Home Blog Page 1382

Madaxweyne Farmajo oo lagu so dhaweeyey Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey  magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaasi oo ka furmaya shirka madaxda wadamada Islaamka oo looga arrinsanayo qadiyadda Magaalada Barakaysan ee Qudus.

Wafdiga madaxweyn aha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga,waxaana ku soo dhawereyey diblomaasiyiinta Safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.

Hoggaamiyaasha wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay kujirto ayaa lafilayaa in ay shirkooda ka soo saaraan go’aano deg deg ah oo ku aadan arrinta Qudus.

Waxaa shirkan deg dega ah ee arrinta  Qudus 6dii bishaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil,iyo jawaabta ay kabixintoonto Dunida Islaamka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxmed Axmed ayaa  sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”Ayuu yiri C/nuur.

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

Wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel waxaa marqura caro xoogan muujiyay dhamaan shucuubta muslimiinta ah ee caalamka ku nool,waxaa bilowday bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka qaldan ee uu qaatay madaxweyne Trmp.

Ruushka oo ciidamadiisa kala baxaya Syria.

0

Syria(SONNA) War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay ciidamadeeda kalabaxaysa Dalka Syria,iyadoo haatan uu Ruushku ku dhaqaaqay talaabadii ugu horeysay oo ah in uu qaar ka mid ah ciidammadiisa kala baxo dalka Suuriya, sida uu Isniintii shaaciyay wasiirka arrimaha difaaca Sergei Shoigu.

Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka ayaa wuxuu amaray ku bixiyay in ciidammadu ay qayb ahaan u baxaan ka dib markii uu booqasho aan la sii shaacinin ku tagay Suuriya Isniintii.

Taageerada Ruushka ayaa muhiim u ahayd in ciidammada dawladda ee Suuriya oo uu hogaaminayo madaxweyne Bashaar Al Asad in ay ku gacan sarrayso dagaalka ka socoda Dalka Syria.

Lama oga ujeedada lasmiga ah ee ka dambeysay amarkani,balse Madaxweynaha Vladamir Putin ayaa ka bixid noocaas oo kale ah ku dhawaaqay sannadkii hore laakiin milatariga Ruushka ayaa sii waday hawlgalladiisa.

Markii la waydiiyay wakhtiga ay ciidammada Ruushka ku qaadan doonto in ay wada baxaan, wuxuu ku jawaabay “waxay ku xirnaan doontaa xaaladda” Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Bashaar kula kulmay Saldhigga Ruushka ee Hmeimim ee u dhaw Latakia,iyagoo kawada hadlay arrimaha Dalka Syria iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalada halkaasi ka socda.

Putin ayaa yiri: “Waxaan ku amray wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidammada qalabka sida in ay billaabaan in ay ciidamma ka saaraan Suuriya si ay u gaaraan saldhigyadoodii rasmiga ahaa,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Russian RIA Novosti.

“Waxaan go’aan ku gaaray in tiro muhiim ah oo ka mid ah ciidammada Ruushka ee ku sugan Suuriya in ay ku laabtaan dalkoodii Ruushka.” Ayuuna intaas ku sii daray.

Wasiir Eng. Yarisow oo si kulul u cambaareeyey dilka Wariye Maxamed Ibrahim Gabow

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa ILLeyhu Raajicuun, waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii, bahda saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey marxuumka. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa si kulul u cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yiri “Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gabow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha. Marxuumka waxuu ahaa aqoonyahay Jaamicad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal wanaagsan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dambiilayaasha ay baxsadaan oo bulshada ku dhex-dhuuntaan. “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii kooxaha argagaxisada dalka looga sifeyn lahaa si shacabka ay u helaan ammaan iyo nabadgelyo la isku haleyn karo. Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka ayaana sameynaya baaris dhab ah si sharciga loo horgeeyo dambiilayaasha. Waxaa dhammaaday waqtigii shaqsi intuu dambi galo baxsada, waxaana sameyn doonaa tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng. Yarisow

 

Madaxweyne Farmaajo oo dalka Turkiga kaga qeyb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

0

Muqdisho, Disembar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ).

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.”

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda Guddiga 5-sano soo socota+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka shanta sano soo socota oo qeexesa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ,diyaaarinta sharciyada doorashooyinka,wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diwaangalinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta axsaabta ,waxaana sidookale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Somaaliya iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta dowladda federaalka ah ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubnaha Guddiga madaxabanana ee doorashooyinka iyo wakiilo kaoscday Beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Somaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

“Anaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor ,mudadaas 47-da sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaa tarjunno luqadda doorashooyinka waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan arajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod ,xor iyo xalaal ah”

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qm u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qm ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran ee  madaxa banaan.

“waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay QM inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Somaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Thaabit cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

Wasiirka Wasaardda Qorheynta Dowladda federaalka mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri

“Guddiga doorahooyinka qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sidaa istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha hormarinta qaranka iyo dastuurka dalka ,marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo”

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo sidoo kale katirsan xubnihii kasocday axsaabta siysaadeed ayaa shacabka Somaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaalada uu guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada iyadoo dhawaan guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-xisbi oo kamid ah ururada siyaasadeed ee dalka ka jira.

