Home Blog Page 1384

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka jawaabtay eedeymo ay soo jeediyeen Ciyaartoyda Jubbaland+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Kulankan qado sharafta ahaa oo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay qeybaha kaladuwan ee Warbaahinta ayaa looga hadlayay habsami u socodka tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka socoda magaalada Muqdisho iyo dowrka Warbaahinta ay ka qaadan karto in bulshadu ay u tabiso ciyaarahaasi.

Kulanka kadib Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo lahadashey suxufiyiintii ka qeybgashey kulankaasi ayaa waxaa ay u soo bandhigtay cabashooyin ay soo gudbiyeen ciyaartoyda Jubbaland,taasi oo ahayd in koxda Kubadda Cagta ee Banaadir uu u dheeley ciyaaryahay dhalashidiisu ay tahay Kenyati.

“Guddiga dishibiliinka iyo aadaabta SFF markuu dib u eegey eedeymahaasi oo soo baray waxaa uu soo saarey go’aanadan,

1: In ciyaaryahanka la yiraahdo CabndiMajiid Cusmaan Ibraahim(N0.9) oo katirsan ciyaartoyda Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir uusan ahayn Ajanabi uuna ka qeybgalikaro dhamaan tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

2: Waxaan dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka lagu wargelinayaa in ay ka qeybqaadan karaan qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ha heysto Bassbor nuucuu doono ha ahaado ayay tiri,” ayaay tiri Wasiirka Khadiijo Maxmed Diiriye.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmayaa xili ciyaartoyda Jubbaland ay cabasho ka keeneen ciyaar yahanka N0.9 uga ciyaarah Banaadir,kadib ciyaartii furitaanka oo halkaasi ku dhexmartay.

Guddoomiye Jawaari oo ka qeybgalay munaasabad ay ku qalinjebinayeen arday dhameysatay heerka 1-aad ee waxbarashada Jaamacadda

0

Muqdisho(SONNA):– Munaasabadaan  oo ay ku qalin jabinayeen  in kabadan 500 oo arday  oo dhameysatay  waxbarashada  kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda  Somali International  University  (SIU) kaasi oo  uu soo qaban qaabiyay  Maamulka Jaamacada  SIU ayaa lagu qabtay Magaalada  Muqdisho

Munaasabada  ayaa  waxaa ka soo qeyb galay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Jamaacada SIU, Waalidiin,  Macalimiinta wax ka dhiga jamacadda  Aradyda wax ka barta Jaamacadda SIU  iyo marti sharaf kale

Xasan Xuseen Gutaale oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa  u mahad celiyay  Maamulka iyo macalimiinta  Jaamacadda  SIU sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaateen wax barashada  Ardayda soomaaliyeed.

Madaxa Xiriirka  Caalamiga ee Arimaha Dibadda Dr. Andraw Okela oo ka socday Jaamacada Makareeri ee dalka Uganda ayaa  ka hadlay  muhiimada xiriirka labada jaamacadood  ee Makareeri iyo SIU.

Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU), Shaafici Diiriye  Cabdi ayaa ka warbixiyay tirada ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda  iyo kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen.

Wuxuuna sheegay in tirada ardayda qalin jabisay ay gaarayaan in ka badan 500-Arday,kuwaasi oo dhameystay kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan  ayaa ku  booriyay ardayda  ka qalin jabineysa jaamacadda in ay sii laba laabaan wax barashadooda  isla markaana ku dadaalaan horumarka dalkooda hooyo

Gabagabadii munaasabada ayaa wax shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardayda dhameysatay waxbarashada heerka  koowaad ee jaamacadda.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqul insaanka+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA);– Iyadoo maanta ay ku beegan tahey maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha oo sanad kasta dunidu u dabaal dagto 10-ka Decembar ayaa maanta lagu qabtay munaasabad xuska lagu muujinaayo xarun ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana  soo qaban qaabiyeen 6-Urur oo u dhaq dhaqaaqa horumarinta dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee xuquuqul insaanka oo hoostaga Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM.

