Home Blog Page 1382

Araday deeq waxbarasho ka heshay Masar oo manta ka anba baxay Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA)-Garoonka Magaalada muqdisho waxa maanta ka ambabaxay 76 arday kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Masar waxaana Garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay  Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed Qadar, Wasiir DoWlaha Wasaarada Wax barashada iyo Masuuliyiin kale uu kamid ahaa safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Ilyees Shekh Cumar ooku wehliyay safarka ardaydaasi.

Lacagta ku baxday diyaaradaasi oo qaaday ardayda ayaa waxaa bixiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ugu talagalay in uu ku dhiiro geliyo ardaydaasi,waxana uga mahadceliyeen madaxweynaha Soomaaliya sida uu u garab istaagay maadaam aan awoodin in kharshaadkaasi ay iska bixiyaan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdule Jaabir oo la hadlaya war baahinta  ayaa u mahad celiyay Dowlada masar oo Ardaydaan siisay deeqdan waxbarsho.

Sidokale Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled Qadar ayaa sheegay tiradaan Arday manta baxeysa in ay tahay tii ugu badneyd ee Dalk Masar loo Qaado Qarashka Diyaardana uu bixinayo Madaxweynaha  Dowlada soomaliya.

Dhinace kale wafdi uu huggaaminayo Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Xukumada Soomaaliya iyo Masuulinya ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka Masar si uu uga qeyb galo shir ay isugu imanayaan Madaxada  ilaa 13 dal oo ka kala socda Caalamka.

Golaha shacabka JFS oo maanta akhrintii labaad mariyey hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha

0

Kulanka guud ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa maanta ka dooday hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha, waxaana  ugu horreyn guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka uu golaha warbixin ka siiyay qorshaha gudiga Maaliyada ee inta ka harsan kalfadhigan.

Guddoomiyaha golaha shacabka,  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in guddiyada kale ee golaha looga baahanyahay in qorshayaashooda ay soo gudbiyaan.

guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha Shacabka, ayaa golaha ka hor jeediyay warbixinta hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha oo horey akhrinta koowaad loo marsiiyay, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Axmed Abtidoon oo xubin ka ah guddiga, isagoo golaha ka codsaday in la ansixiyo.

intaasi ka dib guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha shacabka, Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey,  ayaa ka hadlay muhiimadda sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidoo wabiyada dalkeena mara.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa sheegay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo biyo nadiif,  sidaasi daraadeedna uu sharcigan muhiim yahay.

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dowladda Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, ayaa u mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise sharciyedkan guddiga iyo wasaaradda looga baahanyahay in ay kusoo daraan wixii aragtiyo ah oo ay xildhibaada soo jeediyeen, si loo ansixiyo kulanka kan xigga.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare

0

Kulankan oo ay Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesheen Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo Doha kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee Qatar

0

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi  kusoo qoray.

Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

Golaha shacabka JFS oo maanta akhrintii labaad mariyey hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka guud ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa maanta ka dooday hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha, waxaana  ugu horreyn guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka uu golaha warbixin ka siiyay qorshaha gudiga Maaliyada ee inta ka harsan kalfadhigan.

Guddoomiyaha golaha shacabka,  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in guddiyada kale ee golaha looga baahanyahay in qorshayaashooda ay soo gudbiyaan.

guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha Shacabka, ayaa golaha ka hor jeediyay warbixinta hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha oo horey akhrinta koowaad loo marsiiyay, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Axmed Abtidoon oo xubin ka ah guddiga, isagoo golaha ka codsaday in la ansixiyo.

intaasi ka dib guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha shacabka, Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey,  ayaa ka hadlay muhiimadda sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidoo wabiyada dalkeena mara.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa sheegay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo biyo nadiif,  sidaasi daraadeedna uu sharcigan muhiim yahay.

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dowladda Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, ayaa u mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise sharciyedkan guddiga iyo wasaaradda looga baahanyahay in ay kusoo daraan wixii aragtiyo ah oo ay xildhibaada soo jeediyeen, si loo ansixiyo kulanka kan xigga.

 

 

 

 

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo Doha kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee Qatar “Sawirro”

0

Doha (SONNA),  Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi  kusoo qoray.

Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

 

 

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Kulankan oo ay Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesheen Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

(Faallo) Wadatashigu Waa Udub-dhexaadka Nabadda Iyo Horumarka Dalka.

0

In la yeesho kulamo wadatashi ah ama kuwo xal raadin ah waa sida keliya ee loo wajihi karo khilaaf kasta oo hareeya habsami u socodka howlaha dowladdnimo,waxaana arintaasi la gaari karaa marka la helo hogmiyaal iyo bulsho mideysan oo diyaar u ah waxqabad dhab ah oo ku aadan horumarka dalka.

waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo u soo bidhaamaya dadka Soomaaliyeed,bacdamaa lagu guuleystay in ay isu soo dhowaadeen maamulada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,isla markaana la xoojiyay is fahamka iyo wada shaqaynta la filan karo in ay la yimaadaan dhinacyadaasi

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gunaanaday kulan xasaasi ah oo looga hadlaayey,nabadgelyada dalka, Ciribtirka Argagixisada,Horumarinta hannaanka Federaalaynta,dib-u-eegista Dastuurka ,Geedi socodka Doorashada 2020,wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Goboleedyada iyo qodobo kale.

