Ardayda soomaliyeed oo kulan la qaatey Madaxda Wasaarada Dastuurka

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Ururada Ardayda Qaranka Soomaaliyeed, kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay doorka ardayda ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa kulanka ku soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha oo ka kala socday ku dhawaad 50 Jaamacadood oo dalka ka jira, waxa uuna Agaasimaha Guud sharxay sida ay Wasaaradda u dooneyso in ardayda ay kaalin wayn ka qaataan Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaaa ardayda u sheegay in Wasaaradda ay talooyinka dhalinyarada tixgelin doonto.

“Waxbarashada waa sida ugu wanaagsan ee dal lagu hormarin karo, waa lagama maarmaan in dadka ardayda ah ee in ay waxbartaan go’aansaday ay ka qaybgalaan Geedi-socdoka Dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda waxa ay aad u tixgelin doontaa talooyinka aad soo jeedisaan” ayuu yiri  Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu dambayn, ardayda kulanka ka soo qeybgashay ayaa soo jeediyeen talooyin badan oo ay kamid ahayd in Dastuurka lagu barto Jamaacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...