Shir looga hadlayey la dagaalanka fikirka Xagjirka ah oo Magaaladda Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), Shirkaan oo  looga hadlayey ka hortaga fikirka xagjirka ah, ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyey Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka ah ee  Soomaaliya, mudane C/raxmaan Cumar yariisoow iyo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Danjire Andreas Von Uexkull.

waxaa ka qeyb galay shirkaasi wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, qaar kamid ah Safiiradda wadamada caalimka u jooga Soomaaliya , wakiilo caalami ah  iyo  xubno matalayey maamul gobaleeyadda Dalka ka jira.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka ah ee  Soomaaliya, mudane C/raxmaan Cumar yariisoow, ayaa shirkaasi markii uu soo idlaaday kadib warbaahinta Qaranka la wadaagay qodobadii kulanka lagu go’aamiyey.

“Shirkii muhiimka ahaa ee la dagaalanka fikirka xagjirka ah, ayaa maanta qabsoomay oo aan uga hadleynay siddii shirka 4 December uga dhacaya Muqdisho warbixin looga siin lahaa howlaha ka qabsoomay, waxaa shirkaan lagu go’aamiyey istiraatiijiyadii oo dib u eegis lagu sameeyey ee heerka Qaran oo la ansixiyey, sidoo kale qorshe howleedkii lixda billood la qaban lahaa ee la diyaariyey ee la hordhigi lahaa shirka 4 December ayaa la diyaariyey, marka runtii shaqo wanaagsan ayey maanta aheyd, waxaan aad ugu mahad celinayaa Hay’addaha Dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dhammaan xubnihii dowlad goboleedyada ka socday, tanna waxay ku timid dadaal muddo soo socday” ayuu yiri Wasiir Eng Yariisoow

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...