Tahriibayaal ku dhintay Xeebaha Dalka Liibiya

Date:

Liibiya(SONNA) Qul qulka tahriibayaasha ka socoda Qaaradda Africa ayaa weli ka taagan Badda Meditraniamka ee isku xirta Qaaradaha Africa iyo Yurub,halkaasi oo dhibaato xoogan ay kala kulmaan dadka tahriibta ah.

Wararkii ugu dambeeyeye ee tahriibka ayaa la sheegayaa in meydad badan oo ku geeridoodayu biyaah baddaaasi la heley,kadib markii ay la qalibmatay doonidiid ay wateen.

Warbaahinta caalamka  ayaa baahisay in ilaa iyo haatan la la’yahay dad ka badan 100 qof oo la socday doontii qalibantay,taasi oo qaarkood ay ku dhinteen biyaha,gaar ahaan xeebaha Dalka Liibiya.

Sida uu baahiyay Tvga CNN ee laga leeyahay Mareykanka,Saraakiisha ilaalada xeebah Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ay jiraan meydadka ku dhawaad 30 qof oo badda ku dhintay kuwaasi oo haween u badan,oo ay ku hayaan Dalkaasi.

Ilaa 400 oo tahriibayaal ah ayaa xeebaha dalka Liibiya waxaa ka soo bad baadiyay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Midowga Yrub,waxaana jira tahriibayaal badan oo la aaminsanyahay in weli badda ay  ku dhexjiraan

Inkastoo aanay jirin warbixin rasmi ah ee ku aadan dadka doonidaasi la socday ayaa hadana waxaa la hadal hayaa in dadka ugu badan ay ahaayeeen muwaadiniin u dhashey Dalka Nigeria, oo gaaraya 26 haween ah oo2kamid ah ay xaamilo ahaayeen.

Dadka ayaa saarnaa dooni Nuuca Balastikada ah,taasi oo siday dad gaaraya ilaa 150 qof oo muhaajiriin ah,waxaana muhaajiriinta qaar kood la mad baadiyay ay heleen ciidamda ilaalada xeebaha Midowga Yurub gaar ahaan markab laga lahaa Dalka Spain.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...