Home Blog Page 1384

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

0

Guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta la kulmay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, kulaankaas oo daba socda kulamo xariir ah oo maalmahaan Guddiga uu la lahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee dib u qaabeyn loogu sameyn karo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo siddii loo kordhin lahaa howlgalada dalka looga xoreynayo kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Guddiga Maaliyadda, ayaa Sidoo kale la kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  iyagoona ka wadahadlay Xisaab xirka Miisaaniyada 2016-ka ee Qaranka.

Ugu Danbayntii Guddiga Gaadiidka, ayaa iyana yeeshay kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah, waxaana looga hadlay Dajinta Qorshe howleedka Guddiga iyo la kulanka ilaa Afar Wasaaradood oo uu Guddiga ku leeyahay kor-joogtayn-tooda.

Heshiiska ay gaareen TVga Qaranka iyo TVyada Dowlad Gobaleedyada

0

Heshiis Iskaashi
Agaasimeyaasha Telefishannada Qaranka (SNTV), PuntlandTV (PLTV), Jubaland
TV iyo Koofur Galbeed Soomaaliya (KGSTV) waxa ay ku heshiiyeen arrimaha
soo socda:
1- In ay is dhaafsadaan wararka iyo barnaamijyada
2- In Telefishanka Qaranku ka taageero Telefishannada Dawlad- goboleedyada dhanka Tababarrada, farsamada iyo Qalabka.
3- In Telefishanka Qaranku siiyo telefishannada dawlad-goboleedyada xafiisyo ay ku shaqeeyaan, telefishannada dawlad-goboleedyaduna ay
sidoo kale xafiisyo siiyaan wakiillada SNTV.
4- In Telefishanadu ay wadaagaan farriimaha iyo barnaamijyada wacyigelineed ee dowlad dhisidda xoojinaya heer Federaal iyo Heer
Dowlad-goboleedba, sidoo kalena ay baahiyaan farriimo iyo barnaamijyo mideysan oo bulshada looga wacyi gelinayo xagjirnimada.
5- In Telefishannadu sameeyaan tabin mideysan xilliyada ay lagama maarmaanka tahay.

Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah

0

Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar): Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali : Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan: Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf): Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:

1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada
2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka
3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah
4. Geedi socodka Doorashada 2020
5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo

Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

1. Siyaasadda

a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.

c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

2. Amniga

a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.

ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.

iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture).

ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.

iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.

iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

3. Arrimaha Federaalka

a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.

b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.

c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.

d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.

e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

4. Arrimaha Doorashooyinka 2020

a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.

b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.

c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.

d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

5. Deb-u-eegista Dastuurka

a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.

b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.

c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada

a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.

b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.

c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

DHAMMAAD

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)

Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu  ay  wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba.

Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah (three International Airport), waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya,

isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Kulan casho sharaf ah laqaatay xildhibaanada dowladda dhexe ku matala Hirshabelle”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Kulanka Casha sharaftaasi oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Markii si wada jir ah ay u wada casheeyeen Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Deegaanada Hirshabelle ee xalay kulanka wada qaatay, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Sidoo kale Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qaran oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)

Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu  ay  wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba.

Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah (three International Airport), waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya,

isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Kulan casho sharaf ah laqaatay xildhibaanada dowladda dhexe ku matala Hirshabelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Kulanka Casha sharaftaasi oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Markii si wada jir ah ay u wada casheeyeen Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Deegaanada Hirshabelle ee xalay kulanka wada qaatay, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Sidoo kale Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qaran oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Japan

0

Donald Jey Trump Madaxwaynaha Mareykanka ayaa gaaray dalka Japan lugtiisii ugu horeysay ee booqashada uu ku marayo dalalka Qaaradda Assia hlkaasi oo uu kula kulkmayo madaxda wadamadaa uu tagayo.

Mr Trump oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Japan kula hadlayay saldhiga Yokota oo u dhaw magaaladda Tokyo ee Caasimadda Dalka Jabaan ayaa ammaanay isbahaysiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Japan oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in militariga ay haystaan dhaqaalihii loo baahnaa si ay nabadda u ilaaliyaan islamarkana ay xorriyadda u difaacaan.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi,welina majiraan wax war ah oo uu ka yiri arrintaasi Kuuriyada Waqooyi.

Labada madaxweyne ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa horey  waxa ay isu waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul kuwaasi oosaxaafadda adduunku ay isku marinayeen.

Waxaa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Madaxwyen Trump ayaa Booqashadiisa oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine,isagoo xoojinaya xiriirka kaladuwan ee ka dhexeeya wadamadaasi.

Iraan oo iska fogeysay iney wax lug ah ku leedahay is casilaadii Sacad Al-Xariiri

0

Muqdisho(SONNA) Dowladda Iran ayaa sheegtay in casilaada Ra’iisal wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Al-Xariiri qeyb ka tahay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka,islamarkaana Iraan wax xiriir la lahayn qorshaha iscasilaadiisa.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Lubnaan ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay inuu u cabsaday noloshiisa.

Saraakiil sar oo u hadlay Iran ayaa ku eedeeyay Mareynkanka iyo Sacuudi Arabia iney ka danbeeyaan qorshaha uu sida lama filaanka ah isugu casilay Sacad Al-Xariire.

Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba’an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Talaabadan uu qaaday ayaa Lubnaan dib ugu celinaysa hubanti la’aantii siyaasadeed.

Sacad Al-Xaraiiri wuxu carrabka ku adkeeyey Iran markii uu jeedinayay hadalkii uu ku shaaciyey iscasilaadiisa, waxaanu ku eedeeyey Tehran in ay colaad iyo burbur ka abuurto meel kasta oo ay gacanteedu gaadho. Hadalkiisan uu ka jeediyey Sucuudiga ee aanu ka odhan Lubnaan dhexdeeda ayaa dad badan durbadiiba ku dhaliyey in ay arinta u arkaan go’aan Riyaad ka dambayso.

Lataliye sare oo u hadlay Iran ayaa dusha u saaray Sucuudiga in ay tallaabadan wada qorsheeyeen Maraykanka oo intan madaxweyne Trump hogaanka u qabtay si aad ah u taageera aragtida siyaasadeed ee Sucuudiga ka leeyahay Bariga Dhexe.

Mr. Xariiri Aabihii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Lubnaan Rafik Al-Hariri ayaa shirqool lagu dilay sanadkii 2005.

W/Q: Daahir Aadan Ali