Hogaamiyeyaasha Islaamka oo maanta kulan ka yeelanaya go’aankii Donald Trump

Date:

Waxaa maanta ka dhacaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaa dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mowliid Oglo ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in laga aamuso dulmiga ay Israa’iil ku heyso Falastiin, isaga oo balan qaaday in Shirka ay kasoo bixi doonto fariin xooggan oo la xiriirta Qudus.

“Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta ayaa si daciif ah oga fal celiyay arrintaan, sababtoo ah waxa ay qaarkood walaac ka qabaan Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Shirkaan uu noqon doono Turjumaad wax ku ool ah oo Shacuubta Carabta iyo Islaamka ay kaga horimaanayaan talaabada Donal Trump.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Shirkan ayaa la filayaa in aysan u kala harin Hogaamiyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka, waxaana Soomaliya oga qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...