Golaha Shacabka oo ansixiyay Misaaniyadda Dowlada 2018

Date:

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya waxaa maanta shir guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudeey, waxaana Xildhibaanada ay ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2018

162-Xildhibaan ayaa ogolaatay Miisaaniyadda dowlada ee 2018, halka uu diiday Hal Xildhibaan Midna uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle ayaa kaga mahad celiyay dhamaan xubnaha golaha shacabka ee meel mariyay Miisaaniyadda, wuxuuna ku tilmaamay Talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Qaraar uu soo diyaariyay Guddiga arimaha dibada ee Baarlamaanka oo ku aadanaa Cambaareynta go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....