C/qaadir sheikh Cabdi-wahaab oo ka mid ahaa Ururada xuskaan soo qaban qaabiyey ayaa ka shekeeyey dhibaatooyinka horyaala dadka qaba baahiyaha gaarka ah,wuxuuna dhanka kale sheegay in sanadkaan la dareemayo horumar dhanka dadka baahiyaha gaarka qaba ah.

Xabiibo Xasan Maxamed oo ah madaxa xarunta Barakacayaasha kulankaan goob joog u ahaa iyo Muno Xasan Axlaam oo iyana ka mid ah dhalinyaro u dhaq dhaqaaqda Xuquuqul insaanka ayaa ka hadlay ahmiyada ay maalintaan u leedahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee bulshada ku dhex nool.

Waxay si wada jir ah u qeexeen iney jiraan dad fara badan oo baahiya gaar ah qaba oo hadana aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen,balse ay jirto la tacaalid kooban.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ),Maxamed ibraahim Macalimu oo hadal kooban madasha ka jeediyay ayaa sheegay in sanadkaan wariyeyaal badan in xadgudub ka dhan ah bini-aadanimada lagula kacay.

Waxaa sidoo kale,Xuskaan uu ka dhacay xarunta dhismihii Jaamacadda Gaheyr oo ay hada dhex dagan yihiin dad barakacayaal ah oo qaba baahiyaha gaarka ah qaba oo ka waramay siday hadda xaaladooda tahay.

Munaasabad lagu Xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda aadanaha oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA);– Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha  ayaa ah mid  bulshada looga wacyi gelinaayo  ilaaalinta  iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha  iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah, waxaana munaasabadda goob joog ka ah Wasiirka Wasaradda Haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Deeqo Yaasin Xaaji Yuusuf,Xilidhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare  Agaasimaha Guud ee Wasaradda Hawenka iyo  Ururada Bulshada Rayidka

Sanadki 1948-kii ayey aheyd markii shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay  la isugu raacay in 10-ka December  ay tahay maalinta caalamiga ee dhowrista xuquuqda Aadanaha,iyadoo sanad walba aduunka si weyn looga xuso.

Agaasimaha Guud  ee Wasaradda Hawenka iyo Horamarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha,isagoo carabka ku adkeeyay in maalintaan ay muhiimad ah gaar ah u leedahay shacabka gaar ahaan dhowrista xuquuqdooda.

Sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadahii hore ee munaasabadda xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanha,iyadoo Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in sanad walba la xuso haldoorka kaalinta weyn ka qaata horumarinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha,waxaana munaasabada inta ay socotay loogu duceeyay Alle ha u naxariistee Ambassador Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari bari oo kaalin mug leh ka qaatay dhowrista Xuquuqda Aadanaha.

Xildhibaanad Canad Axmed Cilmi oo ka tirsan Guddiga Xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka ayaa sheegtay inuu meel wanaagsan marayo sharciga Xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay u helaan xuquuqdooda.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqo Yaasiin Yuusuf oo ka hadlay gabagabada Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay iney wadaan dhameystirka Guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Kumanaan Israa’iiliyiin ah oo mudaaharaadyo ka sameeyay Tel Aviv.

0

Muqdisho -(SONNA)- Isu soo bax looga soo hojeedo maamul xumida
Xukumadda Israa’iil ayaa ka socoda Magaalada Tel Aviv, iyadoo ay ka
qeyb galeen kumanaan qof oo Israa’liliyiin ah oo wato  boorar ay kaga soo
horjeedeen kuna  qornaayeen erayo ka tarjumaya sida ay uga so horjeedaan
maamul xumida iyo Musuqa Xukuumada R/wasaare Benjamin Netanyahu.

Boorarka ay dibad-baxyaashaasi wateen ayaa waxaa ku qornaa Midig iyo
bidix midna maya,balse waxaa codsdanaynaa inTalaabo laga qaado Mamulka
Xukuumadda R/wasaare Benjamin Netanyahu.

Isu soo baxaasi oo galay Todobadkiisi Labaad waxay banaan-baxyaashaasi
ka cabanaya wax isdabamarinta iyo musuqa Xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay iskana fogeeyay musuqa lagu eedayay Xukuumadiisa,balse dibadbaxyaasha ayaa ka codsaday R/wasaaraha  inuu xilka iska casilo.

