WARBIXIN:-Maxaa sabab u ah qaraxyada ku soo laa laabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNA)–Muqdisho (Af-Taliyaani: Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo ay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay seddax jiho, waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo ay taariikhyahanada isku khilaafeen in magaaladani la aas’aasay qarnigii 2-aad ama kii 3-aad ee taariikhda miilaadiga, waxayna Magaaladu ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziiradda Carabta iyo xeebta Afrikada bari, iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo ay deganaayeen qabaa’il, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxay lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhammaan xaafadahaasi, loogana tashan jiray arrimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga, waxayna magaalada Muqdisho isku bedeshay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Dadkii Soomaaliyeed ee u doortay in Caasimadda Soomaaliya ay noqoto Magaalada Muqdisho, waxay ahaayeen kuwa si weyn ugu fiirsaday waayo waxay isku heystaa Bad heer oo dhowr jaho ka marta, Webiga oo u jira ina ka yar 30km oo laba jaho ah, Xoolihii, beerihii oo iyana ka ag dhow,marka waxaa la dhihi karaa waa magaalo Istiraatiiji ah, waana ku mahadsanaayeen Dadkii noogu dooratay inay Magaalo madax u noqoto Dalkeena Soomaaliya.

Markii Xorriyadda ay Dadka Soomaaliyeed ka qaateen Gumeystihii ayaa waxaa la bilaabay in horumariyo Bilicda iyo Ammaanka Magaalada, waana lagu guuleystay, waayo waa tii sanadihii 70-tameeyadii dunidu u aqoonsatay Magaalada ugu quruxda iyo ammaanka badneyd Magaalooyinka qaaradda Afrika, guushaasi kuma iman laab-lakac iyo iska yeel yeel ee waxaa loo maray juhdi iyo howl badan oo ay galiyeen masuuliyiintii xilligaasi Dalka soo maray, yaase lahaa mudnaantaasi?, waxaa lahaa Dhalliyarada Soomaaliyeed oo u istaagtay dhismaha, horumarinta iyo fayo qabka Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo guntiga dhiisha isaga dhigay sidii ay Magaaladooda u horumarin lahaa.

Magaalada Muqdisho markii uu Dalku galay bur-burkii sanadkii 1991-kii, waxayna noqotay mid la burburta nidaamkii iyo kala dambeyntii Dalka ka jirtay, waxaa gaaray dhibaatooyin fara badan, korkeeda waa la isku diriray, meel walbana waa laga baaba’shay, iyadoo intaasi la daalaa dhacaysay ayaa hadana waxaa la kowsaday qaraxyo aan loo meel dayin, markii ay bilaabatay inay dib u dhis lagu sameeyo dhismyayaashii iyo Waddooyinkii Magaalada Muqdisho, islmarkaana lagu xiray Nalal Wadddooyinka, Dadku ay bilaabeen inay dhex mushaaxaan Magaalada.

Haddaba waxaa is weydiin leh aaway Dhallinyaradii u dhalatay Magaalada Muqdisho ee xilligaan?, maxayse mar walba loola beegsadaan Qaraxyada ay Dadka badani ku hoobtaan, dhismeyaal badana ugu dumaan, hanti badanna loo baabi’yaa?,arrintaasi waxaa si qiiro leh uga hadashay Wasiiradda Dhalliyarada iyo Ispoortiga ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna sheegtay in Qaraxyadu ku kooban yihiin Magaalada Muqdisho oo kaliya, waxayna tiri iyadoo la hadlaysay dhallinta Magaalada,” dhallinyarada Puntland, waa ka ilaashadeen Magaalooyinkooda Qaraxyada, kuwa Galmudug waa ka dhowreen Qaraxyo, kuwa Hirshbeelle la mid, kuwa Koonfur Galbeed waa ilaashadeen iyo kuwa Jubbaland, iyaguna waa ilaashadeen Magaaladooda, maxaa u diidan dhallinyarada Gobola Banaadir inay u kacaan nabadeynta iyo ilaalinta Magaaladooda?”.

Haddaba sida ay sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye, waa dhab oo dhallinyarada ku nool Gobolka Banaadir waa ka badan yihiin kuwa kuwa dhaqan Magaalooyinka kale ee Dalka ee maxaa u diiday inay difaacdaan Magaaladooda?, su’aashaasi ayaa hortaalla Da’yarta ku nool Caasimadda Dalka Soomaaliyeed mid kale ma ahan ee waa Magaalada Muqdisho, Murti-maal Soomaaliyeed ayaa ku heeshay MUQDISHO, MAGAALO MADAXDEENNA, MUQDISHO MAGAALO MADAXDEENNAA.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa isna sheegay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri, “Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay inay ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka aheyd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dhallinyary waa horseedka Bulshada, waa muujiyeen cududooda markii ay dhacday musiibadii 14-kii Oktoober ee ka dhacday Isgooska Zooppe, waa ay kaceen Dhallinta Muqdisho, waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan, islmarkaana ay dagaal adag la galaan Kooxda mar walba xasuuqa u geysata Ummadda ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxaana looga baahan yahay Xukuumadda Dhexe inay abaabusho dhallinta Gobolka Banaadir, si ay uga dhabeeyaan ballantooda ee ku aadan la dagaalanka kooxda Maleeshiyadda Al-shabaab, oo anan lagu sugun Magaalada inay mar kale qaraxyo ka geystaane meeshooda loogu tago, lagana ciribtiro inta ay kaga sugan yihiin Dalka Soomaaliya.

W.D.C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...