Faah faahin ku saabsan dagaal Shabaab looga dilay 11 qof Gobolka Hiiraan

Date:

Hiiraan(SONNA) Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dilay ilaa 11 katirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab,ayna dhaawaceen kuwo kale,kadib markii dagaal uu ku dhexmaray deegaan hoostaga Degmada Maxas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaad katirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo la socotay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil katirsan ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuna sii jeedey Degmada Maxaas.

Janaraal Axmed Maxamed(Tareedisho) oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Xooga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay shabaab ka dileen 11 qof tiro kalena ay ka dhaaweceen,isagoo xusay in dhankooda uu dagaalkaasi uu kaga dhintay 1 askari,ayna kaga dhaawacmeen 4 kale.

Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa haatan gaaray degmada Maxaasi ee Gobolka Hiiraan Halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Ujeedka socdaalka ayaa ah sidii halkaasi loo geyn lahaa maamul cusub oo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu u magacaabay degmadaasi,iyagoo kulamo la qaadanaya qeybaha kaladuwan ee bulshada si loola shaqeeyo maamulka cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...