Home Blog Page 1439

Gaari nuuca Xamuulka ah oo ku qarxay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho

0

Qaraxani oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, .

Macadda ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi,balse waxaa soconayay gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howlmaalmeedkooda.

Daacish oo bilowday in ay isaga baxda magaalada Raqa ee Siiriya.

0

Illo wareedyo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay bilowday in ay isaga baxday magaalada Raqa ee Dalka Siiriya.

12 ka mid ah Gawaarida Xamuulka ayaa la arkayay iyaga oo galaya Galbeedka magaalada si ay Ciidanka Kooxda ay ugu daabulaan Bariga Deegaanka Deeru-zuur ee isla Dalka Siiriya.

Arrintaani ayaa imaaneyso iyada oo Daacish ay culeys xooggan oo millatari ay kala kulmeyso duqeymaha diyaaradaha isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka.

Bilow ka hor ayey ahayd markii uu bilowday howllgal balaaran oo Daacish looga saarayo magaalada Raqa, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada xorta ah ee uu taageero Mareykanka

Waxay ka bixitaanka Kooxda ee magaalada Raqa ay ka dhigan tahay dharbaaxo kale oo culus oo soo wajahda Daacish marka laga yimaado guuldareedii kasoo gaartay magaalada Mowsil ee Dalka Ciraaq oo ay gacanta ku hayeen muddo saddex sano.

 

 

Tababar ku saabsan habka baarista dambiyada iyo xadgudubyada loo geysto Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Si ahmiyad loo siiyo ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto Haweenka ayaa Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya waxey tababar ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa in bulshada ay helaan cadaalad u qabatay xubno ka socday hoogaanka dambibaarista dambiyada ee gobalka Banaadir iyo dowlad-goboleeyada dalka ka jira.

Xubnaha ka socday hogaanka dambibaarista iyo xeer ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada Galmadug Hirshabeelle K/Galbeed iyo Jubbaland iyo gobolka Banaadir ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyey macalimiinta tababarka bixinayey iyo wasaraadda Cadaaladda, iyagoo sheegay in si cadaalad ah loo wajaho ahmiyad gaar ahna la siiyo dacwadaha la xiriira dhibaatooyinka loo geysto Haweenka iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo daah furay Tababarka ayaa sheegay  in wasaaraddu ay diyaar u tahay  in la hormariyo cadaaladda dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in ahmiyada ugu weyn ay dowladda siineyso  in bulshada Soomaaliyeed ay helaan garsoor iyo cadaalad hufan.

 

 

R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka tartanka loo galayo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda

0

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.

Guddigan oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka  ayaa guddoon looga dhigay R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

11ka Xubnood ee guddigan ayaa kala ah  5 Wasiir ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay’adaha Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis iskaashi la saxiixatay ITU

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta isgaarsiinta

Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday Xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.

Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Hindiya

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.

161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa wali socda oo waxaa dhiman ajandeyaal kale oo golaha horyaala.

Tababar kor loogu qaadayey aqoonta Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo lagu soo gabo gabeeyay Qatar “SAWIRRO”

0

Diblomaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa tababbar loogu soo xiray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, waxaana intii uu tababbarku socday ka faa’iidaysteen casharo kala duwan oo la xiriira siyaasadda arimaha dibedda iyo sida Dalalka horumaray ay u maareeyaan.

Tababbarkan ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iideystay diblomaasiyiin ka socday Dalka Suuriya iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Waxaa munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey diblomaasiyiintan loogu qabtay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar, kuwaasi oo sheegay inay ka go’antahay inay caawiyaan oo barbar istaagaan walaalahooda kale.

Intii uu kulanku socday waxaa Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay tallaabooyinka wanaagsan ee ay u qaaday dhinaca Dawladnimada iyo horumarka, waxaana la xusay inay taasi muujinayso inay Soomaaliya soo ceshato doorkii ay ku lahayd caalamka, waxaana sidoo kale lagu ammaanay Xukuumadda Soomaliya doorkii dhex-dhexaadnimada  ahaa ee ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka ka taagan.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf   ayaa sheegay in dhallinyaradu si wanaagsan uga faa’iidaysteen tababbarka, Isla markaana ay yihiin kuwa oo waciygoodu sareeyo, wuxuuna u mahad celiyey Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda.

Sidoo kale  Qunsulka ayaa Dawladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.

 


W/D: Ahmed Darwiish

Wasiirka howlaha guud” Guul ayuu ku soo dhamaaday safarkeyga shaqo ee Turkiga”+sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho,Wasiirk kuxigenka Wasaaradad,Xil.Jamaal Xasan Cusmaan  kusimaha agaasimaha guud, iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan,waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha 10,kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

“Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha dib u dhiska,waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antaliya,waxaana la kulanay mas’uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen,waxaana kala hadalany sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka,gaar ahaan arrrintii dhismaha 10,kun ee guryo ayaan kala hadalnay meel fiican ayay marayaan,dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadlidoonaa howlaha Wasaaradda”, Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay ayaa ugu horeyn tacsi u diray Xildhibaan Maryan Macalin oo Hooyadeed ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye ayaa mudanayaasha Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan heshiiska isu celinta maxaabiista ee Soomaaliya iyo India.

Ansixinta heshiiskan oo cod la geliyay ayaa waxaa u codeeyay 161 mudane sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in sharcigan uu yahay mid ansax ah.

Intaasi ka dib Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa golaha ka hor akhriyay qaraarka heshiiskan lagu ogolanaayo.

waxaa la guda galay warbixinta kooban ee Xildhibaanadii soo kormeeray maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Uganda, waxaana golaha ka hor akhrisay Xildhibaan Raabaca Sheekh Nuur oo ka mid ah guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka tilmaamtay in maxaabiista ay dhibatooyin ku heysato xabsiyada dalka Uganda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka in iyagoo kaashanaya Wasaaradda Arimaha dibadda ay dib warbixin ugu soo celiyaan Golaha oo faah faahsan.

Intaasi kadib Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo afartii bilba mar hor yimaada Golaha Shacabka ayaa golaha ka hor jeediyay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay iyo waxyaabaha hadda u qorsheysan.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa  sheegay in kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah laga sii amba qaadi doono ajendayaasha kale ee Golaha horyaalla.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis iskaashi la saxiixatay ITU

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta Isgaarsiinta.

Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU, Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.

Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.

DHAMMAAD