Munaasabad loogu dabaal dagayay Midowgii Ciidamada Talyaaniga iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Xafladan ayaa waxaa lagu maamuusayey Sanadguuradii kasoo wareegatay markii la mideeyay Ciidamada Talyaaniga iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegneyd Afarta Bishan Novembar.

S/sare Carlo Emiliani u qaybsanaha arimaha Ciidamada Talyaaniga u joogo Soomaaliya ayaa sheegay inย maalin weyn ay u tahay Dowlada Talyaaniga iyo shacabkeeda.

Safiirka Dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Carlo Campanile ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in munaasabadaan ay ku qabtaan Soomaaliya,ย maadaama ay ka mid tahay sida uu yiri dalalka xiriirka soo jireenka la leh Talyaaniga.

Wadsiir ku xigeenkaย  wasaaradda Gaashaandhiga C/llaahi Colaad Rooble ayaa ugu hambalyeey Dawladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda maalintan, wuxuuna Talyaaniga ku amaanay sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo sheegay in kaalin weyn ka qaadanayaan dib u dhiska dalka.

Ciidamada Talyaaniga ayaa waxaa ay u kala qaybsanaayeen waqooyi iyo Koofur taasoo talyaaniga ka dhigtay laba qaybood waxaana weli la dareemayaa kala qaybsanaantaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...