Home Blog Page 1399

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Ducaale Beyle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr Hugh Riddell.

Wasiir Beyle iyo mas’uulka ka socda Bangiga Adduunka waxay kulankooda kaga wada hadleen arrimaha ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka, iyagoo meel fiican wada dhigay waxyaabihii ay isla soo qaadeen, kuwaasi oo horumar u ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qarax sabaabay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso(SONNA) Ciidamada katirsan maamulka Puntland ayaa lagu soo waramaya in lagu beegsaday qarax bombaano xili ay ku sugnaayeen wado aad u mashquul badan oo ku taala magaalada Boosaaso.

Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku geeriyootay ila 10 kale waa ay ku dhaawacmeen,iyadoo dadka waxyeelada soo gaartay ay u badan yihiin shacab.Sida uu soo sheegayo wariyaheena magaalada Boosaso Maxmed Muuse Tarsan.

Waxaa Goobtaasi durba gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano isla markaana samaynaya hawlgalo lagu baadi goobayo dadkii fuliyay qaraxasi.

Saraakiisha ammaanka iyo maamulka Gobolka Bari ayaa lafilayaa in dhawaan ay la hadlaan warbaahinta iyagoo ka warbixindoona  khasaaraha qaraxaasi uu geystay.

Xuska dhalashada Nabigeenna (NNKH) oo maanta ka soconaya Gobollada dalka

0

Muqdisho(SONNA) Xaflado lagu weyneynayo dhalashadii Nabigeenna Muxamed SCW ayaa maanta ka soconaya gobollo ka tirsan dalkeena Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada muslimiinta ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday dhamaan shaqaalaha rayidka ah xuska dhalashada Nabigeenna awgeed,  taasoo ku beegan 12-ka Bisha Rabiicul Awal ee taariikhda Hijriyada.

Sanad kasta marka la gaaro maanta oo kale waxaa ummadaha muslimiinta ah u dabaaldegaan dhalashadii nabigeenna oo ku asteysan  12-ka Bisha Rabiicul Awal, iyadoo laga sheekeeyo siirada nabigeenna Muxamed.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada sida weyn looga ixtiraamo Guud ahaan Soomaaliya ayaa Wareysi uu siiyay Radio Muqdisho kaga hadlay muhiimaddu ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacuubta Muslimiinta u leedahay xusidda iyo weyneynta dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH).

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) ay tahay mid raxmad ah oo loo baahanyahay in Ummadda ay wada ogaato, lagana sheekeeyo siirada Nebigga oo ay musliimta wax badan ka bartaan.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Baladul-Amiin ku qabtay hub iyo waxyaabo Qarxa.+Sawiro

0

Shabeelada Hoose(SONNA) Kadib howlgalkii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga  shalay Al-shabaab kagala wareegeen degaanka Baladul-Amiin ee hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacanta ku dhigay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub Maleyshiyada Al-shabaab ugu jiray guri ku yaala degaankaasi.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay guulahaasi ay gaareen ciidamada Dowladda,gacantana lagu dhigay Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin,kuwaasi oo ay Shabaabka u adeegsan jireen gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay gacanta ku dhegeen taleefano nabadiidka Al-Shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka shacabka ah.

Howlgaladani oo ah kuwo qorsheysan ayaa ujeedkoodu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya oo ah halka ay ku dhuumaalaysanayaan.

Waxaa barbar socda  howlgaladaasi dhulka ah,duqeymo xagga Cirka ah oo lagu beegsanayo horjoogayaasha Shabaab,waxaana duqeyntii ugu dambeysay lagu dilay horjooge katirsanaa Daacishta ku sugan Buuralayda gobolka Bari ee Puntland.

Ra’iisal wasaaraha oo xalay kormeeray baraha Ciidamada Xasilinta Caasimadda

0

Muqdisho(SONNA) R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay kormeeray baraha Ciidamada Xasilinta ee Caasimadda Muqdisho.

Kormeerka uu sameeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa muhiimadiisu waxay ahayd sidii loo dhiira gelin lahaa loona dhisi lahaa niyada Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo habeen iyo maalin u soo jeeda sugida amniga Muqdisho iyo dagaalka kooxaha nabad diidka.

” Xarunta CID-da ayaan joognaa iyadoo Saq dhexe ay tahay,waxaan soo marnay dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho intooda badan,Miizaanka dhuxusha, Daaru-salaam, Excontrol,Kaxda,Deyniile meelahaasi dhan ayaan soo marnay anigoo Taliyeyaasha Ciidamada ay isoo tuseen sida xaaladda amniga uu yahay iyo sidey u shaqeynayaan Ciidamada oo dhaxanta taagan aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Sidoo kale, Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in inta uu howlaha kormeerka ah ku jiray Ciidamada ay tuseen dad Al-Shabaab ah oo la soo qab qabtay oo waliba ay soo sheegeen dad shacab ah oo wada shaqeyn dhow la leh Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu Ra’iisal wasaaraha hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku booriyay Ciidamada amaanka iney sii laba jibaaraan waajibaadka loo igmaday ee shacabka ay u hayaan,islamarkaana gacan bir ah k qabtaan kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda dhibaatadana wada.