Dhanka kale Xisbiga Likud oo uu ka tirsan yahay Benjamin Netanyahu
ayaa ku eedayay dadka dibabaxa sameyynaya inay doonayaan kala qeybinta
xukuumadda.

Golaha Aqalka Sare oo Ansaxiyey Xubin kamid noqonaya Gudigga Dib-u-eegista Dastuurka KMG ah

0

29 Mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Abuukaate Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kadib hortagitaankeedii Golaha Aqalka Sare.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in sirasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Gudiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka.
Ansixinta xubnaha Golaha Aqalka sare ee dalka Kadib ayaa halkaasi lagu dhaariyey Muumino Sh Cumar oo kamid noqotay Guddiga qaabilsan Arrimaha dastuurka.
Gudoomiyaha Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa Guul ku tilmaamay in Gudigoodu hello qof aqoon dheer u leh Arrimaha Dastuurka.
Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare hortagay oo Warbixin laga dhageystay guddoomiyaga Gudiga dib-u-heshiinsiinta Qaranka, Ismaaciil Macalin Muuse.
“Waxaan tagnay meelo badan oo Soomaaliya ah runtii intii uu Gudigan jiray waxaan qabanay Shaqooyin badan, waxaase naga horyimid caqabado muuqda markaasna aanan anaku awood buuxda u laheyn, waxaa Qorsha gudiga Bid-u-heshiinsiint Qorshahiisa kamida in Deegaanadda Al Shabaab laga xoreeyo dib u heshiisiin laga sameeyo”ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse
Sanatarada Golaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib soo jeediyey in Gudiggan Dib-u-heshiisiinta lataageero cabashooyinkoodana laxaliyo.
W/Q Cali Axmed Sheekh

Abul-Qeyd oo sheegay in qaraarka Mareykanka ee la xiriira Qudus uu yahay mid baadil ah

0

Al-Qaahira-(SONNA)- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd ayaa ka sheegay kulanka deg degga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee magaalada  Qaahira ka socda in go’aanka Madaxweynaha Mareykanka ee la xiriira in magaalada Qudus  u aqoonsaday  Caasimadda Israel, marka hore ay ku habooneyd in Qudusta Bari uu uictiraafo Caasimadda Dowladda Falastiin.

Abul-Qeyd  ayaa intaa raaciyay in qaraarkaasi uu gaaraay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha Qudus khuseeya uu yahay mid baadil ah,wuxuuna cadeeyay in qaraarkaasi oo ka soo horjeedo mabiidi’da sugan iyo cahdiga Qaraamada Midoobay oo sheegay in Israel ay magaaladaasi xoog ku haysato iyo waliba dhulalka kale ee dadyowga Falastiin.
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd, wuxuu kaloo cadeeyay in go’aanka ay Dowladda Mareykanka qaaday uusan marna waxba ka badaleyn xaqiiqda dhabta ah ee la haansha falastiin magaalada Qudus oo ay Israel sharci daro ku qabsatay, wuxuuna ka codsaday dhamaan Dowladaha  Caalamka inay mareykanka ka hor joogsadaan inay safaradeeda u rarto magaalada Qudus.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Caadil al-jubeyr ayaa ugu baaqay Maraykanka in ka noqoto qaraarka ay magaalada Qudus ugu rarayso safaaradeeda, ayna ilaaliso xuquuqda sharciga ee dhulalka dadyowga xaq u dirirka ah ee Falastiin oo ay Istrael xoog kula wareegtay sanadkii 1948 dii.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar Saamah Shukri ayaa isna shirkaasi ka sheegay in talaabada uu Madaxweynaha Mareykanka qaaday ee la xiriirta Arrimaha Qudus uu yahay mid mandiqada bariga dhaexe u horseeday dhibaato hor leh uuna yahay mid meesha ka saaraya xaqa falastiin ay u leedahay aaya ka talinteeda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee falastiin Riyaad Maaliki ayaa issna kulunkaasi wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda carabta ka sheegay inay marna geyigaasi nabad waarta ka aslaxeyn ilaa Qudus bari loogu ogolaado Caasimadda dowladda falastiin.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada Jaamacadda Carabta oo ka qeyb galaya kulankaasi  ayaa dhamaantood mowqif mideysan ka yeeshay arrimaha qadiyadda Falastiin iyo qaraarka Madaxweynaha M areykanka.

