo ee wadankaasi,Iyadoo ay noqonayso xil isku wareejintii ugu horaysay ee dimoqraadi ah ee dalkaasi ka dhacda mudo todobaatan sano ka badan.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha doorashooyinka,balse guddiga waxaa uu qiray in ay jiraan qaladaad dhacay intii ay doorashadu socotay.

Haweeneyda ka sii degaysa xilka madaxtinimo Allen Johnson ayaa ku baaqday in si nabad ah ay dadka u codeeyaan la iskana ilaaliyo wax dhibatooyin ah oo dhaca inta ay howlaha doorashooyinu ay socdaa.

Waxaa xilkaasi ku tartamaysa ilaa  Labaatan musharax Waxaana ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah,kaasi oo lagu tilmaamo inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta kale.

Waxaa la sugayaa in lagu dhawaaqo natiijada dhawaan,balse waxaa la hadal hayaa in ay adkaan karto in si dhaqsi ah loo shaaciyo sababo la xiriira waddooyinka caasimadda oo aad ciriiri u ah.

Sanadkii 2003dii ayay ahayd markii Miss Sirleaf ay qabatay hoggaanka madaxtinimo,xili dalkaasi uu ka jiray dagaal sokeeye intii uu talada hayay hoggaamiyihii hore Charles tailor oo haatan ku jira xabsi kuyaala dalka Britain,kadib markii maxakamadda dembiyada dagaal ee adduunka ay xukuntay.

Doorasho Maanta ka dhacaysa Magaalada Xudur ee G/Bakool

0

Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo godaha Magaaladaasi kaasoo ay  dooran doonaan bulshada deegaanka.

Doorashada ayaa waxaa ka qeybgalaya Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha xukumadda Federaalka Soomaaliya,Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in Saaka ay socoto qaban qabada dooroshada Maamulka Degmada Xudur si weynna loo adkeeyay Amaanka Magaalada Xudur maadaama ay kasoo qeyb galayaan Ma’suuliyiin sar sare.

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wada dhismaha iyo xoojinta Maamulada degmooyinka Gobolada Baay,Bakool iyo shabeelaha hoose oo dhamaan ka tirsan deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Maamulka G/ hiiraan oo sheegay in ay ku guulaysteen qeybinta deeq gar gaar ah

0

Shiikh Xuseen Guddoomiye ku xigeenka Arrimah bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay si wanaagsan u maamuleen deeq  dhawaan lagu wareejiyay Maamulka Hiiraan taasoo loogu talo galay Caawinta dadka abaartu ku saamaysay ka timid dowladda turkiga.

Shiikh Xuseen ayaa tilmaamay inay wali abaar daran ka jirto Gobolka Hiiraan taasina aysan ka dhignayn in ay ku filan tahay deeqdaani Bulshada Gobolka.

Balse ay kaga mahad celinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka sida ay u garab taagan yihiin bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

Gobolka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Gobolada ay ka jirto abaar xoogan oo saamaysay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah.

Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

0

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo  Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland  ayaa Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad, Xunbaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeray Dhammaan Qeybaha Kala Duwan Ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,  iyagoona Mid Mid u Xog Warestay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka  ayaa Sido kale Soo Kormeray Xaruntii UN Ka ay Horay u Daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo Hadda ay Ka Guureen, Taas oo dhammaan Qalabkii Yalay Lagu Wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka Dib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu Horumar Weyn Ku Talabsaday, Waxuuna Mamulka Garoonka Ku Amaanay Howlaha Horumarinta Leh Ee Garoonka ay Wadaan.

Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda  Kismaayo la ballaarinayo

0

Kismaayo (SONNA) Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo  Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland  ayaa Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad, Xunbaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeray Dhammaan Qeybaha Kala Duwan Ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,  iyagoona Mid Mid u Xog Warestay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka  ayaa Sido kale Soo Kormeray Xaruntii UN Ka ay Horay u Daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo Hadda ay Ka Guureen, Taas oo dhammaan Qalabkii Yalay Lagu Wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka Dib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu Horumar Weyn Ku Talabsaday, Waxuuna Mamulka Garoonka Ku Amaanay Howlaha Horumarinta Leh Ee Garoonka ay Wadaan.

Wasiir ku xiggeenka Shaqada XFS oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda Dalka Qadar ee Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asadkulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda Dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.

 Kulankan ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyay Dalka Qadar iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Mashaariicdii horumarineed ee ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad  oo aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada yeesheen Wasiir ku xiggeenka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweyn kaddib ku yiri:

“Mudane Wasiir, ka Safaarad ahaan, waxaan mar walba xoojinaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaanna gacanta ku heynaa heshiisyadii dhex maray Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Qatar iyo Soomaaliya, waxaana dooneynaa in dib loosoo celiyo wada shaqeyntii guddiyada  labada dhinac ee ku howlanaa Mashaariicda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Hassan Bin Hamza Asad, Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladda Qadar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac, Waxuuna ku wargeliyay Wasiir ku xiggeenka in uu u hayo Casuumaad uga timid Wasaaradda dhiggiisa ee shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Dalka Qadar uuna rajeynaayo in uu ka jawaabi doono Casuumaaddaas uu tagi doono caasimadda Doha ee dalka Qatar.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan aya kaga mahadceliyay Safiirka soo dhoweyntiisa diirran, sidoo kalana xusay dowrka ay ka qaadatay dowladda Qatar xaaladaha addeega ee ka jira Dalka Soomaaliya, waxuuna u sheegay inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha dalka Qadar, waxuu kaloo u sheegay iney sii wadi doonaan wadashaqeyntii guddiga labada dhinac ee u qaabilsanaa Horumarinta Mashaariicda ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xiggeenka ayaa hadalkiisa ku xusay Dowladda Soomaaliya iney tahay Dowlad Halku-dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol taasoo qaadatay hannaanka wadashaqeyn ee uu lahaan jiray Dalka sida labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, isagoo Safiirka u sheegay iney garab ka siiyaan soo celinta dugsiyadii Farsamada ee uu Dalka lahaan jiray si loo helo Shaqaale xirfadle ah.