Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Nairobi Kula Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya “SAWIRRO”

Date:

Nairobi (SONNA), Guddoomiye ku xigGeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya ,Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaddoo Guddoomiye Mahad Cawad ay wehliyeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo muddo saacado ah socday, ayaa  waxaa looga wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Goleyaasha Shacabka ee  Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la isla gartay in wufuud labada Baarlamaan ka kala socda ay booqasho shaqo ku kala tagaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, taasi oo xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta sii xoojineysa.

Intii kulanka uu socday Guddoomiye ku xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu u gudbiyey Baarlamaanka Kenya marti qaad uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isagu ku marti qaaday Guddoonka Baarlamaanka Kenya iney Muqdisho yimaadaan.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee la isku af gartay waxaa ka mid ah in tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo loo fidiyo guddiyada Golaha Shacabka Soomaaliya,maamulka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka, ayaddoo tababaradaasi ay bar bar socon doonaan qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegi doona Magaaladda Nairobi dhowaan, halkaasi oo ay heshiis wada shaqeyn kula saxiixan doonaan guddoonka Baarlamaanka Kenya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...