Home Blog Page 1419

Xasuuqa Rohinga oo saameynta ugu badan ku yeeshay Caruurta.

0

Barakicinta iyo xasuuqa ka dhanka ah muslimiinta Rohinga ee Dalka Maymaar ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelatay Caruurta sida ay sheegeyso warbixin  ay qortay BBC.

Waxa ay sheegtay Gabar yar oo horteeda lagu gubay hooyadeed iyada oo arkeysa in ay la halgamayaan nolosha iyada iyo inta kale ee kasoo cararay dalkooda.

BBC oo tagtay Xero ay ku jiraan Dadkaasi oo ku taala Dalka bangaladeesh, waxa ay ifisay ama muujisay dhibaatada ay ku sugan yihiin caruurta muslimiinta ah ee Rohinga, kuwaas oo iyaga oo arkaya la gubay guryahooda.

Qaar ka mid ah Caruurta ku jira Xeradaasi ayaa sheegay in hortaada lagu dilay Aabayaashood iyo Hooyooyinkooda, iyaga oo arakaya oo aan waxba ka qaban karin.

Mid ka mid ah Qaxootiga ayaa sheegay in waxa ficilkaas sameynaya ay yihiin Ciidamada Maymaar iyo Maleeshiyada Budistaha kuwaasi oo dilaya islamarkaana gowracaya dhammaan Muslimiinta abriyada ah ee aan waxba galabsan.

Waxa ay intaasi ku dareen “waxaan aheyn mar walba kuwa loola dhaqmo heerka labaad lakiin waxa ay hadda doonayaan in ay na tirtiraan”

Hay’adda UNICEF ee QM ayaa sheegtay in %60 Muslimiinta Rohinga ee bangaladesh ay yihiin Caruur, kuwaasi %30 ka mid ah ay da’dooda ka yar tahay shanta sano.

Tan iyo 25  bisha August Ciidamada Meymaar ayaa kula kacayo xadgudubyo waxuushnimo kula kacayay Muslimiinta Rohinga taasi oo ay keentay dhimashada Kumanaan Qof oo ka mid ah Muslmiinta iyada oo tiro intaasi ka badana ay ku barakaceen.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin dheeri ah ka bixisay qarixii ka dhacay Soobe

0

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaafaah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa waxaa ay ku shaaciyeen  khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228.

‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay  in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya,

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) aya sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegidoonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uufalka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

FAALLO:-Maxaa laga yiri Qaraxii Zope?

0

Muqdisho(SONNA)–14-kii bishan oo ku aadaneed galabnimo maalintii Sabtida aheyd ayaa waxaa ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee loo yiqiin Zope Qarax aad u ballaarnaa, kaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba ahaa, waxaana lagu tilmaamaa musiibaddi ugu weyneyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho abid, taasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhow 400 ruux, dhaawaca lagu sheegay in ka badan 200 Ruux, iyo tiro 50-meeyo ah oo ilaa iyo hadda la la’yahay raq iyo ruuxba iyo waliba khasaare hantiyadeed, kuwaasi oo ku burburay Qaraxii awgiis.

Haddaba sidii loogu gurmada Dadkii wax ku noqday Qarahaasi, waxaa Durbay booqday goobtii uu shilku ka dhacay Masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalka, waxaana lagu dhawaaqay Masiibo Qaran, Calanka ayaa hoos loo dhigay muddo 3-cisho ah ,si loogu boroordiiqo Dadkii ku nafwaayay halkaasi, islmarkaana waxaa la sameeyay Guddiga Qaranka ee Xaaladaha Deg-degga ah.

