Home Blog Page 1416

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed(SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo xiligan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

 

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

 

Robert Mugabe oo ogolaaday inuu xukunka ka dego

0

Harari –(SONNA)- Mdaxweynahaha Zimbaabwe Robert Mugabe ayaa ogolaaday inuu mudo 37 sano ka dib uu xukunka Madaxtinimada dalkaasi uu ka dego.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Reuters ee Dalka Britain waxay Talaabada uu qaaday Mugabe ay ka dambeysay kadib markii ay wada hadallo dhex mareen Taliyaha Ciidamada  qabsaday dalkaasi.

Dhanka kale Idaacadda iyo Telefishnka dalka Zimbabwe ayaa soo wariyay in Robert Mugabe uu maanta hadal u jeedin doono shacabka dalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray In Xisbiga talada haya ee dalkaasi  ZANU–PF uu musharaxa  hogaamiyaha Xisbiga dalkaasi u doortay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi  ninka lagu magacaabo Emmerson Dambudzo Mnangagwa  isagoo  u taagan tartanka Madaxtinimada dalkaasi oo dhici doonta 2018ka.

Musharaxan u taagan tartanka Madaxweyninimada daalkaasi Zimbabwe isla markaana loo doortay Hogaamiyaha Xibiga awooda ku leh dalkaasi  ayaa Todabaadyo ka hor xilka Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi laga eryay, taasoo sababtay inuu mileteriga Zimbabwe uu xiisadda dalkaasi uu soo dhaxgalo.

Xildhibaanno Maraykan ah oo ku eedeeyay dowladda Myanmar in ay gashay dambi dagaal

0

Dhaka- (SONNA)- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka oo booqanaya Xeryaha Qaxootiga ee  dadka Rohingyaha ee dalka Bangaladhesh ayaa  ku eedeeyay Dowladda Myanmar in ay gashay danbi dagaal oo lagu tilmaami karo isir sifayn lagu sameeyay dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Ixsaan Kariim oo ah Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Bangaladhesh ayaa sheegay in madaxa wafdiga Xildhibaanada maraykanka mar ay magaalada dhaka ee Bangaladhesh ay kula kulmeen Shiikh Xasiina Ra’iisalwasaaraha Bangaladhesh ayuu ku sifeeyay dhibaatadii ku dhacday dadka Rohyngyaha in ay tahay danbi dagaal.

Wafdigaan ka kooban 5ta Xildhibaan ee maraykanka ah ayaa inta aysan la kulmin Ra’iisalwasaaradda Bangaladhesh waxay soo booqdeen xeryaha ay ku jiraa n Qaxootiga Rohingya ee ku yaal xudduuda labada dal ee Bangaladhesh iyo Myanmar.

Wasiiraddda arimaha dibadda Bangaladhesh ayaa sheegtay in dalkeedu uu wadahal la bilaabi doono todobaadkan Mynyamar kaasi oo lagu baadi goobayo heshiis laga gaaro dib u celinta Qaxootiga Rohingya ee dalkooda sida qasabka ah looga barakiciyay.

Dhanka kale wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa soo bandhigtay Qorshe xaldoon ah oo ka kooban 3qodob oo kala ah:-

1- in tallaabada koowaad la gaaro Xabad joojin.

2- in la qobto kulan laba geesood ah oo miro dhal ah.

3- iyo ugu danbayn in la gaaro xal muddo dheer oo kama danbays ah.

Booqashada wafdiga maraykanka ee ka kooban xildhibaanada ay ku tageen xeryaha qaxootiga ee Rohingya iyo eedayntooda ah in dowladda Myanmar ay gashay danbi dagaal waxay sii cuslayn doontaa baaqyadii caalamka ka soo yeerayay ee ahaa in aan indhaha laga qabsan Xasuuqa lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee Rohingya.

Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lafilayo in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo

0

Soomaaliland(SONNA) Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray  in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale  Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uag qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya  in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymou jeediyay duggiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.

Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyatta

0

Kenya(SONNA) Iyadoo siweyn loo sugaya go’aano ku aadan sharciyada dib u doorashadii madaxweyne Uhurru Kenyatta,ayaa Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid siweyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenay uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Waxaa la aasaasey Maxkamadda ugu sareysay Dalkaasi Kenya oo sanaddii 2010,iyadoo taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa aad u so dhaweeyey Go’aankaasi,waxaana la arkayay dadweyne aad u badan oo dabaal degyo sameynaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu soo dhiso dowlad,isagoo ay horyaaliin arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan maareynta mucaaradada faraha badan ee ka imaanaya xoogaga Mucaaradka.

