Home Blog Page 1383

Wasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo Xasiloonida”

0

Muqdisho(SONNA);— Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirada dalalka lagu casuumay shirka,kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigay siday muhiim u tahay in la horumariyo Dhaqanka iyo dalxiiska oo qeyb ka qaata horumarka dal kasta oo caalamka ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhaqanka iyo dalxiiska u leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in Soomaaliya oo ku taalo Geeska Africa ay muhiim u tahay soo nooleynta dhaqanka iyo Dalxiiska,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dalkeena Soomaaliya uu leeyahay goobo caan ah oo dalxiiska ku wanaagsan iyo Jaziirado.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta iyo joogteynta dhaqanka iyo Dalxiiska qeyb ka qaadan karto nabada iyo xasiloonida dalka.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in si deg deg ah loo badbaadiyo 137-Carruur Suuriyaan ah

0

Muqdisho(SONNA);– Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo soo daad gureeyo daraasiin carruur ku xanuunsaneysa deegaanada Mucaaradka ay gacanta ku hayaan ee duleedka caasimadda Dimishiq,iyado wali halkaasi rabashado ay ka jiraan.

Shan carruur ah oo ku noolaa bariga Ghouta ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen,halka 137-kalena ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah,sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay Hay’adda UNICEF.

Carruur da’dooda u dhaxeyso 7 bilood illaa 17 sano,ayaa la soo sheegayaa ineysan u helin karin gargaar caafimaad xaaladaha ay ku sugan yihiin oo kelyaha aan shaqeyneyn iyo macluul aad u daran oo ay ka dhaxleyn colaadaha sii socda.

” Xaalada wey ka sii dareysaa maalinba maalinta ka danbeysa”,ayuu yiri Fran Equiza oo ah Wakiilka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Suuriya.

Mr Fran Equiza oo sii hadlayay ayaa intaasi raaciyay” In nidaamka caafimaad uu ciriiri yahay iyo Dugsiyadii waxbarashada oo ku dhawaad bil xiran” Carruurta xanuunsan ayaa si aad ah ugu baahan gurmad caafimaad,” halka kumanaan kale oo dheeraad ah loo diidan yahay fursadaha si caadi ah carruurnimadooda ugu noolaan lahaayeen,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF u qaabilsan Suuriya.

Bariga Ghouta oo 15-km u jira caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa ciidamada Dowladda waxay ku hareereysan yihiin mudo ku siman afar sano,iyagoo doonaya iney bilaha soo socda si buuxda ula wareegaan.

Dad lagu qiyaasay 400,000-ruux oo ku nool deegaanka ayaa la sheegaa in horay looga jaray gargaarkii bini-aadanimo ay u baahnaayeen tan iyo sanadkii 2013-kii,sida laga soo xigtay Hay’adda UNICEF.

Ku dhawaad 12% carruurta ku nool Bariga Ghouta ayaa ka cabanaya xaalad nafaqo daro ba’an,waana tiradii ugu badneyd oo la diiwaan geliyo tan iyo markii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Suuriya 2011-kii.

Warbixino horay uga soo baxday UNICEF,ayaa lagu sheegay iney kordheen qiimaha la siisto cunada asaasiga u ah dadka rayidka ah iyo Cunada diyaarsan deegaanka Bariga Ghouta oo duleedka ka ah caasimada Dimishiq,taasi oo sii adkeysay xaalada nolosha dadka deegaanka.

 Ugu danbeyntii,Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loogu fasaxo carruurta iney helaan gargaar caafimaad oo deg deg ah si loo yareeyo dhibaatooyinka xaaladaha caafimaad daro ee la soo deristay.

Ciidamo Shacabka ka difaaca dhibaatada Nabad diidka oo la dejiyay inta u dhaxeyso Ceelasha Biyaha iyo Afgooye

0

Muqdisho(SONNA);– Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka Ciidamadaan loo dejiyay halkaasi ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka Kooxda Nabad diidka ay ka geystaan inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Waxayna si gaar ah Ciidanka Xoogga dalka isha ugu heynayaan miinada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab dhulka ku aasayaan taasi oo dhibaato ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku safraya wadada dheer ee xiriirisa Afgooye iyo magaalada Muqdisho iyo iney ka difaacaan weerarada gaadmada ah ee mararka qaar Al-Shabaab soo qaadaan.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo Cudutyo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka kula hadlayay goobta la dejiyay ayaa kula dardaarmay ineysan baari karin gaari dad shacab ah ay saaran yihiin lana hadlin karin shacabka,balse ay xil iska saaraan sidii dhibaatooyinka kooxaha nabad diidka halkaasi ka geystaan looga maareyn lahaa.