Guddigu waxa uu ku guuleystay in Dadkii ku dhaawacmay Masiibadaasi loo helo fursad loogu soo daweeyo Dalka dibaddiisa, waxaana ka qeybqaatay gurmadkaasi Dalka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo soo diray Diyaarad Millitari oo loo yaqaan Air Ampulace Dhaqaatiir iyo Dawooyin islmarkaana u qaaday Dalkooda bukaanadii aadka u darnaa, waxaa iyana dhaqaatiir iyo dawooyin soo diray Dalalka Jabuuti, iyo Ethiopia iyoWadamada Qadar, Kenya, Maraykanka ayaa iyana soo diray shixnado daawo ah iyo kuwa kale.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee ku sugnaa airporka oo aan maalmahaan nasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Garsoorka, Gaadiidka, Qorsheynta Jamaal, Shaqada,, Amniga, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Dibadda, Waaxda Socdaalka iyo Jinsiga iyo Madax kale, Waxaa xusuusin mudan in howsha isu duwiddu ay ka socoto goob kale oo ay fadhiyaan Madax uu horkacayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenku, waxaana lagu tilmaami karaa Geesiyaasha dhabta ahi dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, shaqaalaha kale ee caafimaad siiba darawallada iyo shaqaalaha bukaan-la-roorka iyo mutaddawiciinta dhallinyarada u badan, waxayna Dadkaasi isugu jiraan Soomaali, Turki hore u joogtay iyo howladeennada Caafimaad ee ka soo gurmaday Turki iyo Djibouti.

Waddamo badan ayaa cambaareeyay Falkaasi foosha xun, Magaalooyin ka tirsan Yirub iyo Ameerica ayaa ka qeybqaatay boroor-diiqda, waxaana saacado la damiyay leyrarkii ka daarnaa Taaladda ay Magaalada Paris ku caanka tahay, halka Magaalada Istanbuukna Buundadeeda laga daaray Layrka Buluugga ah, magaalada Toronta ee Dalka Canada ayaa ka mid meelihii laga baroor-diiqay iyo waliba Magaalada Minnesota ee Cariga Maraykanka, dhammaantood ayaa bar-bar istaagay Ummadda Soomaaliyeed.

Salaadii Jimcaha ee shalay kadib ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan, waxaana ku wehliyay Culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd uu ka dhacay Banaan-baxyo qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Dadka Muqdisho socodyo dhaadheer ku soo mareen Waddooyinka Caasimadda, iyagoo muujinayay shucuurtooda sida ay ugu xun yihiin Masaabadii sabtidii dhacday, waxayna ugu dambeyntii isugu soo urureen Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, waxaana fagaarahaasi ka soo qeybgalay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeya.

Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowladda?,Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay in Qarixii sabtidii dhacay uu ka turjumayo Alshabaab cida ay yihiin, isagoo xusay in ay xaqiiqoowday in ay yihiin cadowga koowaad ee Shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamaya waxa uu yiri:-“Bulshada Soomaaliyeed waxay haystaan hal fursad oo ah in ay midoobaan oo si wadajir ah u ilaaliyaan Dalka”, sidasi waxaa yiri Raiisul-wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka miid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb galay bannaan-baxaasi lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.
“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa shalay faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ay ku shaaciyeen khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228,‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow, wuxuuna intaasi ku daray in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya.

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) ayaa sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi, islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegi doonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Haddaba ma la gudboon Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda waxaa la gudboon in dar-dargaliso guluka Millitari oo ay kula jirto Kooxda Al-shabaab, islmarkaana la xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin, shacabkana waxaa looga baahan yahay in la shaqeeyaan Dowladdooda, siiyaan xogaha rasmiga ah, si ay ugu fududaato laamaha amniga ay soo qabtaan kuwa maleegaya shirqoolada lagu xasuuqayo Ummadda Soomaaliyeed.

Qallinka: C/laahi Ruush

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada Dowladda

0

Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

kulanka oo dhacay maalintii talaadada,ayaa Labada mas’uul waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladood xaga amniga,dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada Soomaaya kaga timaado Imaaraadka Carabta.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uga Mahad celiyay taageerada bini-adanimo iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya,sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arbacadii la soo dhaafay balan qaaday daaweynta 100-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska  mashquulka badan ee Soobe halkaasi oo dad badan ay ku nafwaayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale,Imaaraadka Carabta ayaa  shaaciyay iney Agab caafimaad oo ay ka mid yihiin daawooyin u soo dirayaan Soomaaliya si loogu kordhiyo xarumaha caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii Qaraxa ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka ay daryeeli doonto 300-carruur Agoon ah oo Qoyskooda mudo lix bilood ah ku waayay Qaraxyadii dhacay,waxaana lagu dari doona Barnaamijka daryeelka Agoonta ay maalgeliso Imaaraadka Carabta.

