Amiir Sacuudi ah oo ku geeriyooday shil Diyaradeed

Date:

Muqdisho (SONNA) Amiir Mansuur bin Maqran oo ahaa ku xigeenka Amiirka mandiqada Casiir ayaa ku geeriyooday shil Diyaarad oo nooca hilokobtarka ah, waxayna ku burburtay Konfurta Sacuudiga oo dhacda Xuduuda sacuudigu la leeyahay dalka Yeman.

Wakaaladda wararaka rasmiga ah ee Sacuudiga(WAS) ayaa soo warisay in Amiirka dhintay uu xiligaasi ku jiray kormeer  mashaariic horumarineed ee ka socotay  Xeebaha bari ee magaalada Abha,waxaana la sheegay in xiriirkii diyaarada shilka gashay ee amiirku la socoday uu go’ay  xilli ay maraysay  meel u dhaw halka lagu magacaabo Rida.

Masu’liyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in Diyarada uu la socoday Amiirka geeriyooday lagu dhuftay Gantaal  laga soo tuurray dhanka dalka Yeman, kadib waxaa la maqlayay qarax aad u xoog badan oo ka dhashay diyaaradda meel u dhaw garoonka Diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad.

Sida laga warqabo Dowladda Sacuudiga ayaa waxay hogaaminaysaa xulifada dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ah ee Yeman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...