Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada”Sawirro”

Date:

Kismaayo(SONNA) Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Wasiir Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad Ee Dowlad Gobaleedka Jubaland Maxmuud Sayid Aadn Oo Furay Shirka Ayaa sheegay in jubbaland u diyaar garowday marti galinta ciyaar yahanada iyo martida kale ee la socota ee kaqayb galay tartankaan oo markiisi labad la qabanaayo.

Furitaanka shirka kadib ayaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka iyo Wasiiraddii la socday waxaa ay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo oo Lagu qaban doono tartanka dowlad gobolledyada iyo gobolka Banaadir.

Tartankaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay magaalada muqdisho kasoo ay ku guuleysteen Ciyaartooydii Puntland matalayay iyagoo kaga guuleystay xulka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...