Maxaa laga yiri musiibadii ka dhacday Muqdisho 14-kii bishan?

0

14-kii bishan oo ku aadaneed galabnimo maalintii Sabtida aheyd ayaa waxaa ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee loo yiqiin Soope Qarax aad u ballaarnaa, kaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba ahaa, waxaana lagu tilmaamaa musiibaddi ugu weyneyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho abid, taasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhow 400 ruux, dhaawaca lagu sheegay in ka badan 200 Ruux, iyo tiro 50-meeyo ah oo ilaa iyo hadda la la’yahay raq iyo ruuxba iyo waliba khasaare hantiyadeed, kuwaasi oo ku burburay Qaraxii awgiis.

Haddaba sidii loogu gurmada Dadkii wax ku noqday Qarahaasi, waxaa Durbay booqday goobtii uu shilku ka dhacay Masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalka, waxaana lagu dhawaaqay Masiibo Qaran, Calanka ayaa hoos loo dhigay muddo 3-cisho ah ,si loogu boroordiiqo Dadkii ku nafwaayay halkaasi, islmarkaana waxaa la sameeyay Guddiga Qaranka ee Xaaladaha Deg-degga ah.

Guddigu waxa uu ku guuleystay in Dadkii ku dhaawacmay Masiibadaasi loo helo fursad loogu soo daweeyo Dalka dibaddiisa, waxaana ka qeybqaatay gurmadkaasi Dalka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo soo diray Diyaarad Millitari oo loo yaqaan Air Ampulace Dhaqaatiir iyo Dawooyin islmarkaana u qaaday Dalkooda bukaanadii aadka u darnaa, waxaa iyana dhaqaatiir iyo dawooyin soo diray Dalalka Jabuuti, iyo Ethiopia iyoWadamada Qadar, Kenya, Maraykanka ayaa iyana soo diray shixnado daawo ah iyo kuwa kale.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee ku sugnaa airporka oo aan maalmahaan nasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Garsoorka, Gaadiidka, Qorsheynta Jamaal, Shaqada,, Amniga, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Dibadda, Waaxda Socdaalka iyo Jinsiga iyo Madax kale, Waxaa xusuusin mudan in howsha isu duwiddu ay ka socoto goob kale oo ay fadhiyaan Madax uu horkacayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenku, waxaana lagu tilmaami karaa Geesiyaasha dhabta ahi dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, shaqaalaha kale ee caafimaad siiba darawallada iyo shaqaalaha bukaan-la-roorka iyo mutaddawiciinta dhallinyarada u badan, waxayna Dadkaasi isugu jiraan Soomaali, Turki hore u joogtay iyo howladeennada Caafimaad ee ka soo gurmaday Turki iyo Djibouti.

Waddamo badan ayaa cambaareeyay Falkaasi foosha xun, Magaalooyin ka tirsan Yirub iyo Ameerica ayaa ka qeybqaatay boroor-diiqda, waxaana saacado la damiyay leyrarkii ka daarnaa Taaladda ay Magaalada Paris ku caanka tahay, halka Magaalada Istanbuukna Buundadeeda laga daaray Layrka Buluugga ah, magaalada Toronta ee Dalka Canada ayaa ka mid meelihii laga baroor-diiqay iyo waliba Magaalada Minnesota ee Cariga Maraykanka, dhammaantood ayaa bar-bar istaagay Ummadda Soomaaliyeed.

