Hogaamiyeyaasha Islaamka oo maanta kulan ka yeelanaya go’aankii Donald Trump

Date:

Waxaa maanta ka dhacaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaa dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mowliid Oglo ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in laga aamuso dulmiga ay Israa’iil ku heyso Falastiin, isaga oo balan qaaday in Shirka ay kasoo bixi doonto fariin xooggan oo la xiriirta Qudus.

“Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta ayaa si daciif ah oga fal celiyay arrintaan, sababtoo ah waxa ay qaarkood walaac ka qabaan Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Shirkaan uu noqon doono Turjumaad wax ku ool ah oo Shacuubta Carabta iyo Islaamka ay kaga horimaanayaan talaabada Donal Trump.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Shirkan ayaa la filayaa in aysan u kala harin Hogaamiyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka, waxaana Soomaliya oga qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...