Mukhtaar Roobow oo SONNA uga waramay kulamo uu la yeeshey Madaxda K/Galbeed+Sawiro

Date:

Baydhabo(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in kulan halkaasi uu ku dhexmaray maanta Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur iyo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan Baydhabo waxaa uu dhexmaray Abuu-Mansuur iyo kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi iyo mas’uuliyiin kale,kaasi oo inta badan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa in shacabka laga dulqaado dhibaatada SHabaab.

Waxaa ka horeeyey kulamo ka dhacay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokoolka Bokool, oo dhexmaray maamulka Koonfur Galbeed,Mukhtaar Roobow iyo qeybaha bulshada iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayuu ku faah faahiyay Abuu-Mansuur waxyaabaha looga hadlayay kulamadii deegaanadaasi ay uga socdaan.

”Kulamad aan kula yeelanay magaalada Xudur maamulka,saraakiisha iyo bulshada qeybeheedi kala duwan waxaa diiradada lagu saarayay sidii shacabka looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan Shabaab,hadafka guud waxaan uga golleenahay in shacabka laga uruuriyo fekrado iyo talooyin waxtar u leh dadka dalka iyo diinta,talooyinkaasi oo markii la soo uruuriyo lagu dhaqaaqidoono.”

‘’Muddo 2 maalmood ah ayay kulamadan inoo socdeen oo aan wadatashanaynay,waxaan uga mahadnaqaa maamulka iyo bulshada sida wanaagsan oo ay ii soo dhaweeyeen,waxaa inoo qorsheysan in aan booqano gobolo kale oo kamid ah Soomaaliya,anagoo sii wadi doono kulamada wadatashiyada ah oo aan la yeelanayna shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Hadaba kulamad Mukhtaar Roobow uu baydhabo kula yeeshey maamulka Koonfur Galbeed ka sokow,Waxaa lagu wadaa in Mukhtaar Roobey Abuu-Mansuur uu dhowrka maalmood ee soo socota kusugnaan doono magaalada Baydhabo,halkaasi oo kulamo uu kula yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...