Dhageyso: Wasiirka Amniga oo soo saarey amaro cusub

0

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Amniga gudaha  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisaya amarro cusub oo ku aadan sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah nabadgeliyada guud.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliyta ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu dhexwadan karin hub sharcidarro ah isagoo hoosta ka xariiqay in dadka mas’uuliyiinta ah aysan qaadan karin afar qori ka badan.

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale diginiino ka soo saarey wararka been abuurka ah ee amniga lagu qalqalgelinayo iyo kuwo loogu gafaayo madaxda dowladda,isagoo xusay talaabo laga qaadayo dadka falkaasi ku kaca.

 

Trump “Ha igu mashquulin ee diiradda saar Kooxda argagixisada ah ee kharbudaadda ka wada UK,”

0

Muqdisho(SONNA) Donald Trump,madaxweynaha Mareynkanka ayaa Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May u sheegay iney diirada saarto argagixisada ingiriiska ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.

Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”.

Trump Twitterkiisa waxaa ku taxan 40 milyan, muuqaalka uu sii faafiyayna waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.

Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo “goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah.

Twitterka hore ee Fransen ayaa lagu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo weeraraya nin kale, waxaana sii raacay labo muuqaal oo kale Fransen uu ku sheegay Muslimiin.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah furay mashruuc qaliin guud ah oo loogu adeegayo bulshada tabaaleysan “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow) ayaa maanta  Daah furay Mashruuc Qaliin guud ah oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad iyo Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Mashruuca lagu daah Furayay waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Khaliif Cabdulqaadir Macalim Nuur oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad, Madaxda Istibaalka Aadan Cadde oo ay ka mid yihiin Dr. Cismaan Aadan Cabdulle iyo Dr. Maxamuud Maxamed Zaahid, Dhaqaatiir ajaanib ah oo ka qeyb qaadaneysa Qaliinka, Dr Mahad iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Mu’asasada Macalim Nuur Dr Mustaf Muxudiin

Mashruuca Qaliinka oo socan doona muddo bil ah ayaa waxaa looga faa’iideynayaa 435 Bukaan oo danyar ah, kuwaas oo qaba xanuuno kala duwan.

Dr  Maxamuud Saahid Maxamed iyo Dr Cusmaan Aadan Cadde oo  ka mid ah masuuliyiinta sare ee Cusbitaalka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay talaabadan ay tahay mid wanaagsan ayna u diyaar u yahiin u adeegidda bulshada danta yar.

Mid ka mid ah dadka ka faa”iideystay  olalahan  qaliinka guud  oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay adeegga caafimaad ee loo sameeyay.

asiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow), ayaa waxa uu uga mahad celiyay Mu’asasada Macalim Nuur iyo Isbitaalka Aadan Cadde mashruuca bulshada looga faa’iideynayo, waxa uuna rajeeyay in mustaqbalka la fulin doono Mashaariic kale oo shacab badan ka faa’iideestaan.

Tani waa talaabo muujinayso in bulshada Soomaaliyeed ay dhexdooda isku gar gaaran.

 

Magaaladda Melbourne oo lagu qabtay wiil Soomaali ah oo qorsheynayey Weerar argagixiso inuu geeysto

0

Melbourne (SONNA), Booliska  iyo Hay’adda Sirdoonka Dolwadda Australia, ayaa Xaafad ku taalla magaaladda Melbourne kasoo qabtay Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Urur argagixiso ah, islamarkaana uu qorsheynayey inuu weeerar ka geeysto Banaanka hore dhismaha la yiraahdo Federation Squar-ka, halkaasi oo sanadka cusub la qorsheynayey in lagu qabto dabaal dagyo lagu  soo dhoweynayo sanadka 2018 ka, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay ku xiggeenka Madaxa Booliska gobolka Victori, Shane Patton,

Waxaa kale oo uu sheegay in Wiilkan Soomaaliga ah ee Booliska ay qabteen uu helay Buug kooxda argagixisada ah ee  Alqaacida ay soo saartay oo ay ku qorneyd macluumaad ku saabsan sida loo fuliyo fal argaggixisannimo iyo sida loo adeegsado qoryaha, iyaggoo caddeeyey booliska in wax qori ah aan laga helin hoygiisa.

Booliska Australia, ayaa sheegay  in Wiilka la qabtay uu  20 sano jir yahay, kuna dhashay dalkaasi, balse waalidkiisa ay kasoo jeedaan Dalka Soomaaliya, waxaana ay tilmaameyn in soo qabashadiisa ay iska kaashadeen Saraakiisha  booliska Victoria iyo  booliska Federalka.