Home Blog Page 1438

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex Maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah oo ku aadan Qaraxyadii Argagixiso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla isgooyska Soobbe iyo Laamiga Ceel Qalow ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxyadaas. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan argagixiso gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxaan isla markaasna ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex Maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah oo ku aadan Qaraxyadii Argagixiso

0

(Muqdisho, SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla isgooyska Soobbe iyo Laamiga Ceel Qalow ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxyadaas. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan argagixiso gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxaan isla markaasna ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta. 

R/wasaare Kheyre oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA). Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Galabta ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, isagoo xusay in falkaan uu muujinayo Arxan darrada Nabad diidka Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa cambaareeyey qaraxa dadka badan ay ku waxyeeloobeen oo Argagixisada Alshabaab ay ka geeysteen galabta Magaaladda Muqdisho, iyagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Qeybaha kala duwan ee Bulshadda, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku ah u cambaareeyey qaraxan, iyaggoo  ku tilmaamay musiibo qaran oo muujineyso Arxan darada iyo xasuuqa Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Faah faahin ka soo baxaysa qarixii Soobe

0

Dad aad u farabadan ayaa  ku geeriyooday sidoo kale waxaa jira dhawacyo badan kadib Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah balse goob joogayaal iyo Laamaha Caafimaadka ayaa sheegaya in dad kabadan 30 qof ay ku dhinteen,kuwo kalena ay dhaawacmeen,meydad badan ayaa weli yaala goobtaasi,iyadoo la galay waqti habeen ah.

Waxaaa goobtaasi yaala gawaari aad u badan oo kuwa shacabka ah,kuwaasi oo uu qaraxaasi burburiyay,mashquul xoogan ayaa goobta ka taagan iyadoo ehelada dadkii halkaasi ku waxyeeloobay ay halkaasi dhooban yihiin.

Dadka dhaawacyada soo gaarey ayaa loo daabulay isbitaalada Magaalada Muqdisho waxaana soconaya howlo gurmad ah, dhismayaal badan ayaa ku burburay qaraxa,iyadoo la aaminsanyahay in ay jiraan dadbadan oo dhismayaasha ku hoosjira.

Mas’uuliyiintii goobtaasi tagtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in qofkasta uu ka qeyb qaato gurmadka.

Waxaa la arkayay mas’uuliyiin iyo shacab aad u farabadan kuwaasi oo gaaray goobtaasi,waxaana si wada jir ah looga qeyb qaadanayaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku dhibaatoobay mashaqadaasi maanta dhacday.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howl maalmeedkooda.

Ciidamada NISA oo qarxiyay gaari Noha ah oo qarax siday

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari Noha ah oo qarax labaad siday,kaasi oo markii dambe ciidamada NISA ay qarxiyeen.

Gaariga Nohada ah oo waday qarax labaad oo maleeshiyaadka Shabaab ay doonayeen in shacabku ay ku dhibaateeyaan ayaa ciidamadu waxay ku qarxiyeen Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Falkani ayaa imaanaya waxyer un kadib markii argagixisada Shabaab ay gaari nuuca xamuulka ay ku qarxiyeen goob shacabku ay ku badnaayeen oo kutaal isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari nuuca Xamuulka ah oo ku qarxay isgoyska Soobe ee Muqdisho

0

Qaraxani oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, .

Macadda ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi,balse waxaa soconayay gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howlmaalmeedkooda.

R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka tartanka loo galayo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda

0

Muqdisho(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.

Guddigan oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka  ayaa guddoon looga dhigay R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

11ka Xubnood ee guddigan ayaa kala ah  5 Wasiir ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay’adaha Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada NISA oo qarxiyay gaari Noha ah oo qarax siday

0

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari Noha ah oo qarax labaad siday,kaasi oo markii dambe ciidamada NISA ay qarxiyeen.

 Gaariga Nohada ah oo waday qarax labaad oo maleeshiyaadka Shabaab ay doonayeen in shacabku ay ku dhibaateeyaan ayaa ciidamadu waxay ku qarxiyeen Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Falkani ayaa imaanaya waxyer un kadib markii argagixisada Shabaab ay gaari nuuca xamuulka ay ku qarxiyeen goob shacabku ay ku badnaayeen oo kutaal isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari nuuca Xamuulka ah oo ku qarxay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho

0

Qaraxani oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, .

Macadda ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi,balse waxaa soconayay gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howlmaalmeedkooda.

Daacish oo bilowday in ay isaga baxda magaalada Raqa ee Siiriya.

0

Illo wareedyo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay bilowday in ay isaga baxday magaalada Raqa ee Dalka Siiriya.

12 ka mid ah Gawaarida Xamuulka ayaa la arkayay iyaga oo galaya Galbeedka magaalada si ay Ciidanka Kooxda ay ugu daabulaan Bariga Deegaanka Deeru-zuur ee isla Dalka Siiriya.

Arrintaani ayaa imaaneyso iyada oo Daacish ay culeys xooggan oo millatari ay kala kulmeyso duqeymaha diyaaradaha isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka.

Bilow ka hor ayey ahayd markii uu bilowday howllgal balaaran oo Daacish looga saarayo magaalada Raqa, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada xorta ah ee uu taageero Mareykanka

Waxay ka bixitaanka Kooxda ee magaalada Raqa ay ka dhigan tahay dharbaaxo kale oo culus oo soo wajahda Daacish marka laga yimaado guuldareedii kasoo gaartay magaalada Mowsil ee Dalka Ciraaq oo ay gacanta ku hayeen muddo saddex sano.