Wuxuu sheegay Generaal Caanood in marar badan dhegahooda ay ku soo dhaceen weeraro iyo falal kale oo lid ku ah amaanka iney Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxeysa Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha garteenna iney arintaasi mar kale soo noqon.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dad shacab siyaabooyin kala duwan ugu waxyeeleeyay halkaasi haba ugu badnaadaan waxyeelada shacabka ka soo gaarto miinooyinka sida hagarta ah ugu aasaan wadooyinka inta badan Shacabka ay adeegsadaan.

Ururka Haweenka G/Banaadir oo deeq lacag ah u qeybiyay Ciidamada Amniga Muqdisho+(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA);– Lacago ay iska soo uruuriyeen Haweenka Gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa dhiira gelin looga dhigay Ciidamada ilaalinta magaalada Muqdisho,iyadoo mas’uuliyiin ka socota Haweenka Gobolka Banaadir socdaal ku soo maray qaar ka mid ah Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Isgoysyada Haweenka Gobolka Banaadir ay xalay soo mareen waxaa ka mid ah Balaagsii,Baar ubax,Bakaaraha,Tarabuunka,Soobe,Numbar 4 iyo kuwa kale oo ay Ciidamada qaabilsan nabad galyada Muqdisho ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,Jawaahir Barqab oo ay wehlinayeen Guddoomiyeyaasha Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in deeqda lacagta ah ugu talagaleen iney ku dhiira geliyaan Ciidanka heeganka ku ah shaqada iyo iney dareesiiyaan iney la qeybsanayaan dhaxanta ay u joogaan difaaca shacabka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale,Jawaahir Barqab ayaa sheegtay in astaanka Qaranka ugu horeeyaan Ciidamada loona baahan yahay in mar waliba laga war hayo.

Ciidamada ilaalinta amniga magaalada Muqdisho ayaa dadaal badan geliyay sidii shacabka Muqdisho ugu noolaan lahaayeen deganaasho iyo iney ka hortagaan kooxaha nabad diidka ee caadeystay iney dhiiga shacabka si fudud ku daadiyaan.

Maleeshiyada Alshabaab oo Gawaari ku rarnayd Badeeco Ganacsi ku Gubay G/Hiiraan

0

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen gawaari ku rarnayd badeeco ganacsi xili ay marayeen deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa gubay ilaa 6 gaari oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed,kuwaasi oo ku sii jeeday Gobolada Bay,Bokool iyo deegaano katirsan ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,Sida ay SONNA u sheegeen dadka deegaanka.

Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa ah deegaanka lagu magacaabo Maroodiile oo khayaas ahaantii 25 KM u jira magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoo u adeegsaday Baasuukayaal iyo Basiin si ay u gubaan dhamaan 6 gaari iyo badeecadda saarnayd.

Waxaa iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmaray Maleeshiyada Alshabaab iyo dadka deegaanka,Al-shabaab ayaa la sheegay in halkaasi looga dilay ilaa 4 qof.

Wariyaheena Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegayaa in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saaka ka amba bexeen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,kuwaasi oo howlgalo ka wada deegaankii ay Shabaabku ku gubeen gawaarida.

Maleeshiyada Shabaab ayaa Deegaanka Maroodiile ee G/Hiiraan ku gubay 6 gaari oo ku rarnaa badeeco ganacsi,iyadoo C.X.D ay saaka howlgalo ka wadaan deegaankaasi

Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo maanta ka furmaya dalka Cumaan

0

Muqdisho(SONNA);– Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cuman ka furmaya shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo diirada lagu saarayo horumarinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa socon doona 11-12-ka bishan December,waxaana inta uu socdo lagu lafa gurayaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.

Soomaaliya oo qeyb ka ah shirkaan ayaa waxaa uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow,waxaana Wasiirka shirka ku wehliya Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay’ada Dalxiiska Adduunka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng,Yariisow ayaa lagu wadaa in shirka uu ku soo bandhigo fursadaha Soomaaliya ee dhinaca dalxiiska iyo caqabadaha ka hortaagan iney horumariyaan Dhaqanka iyo Dalxiiska,isagoo si gaar ah diirada u saari doona horumarada sanadihii ugu danbeeyay laga gaaray dhinaca dalxiiska.

Dhanka kale,Wasiirka Warfaafinta ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.

Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka doodaya ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018

0

Muqdisho(SONNA) Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taasi oo dhawaan Wasaaradda Maaliyadda ay horgeysay Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha SHacabka ayaa la filayaa in dooda kadib ay ansixiyaan miisaaniyadda Dowladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha Dowladda.

Miisaniyadda Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo Dollar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha SHacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa fasax galaya marka la gaaro 16 Bishan December,sida uu horey u sheegay guddoonka Golaha Shacabka.

