Home Blog Page 1420

Deg Deg: Golaha Wasiirada Hirshabeele oo lagu dhawaaqay

0

Jowhar(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele ayaa sheegaya in goor dhow lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada kadib kulamo wadatashiyo ah oo uu maal mahan la lahaa Golayaasha kaladuwan ee Hirshabeele.

Wasiirada uu soo dhisay Madaxweyne Waare ayaa ka kooban 57 xubnood,kuwaasi oo kala ah 20 Wasiir,20 Wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru Dowle.

Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa inta badan ah kuwo cusub ,balse waxaa kujira qaar kamid ah xubnihii hore oo dib ugu soo laabtay markale Golahaasi

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha hoose

0

Muqdisho (SONNA) Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose, sida Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uu u Xaqiijiyay Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay carareen ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay, waxaana ciidamada si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaankaasi oo sheegay in dhibaato ay ku hayeen nabad diidka Al shabaab, isagoo dhanka kale sheegay in howlgalka uu socdo lagana yaabo in Tiro ka mid Argagaxisada Al shabaab gacanta lagu dhigo

“Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hada kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama howlgalka goordhow lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada nabad diidka gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan

Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta cadowga oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo, waxaana Taliyaha uu balanqaaday inta Hal Cadow oo Al shabaab ah Soomaaliya ku sugan yahay uusan joogsan doonin Dagaalka Cirka iyo Dhulka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka iska kaashanayaan.

Maamulka G/banaadir oo dib ugu celiyey dhul si sharci darro ah looga heystay caruurta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku guuleeystay in uu dib ugu soo celiyo Dhul ay leeyihiin   allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed Caruurtiisa oo ku yaalla Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, dhulkaas oo  in muddo ah si sharci darro ah lagu heystay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah aan laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday in  loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci darro ah ku heysta, lagana qaadi doono.

Fulinta howshaan,  ayaa goob joog waxaa u ahaa Maamulka Degmadda Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweynihii hore ee Soomaaliya,  Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Howgalo ka dhan ah Argagixisada Al shabaab oo ka Bilowday Gobolka Hiiraan

0

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Gobolka hiiraan waxaa ay ka bilaabeen Howlgalo Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab looga saarayo Deeegaanada Gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihiin.

Howlgaladaan oo Ciidamada Xooggu ku doonayaan in maleeshiyaadka Argagixisada Al shabaab looga saaro Hiiraan kuwaasoo dhiibaatooyin ku haaya Bulshada ku nool deegaanada Gobolka hiiraan.

Ibraahim Maxamed Geedi Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay wadaan dadaalo maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab looga sifaynayo Dalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa deegaano dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka waxaa ay ka wadaan qorshayaal Maleeshiyaadka Al shabaab looga dulqaadayo Dhibaatooyinka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed mudane sharafta iyo Cisiga.

Faah faahin halkaan kala soco

Xukuumadda Pyongyang oo gantaal riddo dheer mar kale tijaabisay

0

Pyongyang(SONNA)  Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeesay muddo laba bilood ah kadib waxaay tijaabisay gantaal ballistic ah.

Sida ay sheegayaan  Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured gantaalkani ayaa dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay meel u dhaw magaalada Pyongyang.

Xeer dheeriyaad ka faalooda arrimaha dalkaasi ayaa sheegay in Pyongyang ay horumarineyso gantaaladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog fog sida dalka Mareykanka,kaasi oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo.

Wasaarada Gaashaandhigga Mareyakank ee Pentagon ayaa sheegtay in tani ay u muuqato inay tahay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.

Pentagon-ka waxaa kale oo ay intaa ku dareen in gantaalkani uusan aheyn mid khatar ku ah xullafada Mareykanka iyo waqooyiga Mareykanka toona.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay tijaabada gantalkan ayaa sheegay in tani ay tahay xaalad la xakameyn karo.

Mareykanka iyo wadamo badan ayaa ka walaacsan tijaabooyinka Gantaalada ee Waqooyiga Kuuriya,iyadoo xukuumadda Waqooyiga Kuuriyana ay ka dhaga adeegeyso baaqa Qaramada Midoobey ee ahaa in ay joojiso Gantaaladaasi.

 Muwaadin bixi  canshuurta

0

Canshuur waa lacag samofal ah oo qasab ku ah in laga qaado muwaadin kasta,isla markaana gacan ka geysan kara in bulshadu hesho adeegyada caafimaadka,waxarashada,biyaha,korontada iyo kuwo kale .

