Ra’iisulwasaaraha Xukumada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayay mas’uuliyiintu ka wada hadlayn xoojinta iyo wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga qayb qaadan lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka guud ee wadanka.

Safiirka Faranse u qaabsilsan arrimaha Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay horumarka ay samaysay mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha mudada dheer lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado wadamada horumaray hadii laga cafiyo daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo dardargalinta arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin Maaliyadda, Amnigg,a la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.

“Soomaaliya uma baahana oo kaliya in lagu taageero lacag, balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi lahaa daymaha. Sidoo kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo jidad casriya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladda ay ku dadaalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka,waxuuna u soo jeediyay in dalka Faransa uu qayb muhiim ah ka qaato sidii dunidda loo tusi lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu caalamku uu maalgashi uga samaysto Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...