Munaasabad lagu xusayay Sanad Guurada 3-aad ee maamulka K/Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Date:

Munaasabad loogu dabaal dagayo 3-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad Goboleedkaasi.

Munaasabadaas ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha bulshada.

Waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka koofur galbeed mudada 3-da sano ah ee maamulku shaqaynayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin talaabooyinka loo qaaday dhinaca maamul wanaagga ilaa la gaarsiiyo in degmooyinka qaar gole deegaan loo sameeyey iyo dhismaha xarumaha dawlad goboleedka.

Shariif Xasan Sh Aaden madaxwaynaha dawlad goboleedka koofur Galbeed oo munaasabaddas ka hadlay ayaa sheegay in maamulku qaadayo talaabioiyin lagu hormarinayo adegyada bulshada iyo amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...