ergo ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika oo uguurgalaayo nabad muqdisho ka jirta

Date:

Xubno ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nadab ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxanay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Xubanahan Socdaalkooda waxay diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...