Xukuumadda Pyongyang oo gantaal riddo dheer mar kale tijaabisay

Date:

Pyongyang(SONNA)  Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeesay muddo laba bilood ah kadib waxaay tijaabisay gantaal ballistic ah.

Sida ay sheegayaan  Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured gantaalkani ayaa dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay meel u dhaw magaalada Pyongyang.

Xeer dheeriyaad ka faalooda arrimaha dalkaasi ayaa sheegay in Pyongyang ay horumarineyso gantaaladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog fog sida dalka Mareykanka,kaasi oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo.

Wasaarada Gaashaandhigga Mareyakank ee Pentagon ayaa sheegtay in tani ay u muuqato inay tahay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.

Pentagon-ka waxaa kale oo ay intaa ku dareen in gantaalkani uusan aheyn mid khatar ku ah xullafada Mareykanka iyo waqooyiga Mareykanka toona.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay tijaabada gantalkan ayaa sheegay in tani ay tahay xaalad la xakameyn karo.

Mareykanka iyo wadamo badan ayaa ka walaacsan tijaabooyinka Gantaalada ee Waqooyiga Kuuriya,iyadoo xukuumadda Waqooyiga Kuuriyana ay ka dhaga adeegeyso baaqa Qaramada Midoobey ee ahaa in ay joojiso Gantaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN

Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis,...

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya sadex maxaabiis oo...