Home Blog Page 1421

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee Tababarka bixineyso, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka Tababarka uu socdo.

Xuseen Carab Ciise ayaa la hadlay Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku dhiiri galiyay inay ka faa’iideystaan Tababarkan heerkiisu uu sareeyo, maadaama ay yihiin geesiyada difaaci doona dalka, lana dagaalami doono cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiil Soomaali oo ka mid ah Macalimiinta bixineysa Tababarka, waxayna warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka siiyaan sida tababarka u socdo, dhinkiisa Guddoomiyaha wuxuu u sheegay Saraakiisha in howl wanaagsan ay u hayaan Qaranka Soomaaliya lagana doonayo in ciidamada ay si joogta ugu bogaadiyeen si Wadaniyad iyo dal jaceyl ku jiro inay u qaataan tababarka, isagoo sheegay in tababarka ciidamada la mideyn doono si loo helo ciidamo Tababar isku mid ah qaba..

Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa gaba gabadii mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Guddoomiye Xumad iyo Wafdigiisa oo dib ugu laabtay Jabuuti+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha Wakiilada qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka ayaa maanta dib ugu laabtay wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Aadan Cadde  kusii sagootiyay kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Ka hor inta aysan wafdigan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Magaaladda muqdisho ayaa waxa ay la hadleen Warbaahinta ,waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilada qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad uu sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdooda isagoo sheegay in mudadii dalka ay joogeen ay Arkeen horumarka dowladnimo oo uu dalka ku talaabsanaayo.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay wafdigan in dalka Soomaaliya uu yahay wadankooda oo aysan marti ku aheyn islamarkaana wada shaqeynta walaaltinimada ku dhisan ee labada baarlamaan ay mar walba joogto ahaan doonto.

Wafdigan oo todobaadkii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah dalka kuu joogay ayaa intii ay joogeen kulamo la qaatay madaxda dalka iyagoo shalay heshiis iskaashi la saxiixday Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Dowladaha Soomaaliya oo Qadar oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA) Kadib markii maanta uu soo gaaray magaalada Muqdisho Wafddi ka socda Dowladda Qadar ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen Wasiiro katirsan Dowladda Soomaaliya oo ay la saxiixdeen heshiis ku saabsan hirgelinta mashaariic horumarineed,iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan 2 boqol oo milyen oo dollar ayaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageeradan ay dowladda Qadar u fidinayso shacabka Soomaaliyeed.

Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada SHabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

Wafdiga ka socday Dowladda Qadar ayaa sheegay  in ay qeyb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhallinyarada,sidoo kale dhismayaasha Waddooyinka ayey sheegeen in ay shaqo badan ka heli doonaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wafdiga ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bixinayo mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya, kaas oo uu bixinayo Sanduqa  Caalamiga ah ee horumarinta Dalka Qadar.

Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti (Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA)–Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay Casha sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Barlamanka Dalka Jabuuti.

Casho sharaftaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa k/simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeeenka 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanada 2-da aqal, Wasiiro, Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaasi oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, isagoo sheegay in wax badan ay ka dhaxeeyaan labada wadan iyo labada Shacab, wuxuuna guddoonsiiyay hadiyad Guddoomiyaha Barlamaanka Dalka Jabuuti.

Masuuliyiinta Indonesia oo sheegay inay xoog uga saari doonaan dadka dagan goobtii volcanuhu ka qarxey.

0

Indonesia (SONNA) Masuuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in ay si xoog ah uga soo daad gureynayaan dadka ka agdhaw Buurta Agung ee Jasiirada Bali, halkaasoo Volcano ay ka qarxay, Tobanaan qof ayaa ilaa hada ku sugan Agagaarka Buurta Volcanuhu ka qaraxday sida uu sheegayo Stobo Boro Nugroho oo u hadlayay hay’adda ka hortaga Masiibooyinka Dabiiciga ah isagoo intaas ku daray inay dad badan ka guureen goobta volcanuhu ka qarxey, inta ku hartayna ay si Xoog ah uga soo daad gurayn doonaan.

Garoonkii diyaaradaha iyo wadooyinkii kale ee loo mari jirey Gobalkan Dalxiiska ku wanaagsan ayaa gabi ahaanba la joojiyey.

In ka badan 100-kun oo qof ayuu noloshoodii saameeyey, iyagoo ka barakacay goobta uu ka qarxey volcanuhu, Ilaa hadana dad lagu qiyaasey 40 kun oo qof ayaa ku sugan goobta kuwaasoo Maamulka gobolkaasi bilaabay siduu u daad gurayn lahaa.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa kor u qaadday Heerarka feejignaanta ee heerka 4 aad 6:00 subaxnimo Maalintii isniinta markaasoo laga cabsi qabay inay ka dhacdo xaalad bini aadannimo.

