Ra’iisul wasaare Khayre oo u amba-baxay dalkaย Switzerlandย 

Date:

Xasan Cali Kheyre Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,isagoo ka qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka oo halkaasi ka furmi doona dhawaan.

Waxaa ka qeyb geli doona Shirkaasi Madax ka socota Dowladaha Afrika qaarkood, iyadoo shirkaasi diiradda lagu saari doono horumarinta dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto.

Mudane Xasan Cali Khayre Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya ย ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshoย Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Shirkani ayaa u muuqda in uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya,maadaama ay ka qeyb galayaan hoggaamiyaal ka kala socoda wadamada ku horumaray dhinaca Dhaqaalaha oo uu kujiro Mareykanka,waxaana lagu casuumay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kamid ah qaar kood.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...