Salaadii Jimcaha ee shalay kadib ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan, waxaana ku wehliyay Culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd uu ka dhacay Banaan-baxyo qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Dadka Muqdisho socodyo dhaadheer ku soo mareen Waddooyinka Caasimadda, iyagoo muujinayay shucuurtooda sida ay ugu xun yihiin Masaabadii sabtidii dhacday, waxayna ugu dambeyntii isugu soo urureen Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, waxaana fagaarahaasi ka soo qeybgalay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeya.

Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowladda?,Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay in Qarixii sabtidii dhacay uu ka turjumayo Alshabaab cida ay yihiin, isagoo xusay in ay xaqiiqoowday in ay yihiin cadowga koowaad ee Shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamaya waxa uu yiri:-“Bulshada Soomaaliyeed waxay haystaan hal fursad oo ah in ay midoobaan oo si wadajir ah u ilaaliyaan Dalka”, sidasi waxaa yiri Raiisul-wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka miid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb galay bannaan-baxaasi lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.
“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa shalay faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ay ku shaaciyeen khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228,‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow, wuxuuna intaasi ku daray in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya.

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) ayaa sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi, islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegi doonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Haddaba ma la gudboon Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda waxaa la gudboon in dar-dargaliso guluka Millitari oo ay kula jirto Kooxda Al-shabaab, islmarkaana la xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin, shacabkana waxaa looga baahan yahay in la shaqeeyaan Dowladdooda, siiyaan xogaha rasmiga ah, si ay ugu fududaato laamaha amniga ay soo qabtaan kuwa maleegaya shirqoolada lagu xasuuqayo Ummadda Soomaaliyeed.

Qalinka: Cabdullaahi Ruush

Wasiirka Amniga “Dhawaan ayaan soo bandhigeynaa xogta dadkii loo soo qab qabtay qaraxii Zoobe”

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in Qarixii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska 14-ka October Ex-zoobe ee magaalada Muqdisho loo xiray shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkaasi.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay goobtii ay musiibada ka dhacday ayaa sheegay  in maalmaha soo socda ay bulshada la wadaagi doonaan xogta ku saabsan qaraxa iyo faah faahin dheeraad ah oo la xiriirta dadkii loo soo qabtay.

Wasiir Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay tahay mid horu dhac u ah xogta rasmi ah ee ay soo aruuriyeen laamaha ammaanka, isla markaana marka uu soo dhamaado baaritaanka saxaafadda kala hadli doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Faah faahin ka soo baxayso dhaawacyada la geeyay Isbitaalada Turkiga

0

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

Kulankii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Dib u dhacay

0

Kulankii uu madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdulahi Farmaajo isugu yeeray labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday.

Kulankan ayaa u baaqday Codsi ka yimid Dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya , ayadoo Madaxtooyada ay  codsatay in kulankaasi dib loogu dhigo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in la isugu yeero labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya balse arimo farsamo awgeed ayaa kulankaasi dib loogu dhigay.

Wixii Warar ah ee kusoo kordho wararka la xiriira kulankaasi dib ayan idinkaga soo gudbin doonaa haddii uu rabi idmo.

Xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadii la geeyey Turkiga oo soo haggaagaysa

0

Turkey(SONNA) Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Dalka Masar

0

Masar(SONNA) Dowladda Masar ayaa faah faahin ka bixisay dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxhaha arga gixisada,iyadoo Wasaarada Arrimaha gudaha Masar ay sheegtay in ugu yaraan 53 ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhinteen isku dhacyo ka dhacay Saxaaraha galbeedka Masar.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha Dalka Masar ayaa sheegtay in 15 ka tirsan kooxaha argagixisada lagu magacaabo Xasm lagu dilay weerarkan.

Kolonyo ciidamada ammaanka ayaa kooxahaasi weerar ku qaaday halkaasi oo ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Balse kooxdan ayaa beenisay in ay ka tirsan yihiin ururka Akhwaanul muslimiinta.

Kooxdani Xsma ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxo weeraro la bartilmaameedsada laamaha ammaanka ee Masar.