Home Blog Page 1417

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Masar

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo  ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo katirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Faah faahin Kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

0

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino ugu aaseen  deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad, halkaasina ay ku geeriyoodeen ilaa iyo Todobo ruux oo ah dad shacab ah.

Deegaanka Baniga Baalow ayaa 15-km u jira degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana marka laga tago dadka dhintay jira dad kale oo miinadaasi ku dhaawacmay.

Gaariga ayaa la tilmaamay in ay saaraayeen dad gaaraya ilaa iyo 20 ruux oo dhamaatood  dad Shacab ahaa kana mid ahaa ganacsatada qudaarta ka ganacada.

Wariyaheena Maxamed Amiin Yabarow ayaa soo sheegaya in gaariga Al-shabaab ay qarxiyeen uu ahaa gaari nuuca loo yaqaano Hoomey, islamarkaana suura gal ay tahay in uu sii kordho qasaaraha dhimashada, maadama deegaankaasi aaney laheyn goobo caafimaad oo dadkaasi lagu baxnaanin karo.

Maleeshiyaadka nabad diika ah  ee Al-shabaab ayaa dhivbaatooyin kale duwan ku haaya Shacabka Soomaaliyeed eee aan waxna galabsan sida dil,qarax,boob iyo falal kale oo dhamaan ka baxsan bini aadanimada.

Safaaradda Suudaan oo sheegtay in ay Jaamacado ka furayso Soomaaliya

0

Kulan ay ka qayb galen  Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Xubno ka socd, Safaaradda Sudaan ee Soomaaliya, Arday, Masuuliyiinta qaar ka  mid ah madaxda Jaamacadaha Sudaan oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa looga hadlay arrintaasi sidii loo meel marin lahaa.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ifriiqiya ee Dalka Suudan oo kamida Jaamacadaha Africa ugu sareeya Dr Kamaal Maxamed Cubeyd ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay Xaruun uga furi lahaayeen Muqdisho si Ardayda Suudan u soo aadaya ay Dalkooda Waxbarasho tayo sare leh ugu helaan.

Wasiiro Dowlaha Madaxtooda Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur oo qabanqaabada kulankaasi lahaa  ayaa tilmaamay in aad ugu faraxsanyihiin iskaashigaasi cusub.

Dalka Suudaan ayaa ka mid dalalka Ardayda Soomaaliyeed u aadaan heerarka kala duwan ee waxbarashada wixii ka dambeeyay bur burkii Dowladii dhexe waxaana xusin mudane in qaar ka mid ah Ardayda kasoo baxday Jaamacadaha ay Dalka ka hayaan xilal kala duwan.

Dowladaha Suudan iyo Soomaaliya ayaa dhawaan gaaray heshiisyo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga Waxbarashada sare, taas oo ka dambaysay markii madaxwaynaha JFS iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  halkaasi ku tageen socdaal taariikhi ah.

Doorashooyinka Guud oo ka bilowday Japan

0

Muqdisho(SONNA):–Waxaa dalka Jabaan ka bilowday cod bixinta Doorashada madaxtinimo ee dalkaasi,iyadoo Malaayin qof oo uu dhashay dalka Japan ay codkooda ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo ah mid laga soo horumariyay wakhtigii loo asteeyay.

Shinzo Abe oo ah Ra’iisul Wasaaraha Japan oo sannad kahor ku dhawaaqay doorashadani ayaa sheegay inuu doonayo in uu wax ka qabto dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee wadankaasi kadib markii la dareemay culeysyo dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee dhanka arrimaha dibadda.

Raiisul Wasaare Shinzo Abe oo markiisi afaraad u tartamaya xilkaasi ayaa waxaa uu balanqaaday in haddii la doorto uu la tacaali doona khatarta Nuclearka ee Japan ka soo wajaheyso dalka Kuuriyada Waqooyi, iyo in collaad dambe aysan sii socon doonin.

Waxaa la arkayay sanaadiiqda goobaha cod bixinta oo ay safaf dhaadheer ugu jiraan dadweynaha kuwaasi oo go’aan ka gaaraya mustaqbalkooda.

Inkastoo dadka odorosa arrimaha siyaasadd adalkaasi ay sheegayaan in taageerada Mr Abe ay hoos u sii dhacaysay sanadihii ugu dambeeyey ayaa hadana waxaa la hadal hayaa in uu ku guuleysan doono doorashada marka la fiiriyo qaabka ay wax u socdaan.

Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

-DHAMMAAD-

Ruwanda oo Soomaaliya ugu deeqday daawo ku kacaysa 1 milyen oo Dollar.(SAWIRRO)

0

Ruwanda(SONNA) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa Safar shaqo ku jooga magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan.

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa la kulmey wasiirka arrimaha dibadda Ruwanda iyo Wasiirka Cafimadaka Dalkaasi Diane Gashumba,iyagoo ka wada hadlay sidii Dowladda Ruwanda ay kaalinteeda uga qaadan lahayad u gar gaaridda dadkii ku dhaawacmay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Ruwanda ayaa waxay ku deeqday dawo qimiheeda uu gaarayo 1 million oo dallor taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka Ruwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo Wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Ruwanda.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii bahalnimada ahaa oo boqolaal qof ay ku nafwaayeen ,islamarkaana kuwo kale ay ku dhaawacmeen waxaa sii kordhayay dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya,waxaana bar bar socda gurmad deg deg ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda isku fidinayaan.

Wadanka Ruwanda ayaa ah wadan taariikh ku leh Afrika marka loo fiiriyo dagaalada sokeye iyo burburkii dalkaasi uu soo marey iyo sida ay haatan shacabkiisa iyo Dowladduba ay gacmaha isku haystaan,taasi oo horseedey in ay horumar dhankasta leh ay ku talaabsadaan.

Soomaaliya oo kamid ah wadamad adagaalada sokeeye iyo burburka soo marey ee Afrika ka tirsan ayaa haatan u muuqataa in ay dhabihi horumarka ay hayso,inkastoo weli dagaal xoogan lagula jiro kooxaha argagixisada oo hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

Madaxweyne Farmaajo“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal deg deg uga jawaaba dhibaata kasta”Sawirro”

0

Muqdisho, 21 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”
Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.
“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

-DHAMMAAD-

Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Johannesburg oo kulan  la qaatay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka”Sawirro”

0

Johannesburg(SONNA)-Kulankaan oo ahaa mid casho ah ayaa qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg waxaa ay hotelka nuura kula qaateen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir oo howlo shaqo todobaadkaan u joogay dalka Koofur Africa.

Kulanka oo ay soo agaasintay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa ayaa ujeedkiisa  ahaa in waxgaradka jaaliyada Soomaalida ee magaalada Johannesburg iyo xogyaha guud  ay is waydaarsadaan xogta xaalada dalkii hooyo ee Soomaaliya iyo tan dalka South Africa oo ay marti ku yihiin.

Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Soomaalida South Africa Suldaan Qooqaani iyo sido kale Nabadoon C/laahi Fiidow Xabeeb oo ku hadlayay magaca jaaliyada Soomaalida South Africa ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Daahir Cali xaalada Soomaalida South Africa.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Abaasadoor Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay Sooomaaida South Africa in ay yihiin dad jacel midnimada iyo dowlad wanaaga.
xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali daahir ayaa sheegay in socdaalkiisa dalka Koofur Africa uu ahaa mid looga hadlayay arimo ay ku jiraan sidii ay ku heli lahaayeen Soomaalida ku nool South Africa xaquuq buuxda isla markaana loo yareyn lahaa dhibaatooyinka Loo geysto.

 

SONNA-C/laahi Maxamuud Amiin.C/laahi Qorshe.
Johannesburg-South Africa

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jowhar Kulan Kula Qaatay AMISOM”Sawirro”

0

Jowhar(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee  Midowga Africa AMISOM  Iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xaqiijinta amniga guud.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha Amisom uu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa Amisom iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka.

Taliyaha Sectar 5 ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraakiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna sii xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa Amisom ugu mahadceliyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay doorkooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya, waxaana uu si qoto dheer saraakiisha uu kaga warbixiyay sida mudnaanta koowaad uu u siinayo amniga iyo sida lagama maarmaanka ay u  tahay in la iska kaashado howlaha horyaala ciidamada si gaar ah waxaa uu carabka ugu adkeeyay sidii loo xaqiijin lahaa amniga inta lagu gud jiro xafladda caleema saarka oo dhaceysa 23 bishan oo maalin uun ay ka harsantahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogo xafiiska sidaan oo kale kulama Muqdisho kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Africa Amisom, iyo kuwa Soomaalida oo uu kala hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Hirshabelle iyo sida muqadas ay u tahay in cadowga laga dulqaado bulshada ku dhibaateysan Deegannada Hirshabelle  oo ay go’doomiyeen  Al Shabaab.