Maxaa kajira in Madaxweyne Trump uu bedelayo Rex Tillerson

Date:

Washington(SONNA) Waxaa soo ifbaxaya warar sheegay in madaxweynaha wadanka Mareykanka Donal Jey Trump uu wado qorshe ku aadan in uu xilka ka xayuubiyo Xoghayaha arrimaha dibadda Rex Tillerson.

Donalda Trump ayaa wararka qaar ay tilmaamayaan in uu donayo in xilkaasi uu u dhiiboo madaxa Hey’ada CIA-da Mike Pompeo oo noqdo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanak,balse war ka soo baxay xafiiska  Madaxweyne Trump Khamiisti lagu beeniyay inuu shaqada ka eryayo Tillerson, kadib marki ay soo baxeen wararkaasi.

Warbaahinta Mareykanka qaar kamid ah ayaa si aad ah u tabinaya wararkaasi, waxaana warbaahintu ay sheegayaan in Mr Rex Tillerson ay siyaasadiisa xumaatay,sidaasi daraadeed uu ku badalayo madaxa CIA-da oo ah nin uu xiriir wanaagsani kala dhaxeeyo madaxweyne Donalda Trump.

Warar hoos ah oo laga helayo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegaya in qorshaha uu yahay in Senatar-ka xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Arkansa Tom Cotton, oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhaw Trump laga dhigi doono madaxa hey’ada CIA-da, hadii la bedelo Mr Telerson.

Donald Trump ayaa hadii uu ku dhaqaaqo talaabadani waxaa uu noqonayaa madaxweynaha ugu bedbedelka badan xubnaha maamulkiisa ee Mareykanka,taasi oo muujinaysa in talaabooyinkii hore ee xilalka uu ku magacaabay ay ahaayeen kuwo aan si aad ah looga fiirsan sida ay aaminsanyihiin dad badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...