Antonio Guterress”Go’aanka Trump wuxuu hurinayaa colaada Bariga Dhexe

0

Antonio Guterres’Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegay in go’aanka maamulka madaxwayne Trump ay Qudus ugu aqoonsadeen caasimadda Israa’iil ay tahay mid aan nabada gobolka u waanagsanayn,isagoo ka digay in arintaasi ay ka dhalan karto awaaqib xumo.

Wuxuu sheegay Mr Guterres in arintani ay wiiqeyso hanaankii geedi socodka Nabadda ee Bariga Dhexe,ee Falastiin iyo Israel,waxaana hadalkani uu jeediayaay mar uu u waramayaya Televeshinka CNN ee laga leeyahay Dalka Mareykanka.

Hadalkan ka soo baxay Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterress ayaa imaanaya iyadoo dhamaan hoggaamiyaasha Muslimiinta ee Caalamka iyo kuwa kale oo ee Reer Galbeedku ay siweyn uga horyimaadeen go’aanka Trmp.

Dowladaha qaarkood ayaa diyaariyay ciidamo ay ugu magac dareen xoreynta Magaalada barakaysan ee Qudus,Dwoladda Malaysia aya la sheegay in ay diyaarisay ciidamo gaar ah oo loogu magac daray Difaaca Qudus,taasi oo ku dareensiinaysa in carada qy muujiyaan shucuubta Islaamka ee Dunida ay  sii kordhayso.

Somalia oo ka qeybgaleysa Shirka Caalmiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ka dhacaya dalka Cumaan

0

Muscat, 10 December 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa waxaa ku wehliya booqashadan Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska. Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay’ada Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.
Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo. Yarisow ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan in ka badan 150 shirkadaha iibiya tikidhada (Travel Agency), ayna jiraan diyaarado Soomaali leeyihiin oo si joogta ah u duulimaada, iyadoo diyaarada Turkish Airlines ay maalin walba tagto Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Qurbo-joogta ay dalka u soo dalxiistagaan isla markaasna Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay dhiirigelin doonto in qoysaska Soomaalida ee Qurbaha la keeno dalka si ay u bartaan dhaqankooda, dhalinyarada dalka gudihiisa joogtana shaqo ugu abuuraan.
Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo goob Istraatejiyad ah ayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, leedahayna labo webi, iyadoo kheyraad badan uu ka buuxo dalka, laakin loo baahanyahay maalgashi caalami ah si dalka uu horumar ballaaran u gaaro. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya waxey leedahay goobo dalxiiska ku habboon oo deegaan walba laga heli karo goob aad u qurxoon, iyadoo jawiga iyo neecowda Soomaaliya tahay mid aad ugu habboon dalxiiska. Wasiirka ayaa ka codsaday UNWTO iyo UNESCO inay Somalia ka saacidaan dejinta Istraatejiyada Dalxiiska iyo qorsheyaasha si dhaqso leh loogu soo celin karo dalxiiska Soomaaliya.”

Wasiirka Difaaca Malaysia” Ciidamadeena waxay diyaar u yihiin Difaaca Qudus”

0

Muqdisho(SONNA);-– Wasiirka Difaaca Malaysia, Hishammuddin Hussein ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda rasmiga ee Israel ay tahay dharbaaxo Wejiga kaga dhacday Maslimiinta Aduunka oo dhan,isagoo tilmaamay in Militariga dalka uu diyaar u yahay inuu guto waajibaadkiisa haddii loo baahdo.

”  Ciidamada Hubeysan ee Malaysia (ATM),had iyo jeer waa diyaar,keliya waxay sugayaan amar kaga yimaada Hogaanka sare”,sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Malaysia ee Bernama u sheegay Hishammuddin Hussein oo ah Wasiirka Difaaca dalkaasi.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiir Hussein” Aan u barino in Khilaafka uusan horseedin Fowdo”,

Waxaa dad careysan ay banaannbaxo ay ka dhigeen safaaradaha Mareynkanka uu ku leeyahay dalalka Turkiga,Masar,Jordan,Tunisia,Algeria,Irag iyo wadamo badan oo caalamka ka mid ah,waxayna ka gil gisheen go’aanka qaldan uu qaatay madaxweynaha Mareynkanka ee Donald Trump.

Maanta oo Axad ah ayaa ku dhawaad 10,000  dad Induniisiyaan ah ku hor banaanbaxay banaanka hore ee safaarada Mareynkanka uu ku leeyahay caasimadda Jakarta,iyagoo taageero u muujinayo shacabka Falastiiniyiinta,sida AFP ku warantay.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin” diblomaasiyiinta Mareynkanka haka baxaan Qudus” xoreeya Jeruslem iyo Falastiin,” Waxaan garab taaganahay Shacabka Falastiin.