Labo wiil oo Soomali walaalo ah oo lagu toogtay K/Afrika iyo banan baxyo socda

Date:

K/Afrika(SONNA) Soomaalida kunool Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka sii kordhayo ee lagula kacayo dadka Ajaanibta ah ee dalkaasi kunool oo Soomaalida ay kujirto.

Tacdiyada loo geysto dadkaasi waxaa kamid ah dilal qorsheysan,weeraro lagu qaado deegaanadooda iyo boobka loo geysnayo hantidooda,taasi oo sii kordhisay in dadkaasi ayla noolaadaan walwal joogta ah oo aan isbedel lahayn.

Falkii ugu dambeeyey ayaa lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah,kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cumar Salaad Xaashi iyo walaalkiis ka yar Liibaan Salaad Xaashi,kuwaasi oo lagu toogtay dukaan ay ku lahaayeen magaalada Johannesburg  ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegeen eheladooda.

Waxaa Burcad hubeysan ay Khamiistii ku dileen wiilashaasi magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika,kuwaasi oo dilkooda loo adeegsaday baaskood,taasi oo keentay in Cumar Xaasi uu isla goobtaasi ku dhintay,halka Liibaan Xaashi uu dhaawac soo gaarey uu u dhintay.

Waxaa jira bannaan baxyo ballaaran oo ay Jaaliyadda Soomaliyeed ka dhigeen dhismaha xarunta Baarlamaanka Dalkaasi,iyagoo dalbanaya in sharciga iyo cadaaladda la horkeeno dembiilayaasha geysanayaa dilalka qorsheysan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...