Sarkaalka ugu sareeya maamulka Nuclearka ee Mareykanka oo diiday in la qaado weerar Nuclear ah

Date:

Sarkaalka ugu sareeya ee taliska Militariga Mareykanka ee maamula Hubka Niyuukleerka  ayaa markiiugu horeysay kahadlay arrimaha amniga iyo suuro galnimada dagaal Nuclear ah oo la qaado,wuxuuna sheegay inuu iska diidayo amar kasta oo sharcidarro ah, oo uga yimaada madaxweye Trump oo lagu qaadayo weerar niyuukler ah.

Hadalkan ayaa k adambeeyay kadib markii Taliyaha uu hadal k ajeediyay  shir looga hadlayay arrimaha ammniga oo ka dhacay dalka Canada, wuxuu Jeneral John Hyten sheegay in maadaama uu yahay madaxa taliska istaraatiijiyada Maraykanka uu arrintan tallo ka siiyay madaxweynaha.

Jeneral John Hyten ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii uu u sheego madaxweyne Trump in weerarka niyuuklerka uu sharcidarro yahay uu ka filayo inuu raadsado waddo kale oo sharci ah,isagoointaasi ku raday  in laga yaabo in uu gallo xabsi daa’in haddii uu fuliyo amar sharcidarro ah.

Hadalkan jeneraalka ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii senetarada Mareykanka ay ka doodeeen awoodda uu u leeyahay madaxweynuhu inuu qaado weerar dhanka niyuukler-ka ah.

Doodan ayaa ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay dhageystaan xubanha sanat-ka in ka badan afartan sano.

Qaar ka mid ah xubnaha senet-ka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Trump laga yaabo in si mas’uuliyad darro ah uu u amro in weerar niyuukler ah la qaado.

Mareykanka ayaa ka walaacsan khilaafka uu kala dheceeya dalka Waqooyiga Kuuriya kadib markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi Kiim John Un uu k abiyo diiiday baaqyo ku aadan joojinta Gantaalada Nuclearka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...