Puntland oo dowladda dhexe ku warreejisay Askar qeyb ka ah isku dhafka Ciidamada qalabka sida “Sawirro”

Date:

Garoowe (SONNA), Dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta dowladda dhexe ee Soomaaliya ku warreejisay  2400 (laba kun iyo afar boqol) oo askari, kuwaasi oo si rasmi ah uga mid noqon doona Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha isku dhafka Ciidamada Qaran ee Dowladda ay wado.

Munaasabadda lagu warreejinayey askartan, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xiggeenka Maamulka Puntland, Mudane C/xakiin C/laahi Cumar Cameey, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Maxamed Cali Xaggaa, Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo Saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Jenaraal Siciid Maxammed Xirsi, ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidankaan laga soo xulay Daraawiishta Puntland, islamarkaana mas’uuliyadoodu ay ku wareegtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka  Soomaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ciidanka la wareegay, ayaa ku boorriyay in ay laba-jibaaraan dagaalka looga hor jeedo Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoo xusay in Xukuumadda geed dheer iyo mid gaabanba ay u kori doonto siddii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo isku dhafan.

Madaxweyne ku xiggeenka Puntland, Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ciidanka ku wareejiyey wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya,  ayaa sheegay in hawl badan laga soo maray soo xulidooda, isagoo boggaadiyey doorka dowladda ee ah sidda ay uga howlan tahay isku dhafka Ciidamada qalabka ee Soomaaliyeed.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...