Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degmada Kurtunwarey..

Date:

Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM ayaa howlgal qorsheysan oo lagu bur buriyay saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Weerarada iyo Qaraxyada dadka ay ku dhibaateeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ayaa shalay gelinkii danbe waxay howlgal ka dhan ah Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kurtunwarey iyo nawaaxigeeda.

“Ciidamada Xoogga dalka waxay galeen degmada Kurtunwarey,waxayna bur buriyeen saldhigyo Shabaabka ay lahaayeen  oo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo weerarada dadka ay ku dhibaateynayaan, “ ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ibraahim Aadan Najax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii ay Ciidamada Xoogga dalka ay ku soo guuleysteen howlgalkii Qorsheysnaa ay ka fuliyeen degmada Kurtunwarey iyo nawaaxigeeda dib ugu soo laabteen fariisimihii markii hore ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidan oo kale horay howlgalo qorsheysan uga fuliyay qeybo ka mid ah dalka oo ay ku sugaanyeen Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasoo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab,iyadoona lagu bur buriyay saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...