Sarkaalka ugu sareeya maamulka Nuclearka ee Mareykanka oo diiday in la qaado weerar Nuclear ah

Date:

Sarkaalka ugu sareeya ee taliska Militariga Mareykanka ee maamula Hubka Niyuukleerka  ayaa markiiugu horeysay kahadlay arrimaha amniga iyo suuro galnimada dagaal Nuclear ah oo la qaado,wuxuuna sheegay inuu iska diidayo amar kasta oo sharcidarro ah, oo uga yimaada madaxweye Trump oo lagu qaadayo weerar niyuukler ah.

Hadalkan ayaa k adambeeyay kadib markii Taliyaha uu hadal k ajeediyay  shir looga hadlayay arrimaha ammniga oo ka dhacay dalka Canada, wuxuu Jeneral John Hyten sheegay in maadaama uu yahay madaxa taliska istaraatiijiyada Maraykanka uu arrintan tallo ka siiyay madaxweynaha.

Jeneral John Hyten ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii uu u sheego madaxweyne Trump in weerarka niyuuklerka uu sharcidarro yahay uu ka filayo inuu raadsado waddo kale oo sharci ah,isagoointaasi ku raday  in laga yaabo in uu gallo xabsi daa’in haddii uu fuliyo amar sharcidarro ah.

Hadalkan jeneraalka ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii senetarada Mareykanka ay ka doodeeen awoodda uu u leeyahay madaxweynuhu inuu qaado weerar dhanka niyuukler-ka ah.

Doodan ayaa ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay dhageystaan xubanha sanat-ka in ka badan afartan sano.

Qaar ka mid ah xubnaha senet-ka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Trump laga yaabo in si mas’uuliyad darro ah uu u amro in weerar niyuukler ah la qaado.

Mareykanka ayaa ka walaacsan khilaafka uu kala dheceeya dalka Waqooyiga Kuuriya kadib markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi Kiim John Un uu k abiyo diiiday baaqyo ku aadan joojinta Gantaalada Nuclearka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Midowga Afrika oo DFS ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho rasmi...

Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Bariga Africa oo Lagu soo Geba-gabeeyay Addis Ababa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud...

Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweynaha JFS oo kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...