Dagaal ka dhashay Khilaafka Horjoogayaasha sar sare ee Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo

0

Muqdisho (SONNA) Dagaalkaan oo dhaxmaray  Maleeshiyaad taabacsan horjoogaha Al-shabaab ugu macagacaaban gobolka Gedo iyo maleeshiyaad kale oo katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo kala duwan iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in horjoogaha oo lagu magacaabo Fiiley maleeshiyaad taabacsan ay dagaal xoogan la galeen maleeshiyaad kale oo katirsan Al-shabaab oo uu khilaaf soo kala dhex galay, waxaana la xaqiijiyey in ay jiraan qasaaro dhimasho oo gaareysa inkabadan 10-maleeshiyaad, halka dhaawacana la sheegay in intaasi uu ka badanyahay.

Xiisad ayaa wali ka taagan sida wararku ay sheegayaan goobihii lagu dagaalamay iyada oo wali laisku hub uruursanayo, waxaana wariyeyaal ku sugan gobolka Gedo ay SONNA u sheegeen in maleeshiyaadkii taabacsanaa Horjooge Fiiley iyo isagaba ay ku sugan yihiin deegaanka Wargaduud, halka maleeshiyaadkii uu la dagaalamay ay joogaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo oo uu dagaalku ka dhacay.

Sargaal katirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa SONNA u sheegay in ay ka war hayaan dagaalka dhexmaray maleeshiyaadka ka wada tirsan Al-shabaab, islamarkaana dhawaanahaan uu jiray qilaaf soo kala dhex galay Argagixisada ku sugan gobolka Gedo, kaas oo ku saleysan kala shaki dhexdooda ah iyo qaabka loo maamulayo hantida iyo xoolaha ay ka dhacaan dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada gobolka Gedo.

Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka ka wada tirsan Al-shabaab ayaa imaanaya iyada oo horjoogaha ugu sareeya Al-shabaab Axmed Diiriye uu usoo baxsaday gobolka Gedo kadib markii ay is qabteen horjoogeyaal sar sare oo ay kawada tirsan yihiin Al-shabaab, iyada oo intaasi ay usii dheertahay howlgalada ay hogaamineyso dowladda Soomaaliya ee ka socda gobolada dalka.

 

R/W Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha Xukuumadda, si loo dar-dargeliyo barnaamijka isla-xisaabtan oo horey ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Khayre ayaa kormeer ku tagey Wasaaradaha Gaadiidka iyo Maaliyadda, halkaas oo kula kulmay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo xiligii uu kormeer ku jirey shaqeynayay, waxuuna ku bogaadiyey sida ay uga dhabeeyeen waqtigii shaqada loo jaan-gooyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii ku jirey kormeerkiisa wuxuu mid mid u booqday qeybaha ay ka kooban yihiin wasaaradahaasi, isagoo kula dar-daarmay shaqaalaha iney ilaaliyaan xiliga shaqada isla markaana ay dawladdu la xisaabtameyso cid walba oo mushaar ka qaadata.

 

Maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan oo lagu dilay Bay

0

Bay(SONNA) Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  ka warbixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degaanno hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, gaar ahaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab ayaa lagu dilay weerarkaasi,islamarkaana gacanta lagu dhigay kuwo kale sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuura Diin Abuukar.

Ma’uusan sheegin inta ay la egtahay tirada Shabaabka lagu dilay howlgaladaasi,balse wuxuu xusay in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo tiro kale oo nolol lagu qabtay.

Deegaanada howlgaladaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay gaar ahaan wadada xiriirisa  Muqdisho iyo Baydhabo ,halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey Shabaab ay ka bilaabeen in shacabku ay waddadaasi ay ku dhibaateeyaan.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab,gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan dagaal ka dhan ah maleeshiyadaasi.