Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaarey Caabudwaaq

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga laga socda  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Caabudwaaq,iyadoo ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa oo maanta ka soo ambabaxay Magaalada Guriceel ayaa soo maray Deegaanada kala ah Balanbale iyo Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaasi si diiran ay ugu soo dhaweeyeen qeybaha Bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Waxaana Socdaalka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku wehliya Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...