Home Blog Page 1372

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacday Riyadh

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay duqeymihii dhawaan lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh ee Dalka Sucuudiga,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen kooxaha Falaagada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

“Weerarkaasi waxaa cad in ay tahay in la jebiyay sharciga caalamiga ah,waxaana muujinaynaa dareenkeeni ku aadan xisadaha soo cusboonaaday oo majaxaabinaya amniga gobolka iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradad Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka iyo Dowladda Sucuudigu ay ku garab taagan tahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga ayna ilaashadaan nabad geliyada iyo degnaanshohooda.

“Waxaa ku celinaynaa balanqadkayni ahaa in aan sii wadno wadashaqeynta nagala dhexeysa Sucuudiga iyo saaxoobadeena eee Gobolka iyo guud ahaan Beesha caalamka,si loo cirib tir kooxaha arggagixisada Caalamiga ah,si loo helo nabadgeliyo iyo xasilooni waarta,ee Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka intiisi kale”. Sidaasi ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkani ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sucuudiga waxaa ay ka mid tahay wadamada taageerada siiya Soomaaliya,iyadoo uu kala dhexeeyop Soomaaliya xiriir dhankasta leh oo soo jireen ah.

Soomaaliland oo ay ka bilaabatay codbixinta doorashada Madaxtinimada.

0

Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha Soomaaliland,iyadoo la arkayo dadweyne aad u farabadan oo safuuf dhaadheere kujira si ay codkooda u dhiibtaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa  sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana la xiriiray, codayntu ay billaabatay 7:00 subaxnimo,waxaana la filayaa in dadka reer Soomaaliland ay doortaan hoggaan cusub.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Waxaa ku tartamaysaa ilaa 3 musharax eek ala ah Muusa Biixi,Faysal Cali Waraabe,iyo C/raxmaan Ciiro,kuwaasi oo midkasta sugaya natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxaana sidoo kale codaynaya musharixiinta.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Waxa ku sugan Soomaaliland korjoogayaal caalami ah kuwaasi oo u kuurgalaya xaaladda guud ee Doorashada,waxayna sugayaan habka ay u dhacayso doorashadaasi.

Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Rwanda

0

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Abdinasir Saciid Muuse oo uu wehlinayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ali Mohamed Ali ayaa waxa ay maanta ku soo dhoweeyeen Muqdisho wafdi ka socda Dowladda Rwanda oo uu hoggaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.

Imaanshiyaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib kulan bishii October 21 ku dhexmaray Magaalada Kigali Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda H.E. Ms. Louise Mushikiwabo iyo Wasiir kuxigeenadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga gudaha ee Soomaaliya oo looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Rwanda ayaa beri oo Isniin ah soo gaarsiin doonta Muqdisho deeq daawo ah oo toban tan ka kooban , waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo, laguna daweeyo dhaawacyada qaraxyadii ugu dambeeyay ee ruxay Caasimadda Muqdisho.

Qaabilaadda Wafdiga Dowladda Rwanda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Afrika Mr. Abdilatif Mohamud Ali iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mr. Hassan-Nur Abdi Aden iyo diblomaasiyiin kale.

Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay

0

Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya.

Halka lagu soo bandhigayey Daawooyinkan sida Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin Boliiska ugu soo gudbiyeen Haween si qaldan loo siiyey waxa joogay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Boliiska Soomaaliya,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Saraakiisha gacanta ku heysta baaritaannada Dawooyinka qaabka Daraagiska ah loo isticmaalay ee ka tirsan qeybta Dambi baarista ee CID-da ayaa masuuliyiinta sharraxaad ka siiyey baaritaannada horu-dhaca ah ee ay ilaa hadda sameeyeen iyo halka uu marayo baaritaannada xiga.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuullo Sheekh Axmed Gabelle, ayaa u mahadcelisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee falalka lagu dhibaateynayo Haweenka Soomaaliyeed ka hortagaya.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay waxa sharciyada iyo xeerarka dalka ay ka qabaan falalka noocaan ah ee la xiriira in Dawooyinka loo Isticmaalo Hab Daraagis ah oo dhibaato u geysanaya Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro in dalka la soo geliyo Dawooyinka Daraagiska loo Isticmaali karo oo Khatar badan u keenaya dadweynaha.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa adkeeyey in hey’adaha amniga ay si adag uga hortagi doonaan falalkan, waxa uuna u mahadceliyey ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.

Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay

0

Muqdisho(SONNA)-Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya.

Halka lagu soo bandhigayey Daawooyinkan sida Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin Boliiska ugu soo gudbiyeen Haween si qaldan loo siiyey waxa joogay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Boliiska Soomaaliya,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Saraakiisha gacanta ku heysta baaritaannada Dawooyinka qaabka Daraagiska ah loo isticmaalay ee ka tirsan qeybta Dambi baarista ee CID-da ayaa masuuliyiinta sharraxaad ka siiyey baaritaannada horu-dhaca ah ee ay ilaa hadda sameeyeen iyo halka uu marayo baaritaannada xiga.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuullo Sheekh Axmed Gabelle, ayaa u mahadcelisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee falalka lagu dhibaateynayo Haweenka Soomaaliyeed ka hortagaya.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay waxa sharciyada iyo xeerarka dalka ay ka qabaan falalka noocaan ah ee la xiriira in Dawooyinka loo Isticmaalo Hab Daraagis ah oo dhibaato u geysanaya Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro in dalka la soo geliyo Dawooyinka Daraagiska loo Isticmaali karo oo Khatar badan u keenaya dadweynaha.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa adkeeyey in hey’adaha amniga ay si adag uga hortagi doonaan falalkan, waxa uuna u mahadceliyey ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.

Doorashadii Sadexaad ee Madaxtooyadda S/Land oo Berri Dhacaysa.

0

Soomaaliland(SONNA) Doorashadii sadeexaad ee loogu tartamaayo  kursiga ugu sareeya S/Land ayaa la filayaa in ay berri oo isniina ka dhacdo goboladda iyo deegaanada hoos yimaada S/land.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan sadex xisbi oo ka jira Soomaaliland ayaa kala ah xisbiga iminka tallada haya oo musharixiisu yahay Muuse Biixi Cabdi,halka xisbiyadda Mucaaridka ee Wadani iyo Ucid ay kala yihiin mushariinta Madaxwaynuhu C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi{cirro} oo Wadani ah iyo Eng.Faysal Cali Waraabe oo Ucid ah.

Saadaasha doorashada ayaan ilaa hada la odorosi karin,taas oo ay ku macneeteen dadka ka faalooda doorashooyinku in xisbiga Talada Haya ee Kulmiye iyo xisbiga Mucaaridka Fog ah ee Wadani ay aad iyo aad isugu dhaw yihiin xaga taageerista dadka ay codka ka rabaan.

S/Land ayaa shalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba hakad kooban la galiyo baraha bulshadu isticmaasho iyo internad-kaba ,ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Dhinaca kale shacabka S/land ayaa aad ugu diyaar garoobay doorashadan,iyagoo hada ka horna soo doortay laba Madaxwayne.

Goobjoogayaal caalami ah ayaa sidoo kale jooga S/Land, kuwaas oo dusha kala socon doona habsami u socodka doorashada madaxtooyada Soomaaliland

20.000 oo dollar oo la duldhigay horjooge Shabaab katirsan oo Kenya kusugan

0

Kenya(SONNA) Iyadoo muddooyinkii ugu dambeyeey ay jirtay cabsi laga qabay in Alshabab ay weeraro ka geystaan dalka Kenya,ayaa waxaa soo baxaya digniino horleh waxaana jira lacago la duldhigay madax horjooge Shabaab katirsan.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Dalka Kenya,Taliska Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa sheegay in  20.000  oo dollarka Mareykanka ah uu Mareykanku duldhigay madaxa horjooge kajirsan Alshabab,kaasi oo magaciis alagu soo koobay  Cali zira,wuxuuna qaabilsan yahay dhanka qaraxyada iyo dilal qorshesan oo ka dhacay xeebaha Kenya,oo cabsi badan ay kajirtay beryahan dambe.

War uu soo saarey Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in xoga ay heleen hay’adaha ammaanka Dalkaasi ay muujinayaan in horjoogayaasi uu ku biiray Alshabaab sanadka markii ahaa 2012kii,wuxuu Soomaaliya ku qaatay tababar kadibna uu ku laabtay Dalka Kenya,sidaasina waxaa laga soo xigtay Laamaha mmaanak dalkaasi.

Waxaa loo balanqaaday qofkasta oo kamid ah bulshada dalka Kenya lacag dhan 20,000 kun oo dollar hadii uu soo sheego xogaha ku saabsan Alshabaab,iyadoo ninkaasi uu ku eedeysan yahay in uu ka dambeeyeyweeraro iyo dilal kala duwan oo ka dhacay Xeebaha Dalka Kenya.

