IMF oo soo dhaweysay Guulaha Somalia ay ka gaartay Hanaanka Maamul Maaliyadeed

Date:

Hay’adda lacagta ee IMF ayaaa soo dhaweysay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanaayo siyaasad ahaan iyo isbadal ahaan barnaamijyada horumarineed ee lagu kobcinaayo dhaqaalaha dalka iyo kuwa lagula dagaalamayo musuqa

IMF ayaaa aaminsan in guul ay tahay ballanqaadka adag ee Madaxda Dalka ay ugu jiraan jiheynta iyo wax ka badalka  nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee hey’adda IFM ay u qorsheysay dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado adag oo ku xeeran.

Hay’addu waxa ay taageertay sida madaxda dowladda ay u qaadeen tallaabooyinka looga hortagayo yaraanta daqliga gudaha iyo  horumarinta nolosha dadka.

Wax qabadka Maamulka si waafaqsan SMP Bishii September 2017 si weyn ayaa loogu Qancay. Waxay Cusbooneeysiiyeen Isfahamka Dhaqaalaha iyo Siyaasadaha Maaliyadda Waqtiga u dhexeeya 2018 iyo 2019.

Kooxda kormeerka Sameeysay waxay Aaminsanyihiin in Siyaasadaha iyo Dib uhabeeyntuba ay Dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan si ay u gaarto Koboc, dib u kabsasho iyo Hadafyadda bulshadda.

Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle uu magaalada Nairobi kula yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi usocodka Deyn Cafiska ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...