Madaxweyne Farmaajo “Jamacaddani waa in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug”

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka faa’iideysan karaan ardayda danyarta ah balse looga baahanyahay shacabka in ay ka qeyb qaataan sidii dhalinyarada loogu abuuro lahaa jawi ku haboon Waxbarashada.

“Maanta waxaan halka ka hirgelinay faraca Jaamacadda Umadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug. waxaan jecelnahay in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug.”

Madaxweynaha ayaa uga digay ardeyda iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhaqanka qabyaaladda iyo in ay ku han-jabaan duruufaha ku xeeran noolashooda.

“Qarniga aan ku jirno ma ahan mid qabiil, ogsoonaada qof qabyaalad ku dhaqmaya ma ahan qof ilbaxnimo leh. Dhallinyaroow waxa jidka saaran waa mustaqbalkiinna. Idinka ayaa la rabaa hadii aad aragtaan magaalo u kala xiran hab qabyaaladeysan in aad diidaan.”

Dhanka kale, Madaxweyne Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qado sharaf waxaa ugu sameeyey duleedka magaalada Caabudwaaq Ugaas Axmed Ugaas Barre Ugaas Cali oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa marti qaadkan ku wehelinayey Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...