Shirka Wadamada Islaamka ee looga hadlayo Arinta Qudus oo Goordhow Furmay

Date:

Waxaa goordhow magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka deg dega ah oo ay isugu yimaadeen dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo goโ€™aankii Donald Trump uu Caasimada Israaโ€™iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hogaamiyeyaasha 16-dal ย iyo wakiilo ka socda qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa waxaana khudbada furitaanka kaย jeedinaya Madaxweyne Turkiga Erdugan oo ah Shir guddoomiye ah, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu ka laabto Go’aanka uu Qudus ugu aqoonsadayย Caasimada Israa’iil, wuxuuna ugu yeeray Dowladaha iyo Hay’addaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha inay caasimada Falastiin u aqoonsadaan inay tahay Qudus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu khudbad ka tarjumeyso qadiyada Falastiin inuu ka jeediyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israaโ€™iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israaโ€™iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...