Home Blog Page 1401

Muuse Biixi Cabdi oo maanta la caleema saarayo

0

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha dhawaan  la doortay ee Somaliland lafilayaa in maanta lagu caleema saaro magaalada Hargeysa,iyadoo qaban qaabo ku aadan munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ay haatan ka socoto aqalka madaxtooyada.

Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada,Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa dhawaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliland,kadib markii uu ka guuleystay musharixiintii kula tartamaysa xilka madaxweynenimo,taasi oo dhawaan ka dhacday halkaasi.

Somalia oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo+Sawirro

0

Cuman(SONNA) Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen.

Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.

Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri “Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka.

Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur.”

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri “Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska.

Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa.

Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha. Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka.

Soomaalid waa dad jecel safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.

Madaxweynaha Ruushka”Go’aanta Trump ee Qudus wuxuu burburinaya wadahadalada Bariga Dhexe”

0

Mosco(SONNA) War ka soo baxay aqalka Cremilinka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay siweyn uga soo horjeeda in magaalada Qudus loo aqoonsado in ay tahay Caasimadda Israel.

Madaxwaynaha Wadanka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay uu yahay mid meesha ka saaraya wadahadaladii nabadda ee Bariga dhexe.

Mr Putinka Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga,halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa Bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo xoogaysanayay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015,muddo sanad gudihiisa ayaa waxaa dhexmaray 8 kulan labada madaxweyne.

Mudaneyaasha Golaha Shacabka JFS oo loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Xaqsiinta Ciidamada Qaranka

0

Kulanka Mudaneyaasha Golaha Shacanka JFS oo uu shir gudoominayay guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha  Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayay xildhibaanada kusii amba qaadeen ka doodista warbixinta guddiga maaliyadda ee Akhrinta labaad Miisaaniyada sanadka 2018-ka,  waxayna xildhibaanada aragtiyadooda ka dhiibteen warbixinta Miisaaniyada oo ay guddiga iyo Wasaarada iska kaashadeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,wasiiru-dowlaha iyo wasiir kuxiggeenka wasaaradda maaliyadda oo kulanka goob joog ahaa ayaa ka jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanada weydiinayeen oo u badnaa hanaanka loo diyaariyay miisaaniyada  iyo meelaha qaar ee miisaaniyada.

Sidoo kale Xildhibaanada golaha Shacabka,  ayaa maanta loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka sida iyo Hay’daha Qaab Ciidameedka leh sida ku cad Sharciga LR 6 ee soo baxay 31-kii October sanadkii 1969-kii.

Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray,  ayaa sheegay in guddiga Maaliyada ee golaha Shacabka iyo wasaarada Maaliyada oo iskaashanaya ay kasoo wada shaqeyn doonaan aragtiyada xildhibaanada ka dibna dib loogu soo celin doono fadhiga kan xiga ee golaha shacabka.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday Ciidanka ku jira Xerada 54aad

0

 

Garoowe (SONNA), Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi wali  Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay Booqasho ku tagay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa maanta booqday Xerada 54aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxay soo indha indheeyeen wafdiga Taliyaha uu hoggaaminayo qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad  ku jirta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay  inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan, isagoo xusay in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.

 

Maxaabiis Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Maxaabistan oo Tiradooda gaareysay Todobo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xirnaa jaziirada Sechelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana  Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona  dalka halka qofka todobaad la sii dayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsiga lagu xukumay.

Taliyah Ciidanka  Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay  in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Xeerilaaiyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxaabiis kale khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaan  Xukunnada  u dhiman.

Wasiirka Cadaalada Xukumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji  ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaalad oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir uu la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda IMF

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi usocodka Deyn Cafiska ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona Madaxdii Wasaaradda ee uu hogaaminayay Wasiir Bayle ay guul dib ugula soo laabteen Dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hadii sidaan wanaaga ah loogu wado maamulka Maaliyadda Dalka ay dhici doonto in Soomaaliya laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.

Turkiga oo qabanaya kulan sadex geesood ah oo la xiriira amniga

0

Taliyaha ciidamada Turkiga ayaa lagu wadaa in 14-ka bishan uu la kulmo dhigiisa dalka Ciraaq iyo saraakiil ka socota dalka Mareykanka ,sida ay xaqiijiyeen maalinimadii  shalay saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Kulankaasi oo sadex geesood ah waxaa Taliyaha ciidamada Turkiga  oo lagu magacaabo Hulusi Akar, uu dhigiisa dalka Ciraaq Gen. Osman Damini iyo taliyaha Mareykanka u qaabolsan Yurub Curtis M. Scaparrotti  uu kala hadli doonaa  arimo la xiriira xagga ammaanka gobolka

Kulankaasi oo lagu wado in uu ka dhoco xarunta ciidamada dalka Turkiga waxaa kaloo ka qeybgalaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee bartamaha Joseph L. Votel, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ka soo baxay cidamada Turkiga.

Isbadal xooggan oo laga dareemayo Magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusemareeb (SONNA) Ka dib markii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ay Heshiis ku Saxiixdeen Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca kaasoo ku aadanaa midnimada Gobolada dhexe iyo qeybsiga Hanaanka Siyaasadeed ee Galmudug ayaa waxaa Magaalada dhuusamareeb waxaa laga dareemayaa Isbadal xooggan oo dhanka Amniga iyo Nadaafadaba ah.

Maxamed deeq Cabdi Maxmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo kaga soo warama Magaalada dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galguduud ayaa soo sheegaya in magaalada laga dareemayo Isbadal sare oo dhanka Amniga ah iyadoo Ciidmada Gaar ah la dhigay jidadka Magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in dhawaan ay gaaraan Madax kala duwan oo ka socda Dowlada Federaalka, Maamulka Galmudug,Ahlusuna iyo Beesha Caalamka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

Maamulka Degmada Hobyo oo ka hadlay Mashaariic ka socota Hobyo

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Magaale Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay Mashaariic kala duwan oo ka socota Degmada.

C/laahi Axmed Cali Faad ayaa tilmaamay in garoonka Magaalada uu yahay mid shaqeynaaya hada ayna kasoo dagi karaan Diyaaradaha xamuulka ah maadaamada ay ku guulaysteen dhismaha Garoonka.

Waxaa uu sheegay mudane Faad in Magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo ay ka socdaan hirgalinta Xarumo bulshada loogu adeego sida Garoonka Magaalada oo lagu guulaystay Dhismihiisa,Isbitaalka weyn iyo Wadada Isku xirta Magaalooyinka Hobyo iyo Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka G/Hobyo: