Eng:Yariisoow “Looma Dulqaadan karo in dhulalka danta guud lagu tagri falo”

Date:

Bulshada ku nool Gobolka Banaadir ayaa xaflad soo dhaweyn u sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalda Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo Maamulkiisa.

Xafladaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya, Wasiiro, Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo ka hadlay xafladda ayaa uga mahadceliyay bulshada Gobolka Banaadir sida ay u garab taaganyihiin Maamulkiisa waxa uuna ka codsadey in wadashaqeynta la sii xoojiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa u balan qaadey in Shacabka reer muqdisho ay ka caawin doonaan waxyaabaha ay tabanayaan.

ugu danbeyntii Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegey in aan loo dul qaadan karin Dhulalka Danta Guud ee sida Sharci darada loo dhisanaayo Maamulkiisane uu wax ka qaban doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...