Munsaabad loogu mahad celinayey dowladda Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya oo lagu qabtay Koofur Afrika “Sawirro”

Date:

Koofur Afrika (SONNA), Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay wadanka  Koofur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool, ayaa munaasabad loogu mahad celinayey  dowladda Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya ku qabatay magaaladda Pretoria, waxaana  kasoo qeybgalay Safiiradda Turkey iyo Somalia u fadhiya Koofur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka wadankaasi.

Jaaliyadda Soomaalida ah, xafladaasi  qudbado kala duwan ka jeediyey,  waxaana ay ka hadleen xiriirka walaahaha Turkiga iyo sida ay Soomaaliya mar walba ula garab taaganyihiin caawinaadda, iyagoo sidoo kale sheegay in Soomaali meel walba ay joogto ay ilaabi doonin abaalkooda.

Safiirka Turkiga u fadhiya K/Afrika, Ambassador Elif Çomoğlu Ülgen oo Xafladda ka hadashay, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay casha sharaftan ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaalida ah, iyaddoo sheegtay  taasi inay ka dhigantahay walaaltinimada ka dhaxeeysa labada shacab.

“ Waxaan idinkaga mahadcelinayaa si qalbi furan  dhammaan fariimaha aad caawa ina soo gaarsiiseen, waxaa sidoo kale aan ballanqaadayaa in aan gaarsiiin doona shacabka iyo Madaxweynaha dowladda Turiga, waxaan sidoo kale idin ballanqadayaa in mar walba ay walaalaha Turkiga idin garab taaganaan doonaan” ayey tiri Amb Elif Çomoğlu Ülgen.

Sidoo kale Safiirka dowladda Soomaaliya ee Koofur afrika, Danjire Jamal Barrow, ayaa isna dhankiisa sheegay in Turkiga uu mar walba caawinaad la garabtaagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasina ay taariikhda qori doonto,waxa uu tusaale u soo qaatay xasuuqii 14 Oktoobar Muqdisho ka dhacay  in dhaawacyadii  ugu badnaa loo qaaday Turkiga.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...