W/D: Cumar Xasan Cali

Mudanayaasha Golaha shacabka oo Akhrinti labaad mariyay Miisaaniyada Dowladda ee 2018

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka mudanayaasha golaha shacabka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn golaha waxa uu ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaaladda jerusalem ugu aqoonsaday caasimada Isra’iil ,waxaana gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in go’aanka dowalda Mareykanka uu halis ku yahay dadaalada nabada ee Mareykanka uu ka waday Palestine iyo Isra’iil  iyo guud ahaan amaanka Gobolka, isagoo sheegay in golaha shacabka uu arintaas qaraar  kasoo saari doono.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad c/lla Cawad ayaa soo jeediyay in arintaas qaraar laga dhigo Xildhibaanada arimahaasi aadka u yaqaanana looga baahanyahay in gudiga arimaha dibada arimahaasi kala shaqeeyaan

Intaasi ka dib gudiga maaliyada ee golaha shacabka ayaa golaha ka hor aqriyay warbixinta gudiga ee odoroska miisaaniyada qaranka ee sanadka 2018-ka waxaana golaha ka hor akhriyay Gudoomiye Kuxigeenka gudiga Miisaaniyada ee Golaha shacabka,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Prof  C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow.

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka aragtidooda ka dhiibtay warbixinta gudiga iyo wasaaradda maaliyada ee miisaaniyada 2018-ka

Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudiga arimaha dibada ee Baarlamaanka looga baahanyahay in qaraarka ay si deg deg ah usoo diyaariyaan,gudiga dastuurka ee golaha shacabkana uu warbixintiisa  golaha hor keeno ,waxaana gudoomiyaha uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada golaha shacabka lagula xisaabtami doono howlaha ay shacabka u hayaan.

Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

0

Muqdisho (SONNA) Aqoon isweydaarsigan kusaabsanaa la socodka iyo islaxisaabtanka howlaha Booliska oo soocnayay laba maalmood ayaa waxaa maanta soo xiray wasiirkuxigeenka wasaradda amniga xukumada soomaaliya

Waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka kala socday maamul goboledyada dalka, Saraakiil sare oo katirsan Taliska ciidanka Booliiska, Maamulka gobolka Banaadir, Xafiiska Hanti dhowrka xeerilaalinta shaqaalaha wasaaradda iyo ururada bulshada rayidka.

Maalmaha uu socday aqoon is weydaarsiga ayaa xubnahii kaqeybgalay waxay kadooden habka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo isla xisaabtan dhab ah iyadoo qodobo dhowr ah laga soo saaray inti uu socday aqoon is weydaarsiga.

Xildhibaan Maxamed Cabdule Geesey oo ka mid ah guddiga amniga Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ahmiyada la siiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga Cabdi naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay aqoon is weydaarsiga ay muhiim u yihiin howlaha Booliska.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Turkiga+SAWIRRO

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulan gaar ah magaalada Masqad ee dalka Cumaan kula yeeshay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mudane Numan Kurtulmuş.

Eng, Yariisow ayaa uga mahad celiyay wasiirka Mashruucyada hormarineed oo dowlada Turkiga ay ka wado Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna is weydaarsadeen arimo ku saabsan dhaqanka iyo dalxiiska labada dal.

Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mundane Numan Kurtulmuş ayaa balanqaaday in wasaaradiisa ay fiira gaar ah u yeelan doonto dib usoo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aad u qurux badan oo ku haboon dalxiiska.

Magaalada Masqad ee dalka Cumaan waxaa maanta ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo looga hadlayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

Maamulka G/Hiiraan oo Qorsheynaya Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Muqdisho(SONNA);– Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cusmaan Muumin oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa shaaca ka qaaday iney dhawaan howlgal ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,kaasi oo la doonayo in looga sifeeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

“Waxaa saacadaha soo socda bilaaban doonaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka soo galay deegaanada hoos yimaad Gobolka Hiiraan,umana dul qaadan doono in horteena maalin walba dad shacab ah ku dhibaateeyaan”, ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan.

Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ayaa la sheegay in shalay gelinkii danbe ay gubeen ilaa iyo shan gaadiid oo badeeco ganacsi u siday degmooyinka ay go’doomiyeen ee Gobollada Hiiraan iyo Bakool,waxaana sidoo kale marar badan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weeraro gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid oo galbinayo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa wada howlgal lagu ciribtirayo Al-Shabaabka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka,waxaana soo baxaya khilaaf xoogan oo hareeyay madaxda ugu sareysa Ururka Al-Shabaab,kaasi oo hadda maraya meeshii ugu xumeyd.

Wasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo Xasiloonida”

0

Muqdisho(SONNA);— Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirada dalalka lagu casuumay shirka,kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigay siday muhiim u tahay in la horumariyo Dhaqanka iyo dalxiiska oo qeyb ka qaata horumarka dal kasta oo caalamka ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhaqanka iyo dalxiiska u leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in Soomaaliya oo ku taalo Geeska Africa ay muhiim u tahay soo nooleynta dhaqanka iyo Dalxiiska,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dalkeena Soomaaliya uu leeyahay goobo caan ah oo dalxiiska ku wanaagsan iyo Jaziirado.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta iyo joogteynta dhaqanka iyo Dalxiiska qeyb ka qaadan karto nabada iyo xasiloonida dalka.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.