Marka laga reebo bixinta canshuuraha ee xilligii gumeysiga .wixii ka dambeeyay sanadkii 1960-kii ,dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxay ku soo caana maaleen adeegyada lagama maarmaanka u ahaa canshuurah ee ka jiray gudaha wadanka

Sanadkii 1991kii markii ay mesha ka baxaday dowladii kacaanka ee uu gacanta ku haayey maamulkii Mileteriga ,waxan guud ahan istagay canshurtii ay bixin jireyn muwadininta somaliyed ,si taa badalkelda ay ugu helaan adegyadii aas asiga ah sida waxbarashada, cafimaadka iyo dhismaha wadoyinka.

canshuurtu waa kaabayaaasha bulshada ee xagga  nolosha   ,mana jirto cid gaari karta horumar,iyadoo aysan bixin canshuuraha waajibka ah ee saaran cid kasata.

Bixinta canshuuraha waxay keeni karaan faa’ideyooyin ay ka mid yihiin   dhismaha  waddooyinka iyo howlaha kale ee lama huraanka  u ah umadda,iyagoo sidoo kale  horseedi kara in dalku ku tallaabsado isku filnnaan iyo barwaaqo guud

Dowlada Frederaalka ah iyo madaxda gobolka Banaadir ,waxaa la gudboon in canshuuraha laga qaado dadka Soomaaliyeed ay baddal ahaan u helaan ama dib loogu celiyo ,iyadoo loo sii marinayo wax ka qabashada dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee caafmaadka.waxbarashada ,dhismaha wadooyinka .iwm

Waxaa qasab ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan wacyigeli dhab ah oo ku aadan qaabka loo bixinayo canshuuraha,cidda laga qaadayo iyo waxa loogu badalayo si loo kasbado muwaadin u taagan hirgelinta barnaamijyada kutalagal ee dowladda .

Ogoow in bixinta canshuuraha ay ku jirto danta iyo maslaxadda umadda soomaliyeed, isla markaana lagu soo celinayo nidaamka iyo kala dambeynta ay ku taagan yihiin tiirarka dowladnimo iyo kan shacbiga.

Dowaladda Federaalka ee Soomaaliya,gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo  madaxda  gobolka Banaadir ,waxaa la gudboon in si siman oo cadaalad ah loogu howlgalo qaadista canshuuraha,isla markaana lagu baahiyo deegaanada kale ee aysan weli gaarin adeegyada bixinta canshuuraha.

wasarada maliyada xukumada soomaliya waxay dhowaan muqdisho Ku qabatay kulan furan oo su’alo lagu weydiinayay wasiirka maaliyada mudane c/raxman ducaale beyle ,kaas oo  ujeedkiisu ahaa sida bulshada looga  dhaa dhicin lahaa ahmiyadd a ay cansurtu u leedahay dalka.

Wasiirku ,waxa uu ka dhawaajiyay  in wasaraddisu la dagalami doonto musuqa, islmarkaana canshurta laga qaado shacabka lagu celin dono iyaga si looga shaqeeyo horumarka ay u baahan yihiin umadda ee dhinaca adeegyada lagama maarmaanka u ah.

waxa  socda dadaallo ay wadaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Bamnaadir oo lagu xaqiijinaayo in dardar hor leh loo galo ururinta canshuuraha kala duwan ee waajibka ku ah shacabka Soomaliyeed.

 

W/Q; C/qaadir fantaastic

 

 

 

Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu maamusay Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya? ( Sawirro )

0

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuuro Kenyaata oo ka dhacdey magaalada Nayroobi.

Musaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan hiigsiga, horumarka Kenya iyo xirriika uu dalkaasi laleeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika waxaa ka jeediyay Madaxweye Kenyaata, iyadoo ciidammada kala duwan ee Kenya ay halkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus lagu maamusayo caleema saarka.

Xafladda caleema saarka Madaxweyne Kenyaata ayaa ka  dhacdey Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani waxaana Madaxdii lagu marti qaaday ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Madaxweynaha dalka Botiswana Mudane Ian Khama, Madaxweynaha dalka Rwanda Mudane Paul Kagame, Madaxweynaha dalka Tanzania Mudane John Pombe Magufuli, Madaxweynaha dalka Zambia Mudane Edgar Lungu,Madaxweynaha dalka Namibia Mudane Hage Geingob, Madaxweynaha dalka Togo Mudane Faure Gnassingbé, Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamkaba ka socday.

i

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoowe+Sawirro

0

Garoowe(SONNA) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Goboleedka Puntland,ka dib safar shaqo labo maalmood ah ay ku joogi doonaan Garowe.

