Taliyaha qeybta 12-ka April ee CXD“5 ayaan dilnay 7 kalena waan qabanay”+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere ayaa wakaalada SONNA u sheegay in Howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose lagu dilay 5-ka mid ah Argagaxisada Al shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 7-ka mid ah.

“Howgalka wuxuu ka socdaa Labada shabeelle ilaa iyo hadda waxaan gacanta ku dhignay 7 Maleeshiyada Al shabaab ah 5-na waa laga dilay maadaama xilli roobab ah lagu jiro Taliska ciidanka xoogga dalka howlgalkan wuxuu ugu tala galay in ay ka qeyb qaataan Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo lugta kuwaasoo daba socda Maleeshiyada oo meel kasta kaga daba tagaya, goordhow ayaan soo afjareynaa howlgaladan insha allah”ayuu yiri Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere

Taliyaha ayaa dhinaca kale guul weyn ku tilmaamay sida shacabka uga qeyb qaadanayaan Howlgalada, iyagoo fahmay dhagarta Maleeshiyada Al shabaab, isagoo sheegay in taasi ay fursad weyn siisay ciidamada xoogga dalka maadaama shacabka ay door weyn ka qaadanayaan Howlagalada iyagoo sheegaya meelaha ay u cararaan Al shabaab.

“Ciidamada waxaa habeen iyo maalin garab taagan dadka shacabka ah ee ku nool deeganada howgalka uu ka socda, waxay nala wadaagaan meelaha cadowga joogaan iyo qorshayaashooda waana guul weyn, waxayna daliil u tahay sida loo nacay kooxdan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb weyn ka qaadanayaan maamulada Labada Shabeele

“Howgalka waxaa qeyb ka ah maamulada labada Shabeelle, oo iyagana Garabkeena taagan waxayna naga caawinayaan Tusidda meelaha lamari karo iyo jidadka maadaama Gobolka ay xog ogaal u yihiin sida ugu dhaqsiyaha Badan ayaana loo soo afjarayaa kooxdan dhiig cabta ah”

Howlgaladan ayaa ah kuwo sahamo ah oo hordhac u ah dagaalka guud ahaan gobolada dalka laga bilaabi doono, kaasi oo lagu ciribtirayo Argagaxisada Al shabaab, waxaana diyaar garow xoogan ku jira Ciidamada xoogga dalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...