Muwaadin bixi  canshuurta

Date:

Canshuur waa lacag samofal ah oo qasab ku ah in laga qaado muwaadin kasta,isla markaana gacan ka geysan kara in bulshadu hesho adeegyada caafimaadka,waxarashada,biyaha,korontada iyo kuwo kale .

Marka laga reebo bixinta canshuuraha ee xilligii gumeysiga .wixii ka dambeeyay sanadkii 1960-kii ,dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxay ku soo caana maaleen adeegyada lagama maarmaanka u ahaa canshuurah ee ka jiray gudaha wadanka

Sanadkii 1991kii markii ay mesha ka baxaday dowladii kacaanka ee uu gacanta ku haayey maamulkii Mileteriga ,waxan guud ahan istagay canshurtii ay bixin jireyn muwadininta somaliyed ,si taa badalkelda ay ugu helaan adegyadii aas asiga ah sida waxbarashada, cafimaadka iyo dhismaha wadoyinka.

canshuurtu waa kaabayaaasha bulshada ee xagga  nolosha   ,mana jirto cid gaari karta horumar,iyadoo aysan bixin canshuuraha waajibka ah ee saaran cid kasata.

Bixinta canshuuraha waxay keeni karaan faa’ideyooyin ay ka mid yihiin   dhismaha  waddooyinka iyo howlaha kale ee lama huraanka  u ah umadda,iyagoo sidoo kale  horseedi kara in dalku ku tallaabsado isku filnnaan iyo barwaaqo guud

Dowlada Frederaalka ah iyo madaxda gobolka Banaadir ,waxaa la gudboon in canshuuraha laga qaado dadka Soomaaliyeed ay baddal ahaan u helaan ama dib loogu celiyo ,iyadoo loo sii marinayo wax ka qabashada dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee caafmaadka.waxbarashada ,dhismaha wadooyinka .iwm

Waxaa qasab ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan wacyigeli dhab ah oo ku aadan qaabka loo bixinayo canshuuraha,cidda laga qaadayo iyo waxa loogu badalayo si loo kasbado muwaadin u taagan hirgelinta barnaamijyada kutalagal ee dowladda .

Ogoow in bixinta canshuuraha ay ku jirto danta iyo maslaxadda umadda soomaliyeed, isla markaana lagu soo celinayo nidaamka iyo kala dambeynta ay ku taagan yihiin tiirarka dowladnimo iyo kan shacbiga.

Dowaladda Federaalka ee Soomaaliya,gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo  madaxda  gobolka Banaadir ,waxaa la gudboon in si siman oo cadaalad ah loogu howlgalo qaadista canshuuraha,isla markaana lagu baahiyo deegaanada kale ee aysan weli gaarin adeegyada bixinta canshuuraha.

wasarada maliyada xukumada soomaliya waxay dhowaan muqdisho Ku qabatay kulan furan oo su’alo lagu weydiinayay wasiirka maaliyada mudane c/raxman ducaale beyle ,kaas oo  ujeedkiisu ahaa sida bulshada looga  dhaa dhicin lahaa ahmiyadd a ay cansurtu u leedahay dalka.

Wasiirku ,waxa uu ka dhawaajiyay  in wasaraddisu la dagalami doonto musuqa, islmarkaana canshurta laga qaado shacabka lagu celin dono iyaga si looga shaqeeyo horumarka ay u baahan yihiin umadda ee dhinaca adeegyada lagama maarmaanka u ah.

waxa  socda dadaallo ay wadaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Bamnaadir oo lagu xaqiijinaayo in dardar hor leh loo galo ururinta canshuuraha kala duwan ee waajibka ku ah shacabka Soomaliyeed.

 

W/Q; C/qaadir fantaastic

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...