Home Blog Page 1400

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay shirka wadatashiga amniga qaran”Sawirro”

0

Muqdisho, Oktoobar 29, 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in shirkan uu muhimad wayn u leeyahay dadka iyo dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo laga xoraynayo argagixisada Alshabaab.

“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

-DHAMMAAD-

Golaha Wasiirada oo xilalkii ka qaaday Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka

0

Muqdisho(SONNA):–, 29 October 2017 – Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober oo ay kooxaha argagaxisadu qarax iyo weerar ka fuliyeen hotel Nasa Hablood 2 ee Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxii argagaxisada ee shalay, una rejeeyey inta dhaawaca ah in EEBBE bogsiiyo. Golaha Wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey falka argagaxisada ah, isla markaasna ku ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah sida ay u soo bad-baadiyeen dad badan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

—DHAMMAAD—-

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay shirka wadatashiga amniga qaran

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in shirkan uu muhimad wayn u leeyahay dadka iyo dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo laga xoraynayo argagixisada Alshabaab.

“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

-DHAMMAAD-

  

Golaha Wasiirada oo xilalkii ka qaaday Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka

0
Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober oo ay kooxaha argagaxisadu qarax iyo weerar ka fuliyeen hotel Nasa Hablood 2 ee Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxii argagaxisada ee shalay, una rejeeyey inta dhaawaca ah in EEBBE bogsiiyo. Golaha Wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey falka argagaxisada ah, isla markaasna ku ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah sida ay u soo bad-baadiyeen dad badan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho ka furmay

0

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, kaasi oo uu shir gudoominayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowlad goboleedyada iyo masuuliyiinta qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo sida looga wada shaqeyn karo la dagaalanka Al-shabaab.

Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho ka furmay

0

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, kaasi oo uu shir gudoominayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowlad goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo sida looga wada shaqeyn karo la dagaalanka Al-shabaab.

 

Dowladaha Sacuudiga, Kuwait, iyo Qatar ayaa cambaareeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Bayaan kasoo baxay wasaaradaha Arrimaha Dibadda dalalka Sacuudiga, Kuwait, iyo Qadar ayaa lagu cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad isugu jiray shacab iyo masuuliyiin.

Dalalkaasi ayaa sheegay in falkaasi ay si aad ah uga xun yihiin oo ay cambaareynayaa, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ku taageeri doonaan sidii looga hortagi lahaa falalka Argagixisada ay ku heyso dadka Soomaaliyeed.

Dowladahaasi ayaa u tacsiyeeyey ehelada dadkii ku dhintay weerarka iyaga oo u rajeeyey caafimaad kuwii ku dhaawacmay falkaasi ay geysteen Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar iyo qaraxyo ku qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, falkaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kulamo wadatashi ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kasoconaya kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan madaxda sare ee dowladda Federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kuwaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlayo.

Kulamada oo ah kuwa hor dhac u ah shirka uu iclaamiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa goob joog ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabelle, K/Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha dalka Mudane Maxamed cabdullaahi farmaajo iyo Raiisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana diiradda lagu saarayaa wadatashiyo la xiriira qaabka uu noqonayo shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo lafilayo in galinka dambe ee maanta uu furmo.

Kulamo shalay ay yeesheen dhinacyada ayaa laisku raacay in ajandaha shirka uu noqdo sida laisaga kaashan karo ladagaalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho shalay ka dhacay

0

Muqdisho (SONNA)  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyed iyo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Qaraxyada ay la socdeen ee  Shalay galab Maleeshiyada Argagixisada ah Alshabaab ay ku qaadeen hotel Naasa hablood2, kaasi oo waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sheegay in argagixisada ay usoo jeesteen daadinta dhiigga dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo ALLE uga baryey dadkii ku dhintay Weerarkaasi in alle janadiisa Fardowza uu ugu bashaareeyo, halka kuwa dhaawacmayna uu EEBE uga baryey caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale u tacisiyadeey masuuliyiintii qaraxaasi ku dhintay oo ay kamid yihiin Ex Xildhibaan Cabdi naasir gaarane, Ex Wasiir Madoobe nuunoow iyo G/dhexe Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax) Taliyihii saldhiga Booliska degmada Dayniile, waxaana uu ku tilmaamay in ay ahaayeen daljireyaal danta qaranka ka shaqeynayey, taariikhdana ay baal dahab ah ka geli doonaan.

ugu dambeyn Taliyaha, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaqeyb qaataan dagaalka lagula jiro Nabad diidka Alshabaab, Ciidamada amaankana ay kala shaqeeyaan sugida amaanka.

Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu dhigay 3 ka mid ah Ragii weerarka gaystay

0

Laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Xalay soo gaban-gabeeyay weerar maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen shalay galabnimadii shalay Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.

Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maleeshiyaad ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood labo ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna  ay Ciidamadau dileen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga  XFS C/casiis Xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu Xalay ku guulaysteen in ay guuda ahaanba soo afjaraan weerarka.

C/casiis Xildhimaan oo ah Afhayeenka Amniga ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday mid kamid ah ayaa isku qarxiyey banaanka Hoteelka halka midka kalena uu gudaha Hoteelka isku qarxiyey sida uu sheegay Afhayeenka.

Ciidamada  Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta ka howl galay waxii ka dambeeyay weerarka  ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al shabaab iyagoona Ciidamadu soo bad baadiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay doonaayeen in ay laayaan dhagar qabayaasha nabad diidka ah ee Al shabaab.

Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2  ee Degmada Xamar-weyne

Raagaan ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka  Naasahablood 2  ayaa tusaale u ah guulaha ay Ciidmada Soomaaliya ka gaarayaan  falalka Argagixisada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ayaa habeen iyo maalinta ku howlan dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed taasoo ku tusaysa hadaf  la,aanta Argagixisada hase yeeshee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa u taagan ka hortagida falalka guracan ee nabad diidku ku doonayaan dhibaataynta Shacabka.