Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose oo ka warbixiyey Howlgalo maalmaahaani socdey

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen Gobalka Shabeelaha Hoose, isagoona sheegay in cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab lagala wareegay deegaano dhowr ah, sidoo kalena la burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Dhibaateynta shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalada ay ku socdaan si xawli ah, Nabad diidka Al shabaabna ay cabsi xoogan ka qabaan Ciidamada Xoogga dalka, isla markaana ay ka cararayaan deegaankii ay ciidanka ku dhaawadaan

“Markey maqlaan in ciidanka uu soo socdo iyaga ayaa cararaya tabar iyo naf ay leeyihiin malaha, aad ayay u liitaan, mana awoodaan inay u babac dhigaan awooda ciidamada xoogga dalka, ciidamada xalay waxay ku sugnaayeen Tuulada Deemaay ka dib markii ay ka ruqaansadeen degmada Sablaale oo shalay ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka”

Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in Howlgalka qorshahiisa koowaad uu yahay in la burburiyo Saldhigyada cadowga, isla markaana la xaqiijiyo amniga meelaha laga saaro Al shabaab.

“Howlgalka qorshahiisa koowaad waxa waaye in la burburiyo Astaamaha iyo Saldhigyada Cadowga goobaha laga ceyriyo, oo ciidamada ay xaqiijiyeen amniga halkaasi, awooda cadowga halkaas ku leeyahay in la ogaado, markaas ka dib awood ku filan oo Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaban karta in la geeyo, waxaana ciidamadaas looga baahan yahay inay shacabka ka difaacaan cadowga”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Argagaxisada Al shabaab ay cuuryaamiyeen waxsoosaarka Gobalka Shabeelaha hoose, isagoona sheegay in Howlgaladan ujeedadoodu ay tahay in Meelaha laga saaro Al shabaab la gaarsiiyo Iftiinka dowladnimo dadkuna ay yeeshaan waxsoosaar dalka anfaca.

“Waxsoosaarka iyo nabada Gobalka Shabeelaha hoose ayay cuuryaamiyeen Al shabaab, Lacago baad ah ayay shacabka ka qaadaan, Howlgaladan waxay bilow u yihiin in Deegaanada ay mugdi iyo Nolol xumada ugu dhuumaaleysanayaan Nabad diidka la geeyo Iftiinka Dowladnimada”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu dambeyn sheegay in Shacabka ku nool deegaanada Al shabaab lagala wareego ee Shabeelaha hoose ay si weyn ugu baahi qabaan dowladnimada, iyagoona si qiirad iyo wadaniyad ku jirto usoo dhaweeya ciidamada xoogga dalka oo Calamo qoyan ay u lulayaan.

Xigasho Sonna

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS)...

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka caasimadda

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,...

Madaxweynaha JFS oo kulan ku casuumay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...