Kulankaasi oo muddo todobaad ah socday waxaa ka qeybgalay Madaxda dowladda Federaalka ah,kan dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale,iyadoo gunaanadkii ay ka soo baxeen qodobbo dhowr ah oo xal u noqon kara arimaha dalka,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda,amniga,federaalka,doorashooyinka,dib u eegista dastuurka iyo mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadan.

Khudbadihii ay gabagabadii kulankaasi wadatashiga ah ka jeediyeen madaxda dalka heer federal iyo heerdowlad goboleed ,waxaa ka muuqda in meel qura looga soo wada jeestay sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliya,isla markaana loo gaari lahaa horumar taam ah oo dhinacyo badan.

In meel la iska dhigo khilaafka gaarka ah ,loona gudbo midnimo dhab ah oo lagu wada shaqeeyo ,waxa uu ahaa qodobka kaliya ee ay daneynayeen bulshada Soomaaliyeed oo u ooman nabad iyo kala dambeyn laga hirgaliyo guud ahaan dalka.

Kulamada Wadatashiga ah ee xilligaan,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo rajada  dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud, gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Kulankaan wadatashiga ah ayaa ku yimid biseyl ay la yimaadeen hogaamiyaasha dalka, kadib kolkii la is-tusay in laga gudbo caqabadaha iyo turaanturooyinka wiiqi kara  geedi socodka arimaha dalka.

Go’aamadii ka soo baxay shirka wada tashiga oo lahaa ahmiyad gaar ah,waxaa lagu dhameystiray dodo iyo khilaaf kooban oo muddo horyiillay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,iyadoo wadatashiggoodu uu ka muuqday  soo afjaridda wax kasta oo ragadin kara arimaha dalka iyo habsami u socodsiinta  howlaha ku saabsan xaga hiigsiga cusub .

Inta badan shirarka wadatashiga ah, waa kuwo u dhacay  si wanaagsan  oo qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeeyay in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada saameeya masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka isfahamka  dhabta ah ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in uu yahay tallaabo horumar ah oo loo qaaday xalka Soomaaliya.hasayeeshee waxaa la isweydiiyay ama shaki laga muujiyay halka uu ku dambeeyay kaalintii iyo maqaamkii caasimadda dalka ay ku laheyd shirarka wadatashigga ah.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Ururka ESESCO oo cambeereeyey gantaalkii maleeshiyada xuutiyiintu ku rideen dalka Sacuudiga

0

Muqdisho (SONNA) Ururka islaamka u qaabilsan Culuumta waxbarashada iyo dhaqanka ee magaciisa la yiraahdo ESESCO ayaa cambaareeyay gantaal nooca loo yaqaan balaastiga kaas oo Maleeshiyada xuutiyiinta ka dagaalanta wadanka Yeman shalay ay ku duqayn Rabeen magalaada Riyaad gantaalkaasoo ciidamada difaaca cirka Sacuudi Arabiya ku Guulaysteen inay burburiyaan intaanu soo gaarin dhulka, Sida uu sheegay xoghaya guud ee uruka ESESCO DR Cabdicasiis Binu Cosmaan.

Hadii Maleeshiyada Xuutiyiintu ka dambeeyeen gantaalka lala doonayay magaalada Riyaad waa dambi culus waana halis kusoo socotey amaanka iyo nabad galyada dadka Muwaadintiinta waana xad gudub foolxun oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah

Sidoo kale ururka ESESCO ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka qaado talaabo Degdeg ah, isla markaana aan loo ogolaan inay gacanta kusii hayaan talada dalka Yeman Xukunkana dib loogu celiyo dawladii sharciga ahayd ee caalamku Aqoonsanyahay si amaankii iyo kala dambayntii ugu soo noqoto wadanka Yeman.

Munaasabad loogu dabaal dagayay Midowgii Ciidamada Talyaaniga iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SONNA) Xafladan ayaa waxaa lagu maamuusayey Sanadguuradii kasoo wareegatay markii la mideeyay Ciidamada Talyaaniga iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegneyd Afarta Bishan Novembar.

S/sare Carlo Emiliani u qaybsanaha arimaha Ciidamada Talyaaniga u joogo Soomaaliya ayaa sheegay in maalin weyn ay u tahay Dowlada Talyaaniga iyo shacabkeeda.

Safiirka Dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Carlo Campanile ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in munaasabadaan ay ku qabtaan Soomaaliya, maadaama ay ka mid tahay sida uu yiri dalalka xiriirka soo jireenka la leh Talyaaniga.

Wadsiir ku xigeenka  wasaaradda Gaashaandhiga C/llaahi Colaad Rooble ayaa ugu hambalyeey Dawladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda maalintan, wuxuuna Talyaaniga ku amaanay sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo sheegay in kaalin weyn ka qaadanayaan dib u dhiska dalka.

Ciidamada Talyaaniga ayaa waxaa ay u kala qaybsanaayeen waqooyi iyo Koofur taasoo talyaaniga ka dhigtay laba qaybood waxaana weli la dareemayaa kala qaybsanaantaasi.