daxweynaha Ruushka”Go’aanta Trump ee Qudus wuxuu burburinaya wadahadalada Bariga Dhexe”

Date:

War ka soo baxay aqalka Cremilinka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay siweyn uga soo horjeeda in magaalada Qudus loo aqoonsado in ay tahay Caasimadda Israel.

Madaxwaynaha Wadanka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay uu yahay mid meesha ka saaraya wadahadaladii nabadda ee Bariga dhexe.

Mr Putinka Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga,halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa Bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo xoogaysanayay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015,muddo sanad gudihiisa ayaa waxaa dhexmaray 8 kulan labada madaxweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...