Wasiirka Shaqada iyo  Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed  Cabdullaahi  iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland  iyo Maamulka Gobolka Nugaal   ayaa Wasiir Saalax iyo Wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Konoco, wuxuuna soo dhaweyn ka dib  kormeer ku soo maray  Garoonka cusub ee loo dhisaayo Caasimada Garowe, waxuuna warfidiyeenka uu uga waramay ujeedada ay u yimaadeen puntland.

Wuxuu sheegay Wasiir Saalax Axmed jaamac inuu aad ugu farax sanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay

“Aniga oo ku hadlaya magaca wafdiga iyo Wasiirada  kala duwan ee Shaqada iyo Shaqaalaha  Dawlad Goboleeyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo igu wehliya safarkan  waxaa raali  ka nahay sida aad inoogu soo dhaweyseen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhinaca kale Wasiir Saalax ayaa sheegay in berito uu Garowe ka furmi doono (Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11) oo ay soo diyaarisay  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda Federaalaka Soomaaliyeed.

 

Munsaabad loogu mahad celinayey dowladda Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya oo lagu qabtay Koofur Afrika “Sawirro”

0

Koofur Afrika (SONNA), Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay wadanka  Koofur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool, ayaa munaasabad loogu mahad celinayey  dowladda Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya ku qabatay magaaladda Pretoria, waxaana  kasoo qeybgalay Safiiradda Turkey iyo Somalia u fadhiya Koofur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka wadankaasi.

Jaaliyadda Soomaalida ah, xafladaasi  qudbado kala duwan ka jeediyey,  waxaana ay ka hadleen xiriirka walaahaha Turkiga iyo sida ay Soomaaliya mar walba ula garab taaganyihiin caawinaadda, iyagoo sidoo kale sheegay in Soomaali meel walba ay joogto ay ilaabi doonin abaalkooda.

Safiirka Turkiga u fadhiya K/Afrika, Ambassador Elif Çomoğlu Ülgen oo Xafladda ka hadashay, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay casha sharaftan ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaalida ah, iyaddoo sheegtay  taasi inay ka dhigantahay walaaltinimada ka dhaxeeysa labada shacab.

“ Waxaan idinkaga mahadcelinayaa si qalbi furan  dhammaan fariimaha aad caawa ina soo gaarsiiseen, waxaa sidoo kale aan ballanqaadayaa in aan gaarsiiin doona shacabka iyo Madaxweynaha dowladda Turiga, waxaan sidoo kale idin ballanqadayaa in mar walba ay walaalaha Turkiga idin garab taaganaan doonaan” ayey tiri Amb Elif Çomoğlu Ülgen.

Sidoo kale Safiirka dowladda Soomaaliya ee Koofur afrika, Danjire Jamal Barrow, ayaa isna dhankiisa sheegay in Turkiga uu mar walba caawinaad la garabtaagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasina ay taariikhda qori doonto,waxa uu tusaale u soo qaatay xasuuqii 14 Oktoobar Muqdisho ka dhacay  in dhaawacyadii  ugu badnaa loo qaaday Turkiga.

 

 

 

 

 

 

Shir looga hadlayey la dagaalanka fikirka Xagjirka ah oo Magaaladda Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Shirkaan oo  looga hadlayey ka hortaga fikirka xagjirka ah, ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyey Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka ah ee  Soomaaliya, mudane C/raxmaan Cumar yariisoow iyo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Danjire Andreas Von Uexkull.

waxaa ka qeyb galay shirkaasi wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, qaar kamid ah Safiiradda wadamada caalimka u jooga Soomaaliya , wakiilo caalami ah  iyo  xubno matalayey maamul gobaleeyadda Dalka ka jira.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka ah ee  Soomaaliya, mudane C/raxmaan Cumar yariisoow, ayaa shirkaasi markii uu soo idlaaday kadib warbaahinta Qaranka la wadaagay qodobadii kulanka lagu go’aamiyey.

“Shirkii muhiimka ahaa ee la dagaalanka fikirka xagjirka ah, ayaa maanta qabsoomay oo aan uga hadleynay siddii shirka 4 December uga dhacaya Muqdisho warbixin looga siin lahaa howlaha ka qabsoomay, waxaa shirkaan lagu go’aamiyey istiraatiijiyadii oo dib u eegis lagu sameeyey ee heerka Qaran oo la ansixiyey, sidoo kale qorshe howleedkii lixda billood la qaban lahaa ee la diyaariyey ee la hordhigi lahaa shirka 4 December ayaa la diyaariyey, marka runtii shaqo wanaagsan ayey maanta aheyd, waxaan aad ugu mahad celinayaa Hay’addaha Dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dhammaan xubnihii dowlad goboleedyada ka socday, tanna waxay ku timid dadaal muddo soo socday” ayuu yiri Wasiir Eng Yariisoow