Maamulka G.Banaadir oo furaya Bangi Dhiig +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)--Cabdullahi Cilmi Xaaji Ere Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobilka Benaadir ayaa tababar laxiriira fayo qabka iyo keydinta Dhiigga u furay shaqaalaha iyo maamulka waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaa  lagu Baran Doono siminaarkani Sidii Loo Sameyn lahaa Bangi Dhiig oo Loo Sameynaayo Dowladda Hoose ee Xamar,Guddomiye Ereg ayaa sheega in loo Bahanyahay in laga Shaqeeyo bulshadu ay u yeelan lahayd Bangi Dhiig oo Keyd ah,Si loo Badbaadiyo Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Talaabadani ayaa ah mid loo baahnaa, islamarkaana u sii gogol xaareysa sidii loo sameyn lahaa Bangiga Dhiigga oo uu Dalku hore u lahaan jiray.

Dhinaca kale Kulan looga hadlayay Amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaalia,Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir,Guddoomiyaasha 17.ka degmo iyo Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa kulankaasi.

Waxaa siweyn loo falan qeeyey sidii loo xoojin lahaa adkeynta amniga caasimadda,iyadoo ay iska kaashanayaan laamaha nabadgeliyada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshad

 

Wasiir Maxamed Cabdulaahi Salaad oo ka qeyb galay Shirka Jaamacadda Carabta+Sawirro

0

Qaahira (SONNA) Shirkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa looga hadlayay Faragelin ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta iyo in sidoo kale Dawlahadaha Carabta ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad oo ay wehlinayaan Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Mustafa Adam Dagaal, Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar Ilyaas Sheeq Cumar iyo diblumaasiyiinta ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Masar.

Khudbada Soomaaliya ay ku laheyd Shirka oo u aqriyay Wasiirka waxay ahayd mid ay u wada riyaaqeen madaxda kala duwan ee isugu yimid shirka waxaana uu kaga hadlay arimo badan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad oo wariyaha Wakaalada SONNA ee Masar Mowliid Moha uga warbixiyay ajandaha shirka iyo aragtida ay Soomaaliya ka dhiibatay shirka ayaa yiri.”

“Shirkan waxa uu ahaa shir aan caadi ahayn oo Jaamacadda Carabta ay si deg deg ah ay u qabatay, shirkan waxa soo codsaday dowladda Sacuudi Carabiya, Soomaaliyana aniga ayaa ku matalayay, wan ku faraxsanahay inaan dowladda Soomaaliya ku matalo, ujeedada waxay ahayd gantaalki lagu soo tuuray dowladda Sacuudi Carabiya oo ay kusoo tuureen qoladda Xuutiyiinta oo Iiraan ay dabo socoto, marka dowladaha carabta halkan ayay ku kulmeen iyago walaac ka jeediyay amniga iyo faragalinta dowladda Iiraan iyo Xuutiyiinta ay ku hayaan amniga wadamada Sacuudiga iyo Bahrain, wadanka Bahrain tubooyinka shidaalka qaadayay oo kale  in la qarxiyay dhowr jeer, marka faragalintaas ayaan runtii iskugu nimid, anaga Soomaali ahaan amniga wadan kale oo muslim ah wa amnigeenna oo kale marka waan ka xunahay waxyaabaha faragalinta ee lagu hayo wadamada Muslimiinta ah, shirkana waxaan u imaanay inan taageeradeenna u muujino in laga daayo faragalinta lagu haayo wadamada Muslimiinta ah sida Sacuudiga iyo Bahrain shirkana arintaas ayu ku saabsana”.

Wasiirka Maaliyadda oo Maanta horgeyn doona Baarlamaanka Miisaaniyadda 2018-ka

0

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Maaliyadda XFS Dr C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta horgeyn doona Miisaaniyadda Dalka ee sanadka 2018-ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo ansaxiyo.

Wasiirka oo isu diyaariniya hortegitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno”.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka ayaa hore looga ansixiyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay inay ku shaqeyso Dowladda, waxaana haatana lagu wadaa in laga ansixiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyatta

0

Iyadoo siweyn loo sugaya go’aano ku aadan sharciyada dib u doorashadii madaxweyne Uhurru Kenyatta,ayaa Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid siweyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenay uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Waxaa la aasaasey Maxkamadda ugu sareysay Dalkaasi Kenya oo sanaddii 2010,iyadoo taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa aad u so dhaweeyey Go’aankaasi,waxaana la arkayay dadweyne aad u badan oo dabaal degyo sameynaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu soo dhiso dowlad,isagoo ay horyaaliin arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan maareynta mucaaradada faraha badan ee ka imaanaya xoogaga Mucaaradka.

Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lafilayo in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo

0

Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray  in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale  Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uga qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya  in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymo u jeediyay guddiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.