Ciidamada Xoogga dalka oo diyaargarowgii ugu dambeeyay ugu jira Howlgalada Al shabaab dalka looga saarayo

0

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobalka Bakool ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Bakool C/llaahi Maxamad oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay wadaan Dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay kula wareegayaan deegaanada fara ku tiriska ah ay cadawgu gacanta ku hayaan.

“Howlgaladani waxa ay qeyb ka yihiin kuwii dowlada ay ku Dhawaaqday isla markaana Maleeshiyada Al-shabaab looga saarayo deegaanada gobalka ka tirsan, waxaana heer gaba gaba ah maraya abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada dowlada kula waregayan daganasi ;sidaa waxaa yiri gudomiya ku xigeenka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe isku diyaarinayay Howlgalo guud ahaan dalka looga xureynayo cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, iyagoo sidoo kale howlgalo ay sameeyen guulo waa weyn kasoo hoyay, waxaana isa soo dhiibay Maleeshiyo ka tirsanaa Al shabaab iyadoo kuwa kale ay ka carareen meelihii ay ku sugnaayeen waxaana ku daba jira Ciidamada oo ay ka go’an inay guud ahaanba dalka ka sifeeyaan Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab.

Wafdi ka socda Dowladda Qadar oo Muqdisho soo gaarey+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.

Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay.

Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah.

Soo dhoweynta wafdigan ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Mohamed Ali Gaal, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Mr. Yusuf Alasow Mohamud, Kusimaha Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Mr. Mohamed Abdi Ali iyo diblomaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda.

Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad Al shabaab ah iyo Walxaha qarxa oo Muqdisho laga sameeyay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Howlgalkaan oo xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa si gaara u fulinaayay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, iyagoo ku socday goobo gaar ah oo Bartilmaameed u ahaa oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Aragagxisada Al shabaab iyo goobo kale oo iyana la tuhmayay inay ku keedsadeen walxo ay amniga Caasimadda ay ku wiiqaan.

Intii uu socday howlgalkan qorsheysan oo ay fulinayeen ciidamada Booliska Laantooda Dambi Baarista ee CID-da oo xogta lagu duulayay huwaneyd ayaa waxaa lagasoo qab qabtay xaafadihii howlgalka uu ka dhacay Maleeshiyaadkii la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah.

Howlgalka oo bilowday abaaro 8 Fiidnimo ayaa si nabad galyo ah kusoo gaba gaboobay saqdii dhexe, waxaana dad degan xaafadaha howlaha amni laga hayay la arkaayay iyagoo si nabad galyo ah u wata howlahooda shaqo iyo isku socodka dadweynaha, marka laga reebo guryaha sida gaarka ah diirada u saarneyd oo wax dhaq dhaqaaq kale oo howlaha socda ka madax banaan laga dhowrayay.

Hay’adaha amniga dowlada Soomaaliya ayaa har iyo habeen u taagan ka hortaga falalka amni darada oo ay qorsheynayaan Nabad diidka Al shabaab oo baryihii ugu dambeeyay laga fashiliyay falal qaraxyo ah oo ay doonayeen inay ku waxyeelaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Mareykanka oo war ka soo saarey duqeyn lagu dilay horjooge katirsan Argagixisada Soomaaliya

0

Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa Warqad qoraal ah oo uu soo saarey ku sheegay in Ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Duqeyn la beegsadeen Argagixisada Daacish,kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya deegaano katirsan Puntland.

Saraakiisha Miliytariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay sida ku cad qoraalkoda in duqeyntaasi lagu dilay horjooge katirsanaa Koxda Daacish ee bartilmaameedka uu ahaa.

Col. Cali Cabdi oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa faah faahiyay sida ay wax u dheceen iyo wixii ay halkaasi ku arkeen.

“Waxaa weerarka uu ka dhacay buuralayda ku dhow dhow degmada Qandala,waxaanu maqalnay guuxa hub culus,kooxihii way ka carareen halkaasi markii la duqeeyay,waxaan booqanay goobtii duqeyntaasi ka dhacday,waxaan halkaasi ku aragnay meydadka dad dhintay”. Ayuu yiri Col Cali Cabdi.

Sidoo kale warka qoraalka ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale Mareykanka uu sheegay inuu xoojinayo taageerada uu siiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Talaabadani ayaa qeyb ka ah howlgalo ka dhan ah kooxhaha argagixisada eek u sugan Soomaaliya,Mareykanka ayaa sii kordhiyay todobaadyadii ugu dambeeyey weerarda xagga Cirka ah oo lala beegsanayo ALshabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka qeyb galaya Caleemasaarka Uhuru Kenyaata

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galaya Xaflad Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya oo ka dhaceysa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday xafladan, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle,Uganda Yoweri Museveni, Ian Khama madaxweynaha dalka Botiswana,Paul Kagame madaxweynaha Rwanda, John Pombe Magufuli Tanzania, Edgar Lungu Zambia,Namibia Hage Geingob, Faure Gnassingbé Togo, iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Xaflada lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyaata ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Nairobi oo si weyn lo adkeeyay amaankeeda.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.