Waxaa heegan ballaaran la geliyay ciidamada ammaanka Dalkaasi Kenya,kuwaasi oo la doonayo in ay ka hortagaan hadii khatar horleh ay timaado.

Wasiir Oomaar”Waxaan Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Muqdisho Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol”.

0

Muqdisho(SONNA):–Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Amni daro ka jirto Garoonka Magaalada Muqdisho .

Mudane Maxamed C/laahi Salaad ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan Howlaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ayna been abuur tahay warar  maalmahaan ay faafiyeen Qaar ka mid ah Hay’addo waxuuna sheegay in ay la xisaabtami doonaan kuwa Wararka been abuurka ah Faafiyay .

“Garoonka waxaan ku qabanaa maalin kasto oo Sabti ah Shir looga hadlayo Aminga,waxaan maalmahan jiray Warar sheegaya in Goroonka Amnigiisa uu xunyahay waa mid been ah oo aan sal iyo raad laheyn ,waxaana Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Aadan Cadde Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol, waxa loo sheegayo ay been yihiin wax isbadal ah oo dhanka Aminga Goroonka majiro maalinba maalinka ka dembeyso wuu sii Hagaagayaa”Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka XFS

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed iyo Shirkadaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Dalka  in uu sugan yahay Amaanka Garoonka Aadan Cade uuna kamid yahay Garoomada ugu Nabad galyada Badan Gobolka.

Mareykanka oo faah faahiyay duqeymihi ugu dambeeyey ee Shabaab lagu beegsaday

0

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo laga soo saarey xarunta taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee Africa u qaabilsan ayaa lagu faah faahiyay in Duqaynta Habeenkii Jimcaha ahaa laga fuliyay Gobolka Jubadda Hoose meel 20 Mile u jirta Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in deegaano dhowr ah ay ku duqeeyeen Shabaab sida deegaano katirsan Gobolada Bay iyo Shabeelooyinka iyo Jubada Hoose.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa Warka uu soo saaray ku sheegay in weerarkii uu dambeeyay ay isku xirkiisa la kaashadeen Dowladda Soomaaliya.

Ilaa 81 qof oo katirsan koxda Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe,taasi oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo kaashanaya xulufadooda,waxaana dowladda Soomaaliya ays heegtay in weerarkaasi khasaare xooggan uu ka soo gaarey Shabaab.

Weeraradda isadabajooga ah ee Al-shabaab lagu beegsanayo ayaa kordhay Maalmihii u dambeeyay, weerarardaasi waxaa ay kakala dhaceen Goboladda Shabeelaha Hoose, Shabeelaha dhexe Bay, iyo Jubadda dhexe.

Wixii ka dambeeyey 14kii October qarixii ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaalaad Muqdisho waxaa sii kordhayay carada laga muujinayo dhibaatada Alshabaab ay u geysanayaan bulshada.

Wasiirka arrimaha Gudaha”Deegaanada Qaar Gole deegaan lagama hirgelinkaro sababo Amni”

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shir ay hogaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shalay Muqdisho  Furtay Shir looga hadlayey dhisiadda Golaha Deegaanka ayna ka qeyb galeen Wasiiradda Arriamaha Gudaha Maamul Goboleedyadda iyo mamulka Gobolka Banaadir,iyadoo ay ka bilowdeen qeybo akmid ah gobolada Dalka.

Shirka oo wadatashi ah ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlaya dhismaha Golaha Deegaanka ee dhamaan Degmooyinka Gobolada Dalka,waxaaan barnaamijkani taageeraysa Hey’adaha  kashaqeeya Arrimaha Hormarinta Deegaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Maamuleedyadda dalka ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan u marayo dhisitaanka Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa  tilmaamay in deegaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaanka Xaalad Amni awgeed balse Deeganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgalin doono.

Wasiir Juxa waxaa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay Maamul Goboleedyadda inay qeyb ka qaataan in lameel mariyo Sharciga Gobolaha Deegaanka si-dhaqso loo helo Gole Deegaan.

Hadda waxaa Golaha Deegaanka sameystay oo kaliya dhamaan Degmooyimka Soomaaliya Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool oo kaliya waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof.

Balse waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii gobolada kale loo gaarsiin lahaa dhismaha golayaasha deegaanka,taasi